The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbis

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbis

Post by Khalid Ali »

Maanta UDUB iyo KULMIYE-ba waxa u Madaxweyne ah Murrashaxa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)’ Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Hargeysa (Jam)- Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan, ayaa daboolka ka qaaday in shirar beryahanba u socday salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshu ay ku go’aansadeen in beelaha Subeer Awal taageeradooda siyaasadeed ku xoojiyaan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay u arkeen nin dalka ka saari kara maxladda uu ku jiro.

Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay siiyey Idaacadda Radio Horyaal, isagoo xusay in shirar isdaba-joog ah oo saddexdii bilood ee u dambeeyey u socday madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Subeer Awal oo ay ku qiimaynayeen xaaladda dalku marayo, doorashada dalku galayo iyo cidda masiirka ummadda lagu aamini karo, kuwaas oo markii dhinac walba laga eegay la go’aansaday in beeshu taageeradooda siyaasadeed la barbar istaagto Guddoomiyaha KULMIYE.

“Runtii shir aayo-ka-tashi ah oo beeshu gashay saddex bilood ka hor, kaas oo soo maray maraaxil fara badan oo xasaasi ah, waxaannu saldhigiisu ahaa beesha oo kaga arrinsanaysay itijaaheeda siyaasadeed, go’aamana way ka soo baxeen. Markaa meel fiican oo qurux badan oo axsaabta qaranka iyo cid waliba ogtahay ayuu ku biyo-dhigay, arrintaasina waxay noqotay in aannu ururino xogtii beesha min bari ilaa galbeed, annagoo u yeedhnay tusmooyinkii beesha Awal ka koobnayd. Xogtiina go’aamo wanwaagsan ayaa ka soo baxay.”

Suldaanka oo la waydiiyey go’aamda soo baxay waxay yihiin,

“Waxa beeshu isku raacday markii dhan walba laga rogrogay, shacabka Somaliland maanta isbeddel ayuu u baahan yahay, isbeddelkaa uu u baahan yahayna meel buu isku wada raacay oo ah in la dhiso Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo murrashixiisa Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici. Beesha waxa u dan ah danta Somaliland, maadaama aynu arkayno maanta halka ummaddii martay xogtii aannu beesha ka ururinayna sidaas ayuun bay noqotay. Runtii aannagu xisbi ma geli karno, laakiin maanta maslaxadda dalka ayaa laga fikirayaa, sidaa mujtamicii Somaliland isugu raacay in isbeddel dalkan ka dhaco cidda inaga saari kartaana ay tahay mujaahidkaa halgamaaga ah ee inta badana aynu waayo-aragnimada bidayno, ayaa marxaladan maanta inagala dabaalan karaya, isbeddelkanina waa mid guud oo caam ah oo ka dhacay dalka guud ahaantiiba, markaa taas ayuun buu waafaqsan yahay.”

Mar la waydiiyey Suldaanka in beeshiisa oo hore u taageeri jirtay xisbiga UDUB in go’aankan macnihiisu yahay inay ka guurtay halkeedii hore, waxa uu ku jawaabay, “Runtii Madaxweyne Rayaale wax kalsoonidii beeshan u yaalaa ma jiro oo taa isaguba wuu ogyahay, beeshuna markii horeba KULMIYE-na way ka tirsanayd, UDUB-na way ka tirsanayd, laakiin caam ahaan maanta annagu waxaannu eegaynaa aqlabiyadii beeshu halkay martay oo ay khasab tahay in aannu raacno oo aannu tixgelino. Maanta UDUB iyo KULMIYE-ba waxa u madaxweyne ah murrashaxa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halkaas ayaa la isugu biyo shubtay, waxaad maanta ka warhaysaa in dalka laydh kale ka socoto, beeshuna aqalkaasi [Madaxtooyada] way ka guurtay, shacab badanina way na soo waydiiyaan oo waxay yidhaahdaan halkee ayaanu codkayaga ku ridnaa, halkaas ayaanu uga iftiiminaynaa.”

Suldaanka guud oo wax laga waydiiyey magacyada salaadiinta go’aankan beesha ku wehelisa, waxa uu yidhi, “Waxa joogay boqorkii dhinaca bari noogu xigay Boqor Xasan Ruug, waxa ka mid ahaa suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Axmed-nuur Samaale, Suldaan Shariif Batuun Diiriye, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar, Suldaan Axmed Daahir Cilmi, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelleh, way dhammaayeen guud ahaan, laba ama saddex hawl nagaga maqnaana way jireen.”

Suldaan Xasan oo la waydiiyey in go’aanka ay qaateen beeshooda ugu baaqeen inay raacaan iyo in kale, waxa uu yidhi; “Go’aanka beesha ayaa qaadatay, annagu guddoon baanu ku leenahay, sidaas ayaanu ugu faataxaynay, war saxaafadeed kamaanu soo saarin, laakiin beesha waanu iska war haynaa intaa xidhiidho ayaanu la leenahay, waanu is ognahay halkaanu joogno.”
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by Siciid85 »

huh.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by Cali_Gaab »

I really like this guy, waa mid danta dalka gartay :clap:
This is the guy that raised sahangalbeeds blood pressure miyaa :lol:
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by Voltage »

Never seen a "democratic" society in all earth in which parties were formulated based on tribalism and not positioning and tribal sultans picked sides. Why don't the Isaaq clan not say they can't compete with Darod and Hawiye within a Somalia and so want to make their own Isaaq-dominated state though your sub-clan and sub-sub-clan rivalry will a liken you to Somalia based on the Somali clan denomination? How pitiful.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by Cali_Gaab »

What's pitiful is your clan holding a 'shir' in Kenya when its purpose is to strengthen relations between clans back home.
Fix your problems first my friend, your whole existance is full of pot holes.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by Khalid Ali »

Cali gaab Sahan accuses Kulmiye of having a clan Agenda. Wasnt it Udub members And politicians and the governer of maroodijeex and their so called Pro udub elders that were saying Beesha Burco hanooga baxdo Hargeisa :lol: , Dident this same sultan says Qabyaalada iyo kala qeybinta ummada somaliland joojiya beesha burco Cidii kama xigto Magaalada hargeisa magaalado wa caasimad it belongs to every somalilander , Where was sahan when udub was saying that the only elder that condemned These actions Was the habarawal sultan Suldan xassan sultan Cabdilahi Suldaan cabdiraxmaan Sultan Diiriye. Karramalahu wajhu
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by Cali_Gaab »

Sahan uu isku yaacay, you've made some excellent points there and its unfortunate that he turns a blind eye. 'Qabyaalada reer bariga' ayaa ka soo hadhay, unfortunate indeed.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by SahanGalbeed »

Voltage wrote:Never seen a "democratic" society in all earth in which parties were formulated based on tribalism and not positioning and tribal sultans picked sides. Why don't the Isaaq clan not say they can't compete with Darod and Hawiye within a Somalia and so want to make their own Isaaq-dominated state though your sub-clan and sub-sub-clan rivalry will a liken you to Somalia based on the Somali clan denomination? How pitiful.
Of course who can compete with TERRORISTS stupid ! :lol:
Secondly the reason you haven't seen it anyhwre else is BEACAUSE IT IS UNIQUE TO SOMALILAND , a system made by Somalilanders FOR Somalilanders .
I can bring here many aricles written by non somalilanders who held our current political institution as a "beacon of hope and peace among the chaos in a vulture inhabited sub region "
get the fuck out of here !
Last edited by SahanGalbeed on Wed Jun 16, 2010 4:26 pm, edited 1 time in total.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: The Sultan again Silanyo is the President of All Xisbi

Post by SahanGalbeed »

We need to move beyond this . Wether you all like it or not , wether the HY do it or not , wether UDUB employs the same tactics or not , wether bohol iyo karaman is an idiot or not , waxaaso dhan i ma quseeyaan aniga .. we need to move forward .. support Faysal Cali and UCID :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”