Udub oo wacdaro ka dhigtay Ceerigaabo Manta

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Udub oo wacdaro ka dhigtay Ceerigaabo Manta

Post by Bohol iyo karaman »

Ceerigabo=Taageerayaalka Udub oo Buux-dhaafiyey Beerta Xorriyadda. Daawo
Written by Qarannews
Jun 15, 2010 at 05:27 PM


Ceerigaabo(Qarannews) Waxa maalintoodii shanaad ee isu soo baxa taageerayaalka xisbiga Udub si aan hore loo arag u buux-dhaafiyeen fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo.

Isusoo-baxan taageerayaalkan Udub kasokow waxa iyaguna kala qayb galay Madaxda xukuumadda ee heer-qaran heer gobol iyo heer-degmo Madaxda Xisbigan Udub ee heer-qaran heer gobol iyo heer-degmo Madax-dhaqameedyo iyo guurti beelaha Sanaag ah.

Maayorka magaala-madaxda gobolka Sanaag Ismaaciil Xaaji Nuur oo ugu horray fagaarahaas hadal kooban kazoo jeediyey ayaa yidhi



"Aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa sida weyn ee aad isugu soo baxdeen waaxan kaloo halkan ka sheegayaa haddii aad maqasheen arrimo la xidhiidha ayaa xisbiga soo dhex galay waa waxba kama jiraan haddiise meel laysugu yimaaddo ooh awl gacanta lagu hayo waxay keeni kartaa in wax laysla garan waayo ama qofba si uu wax u arki karo waxase danta iyo guntu tahay in wax laysla saxayo madaxda Udubna sharaf ayay mar kastaba mudan yihiin bahweynta Udubna khilaaf waa ka reebban yahay wana la wada joogaa waana la wada joogi doonaa".

Isagoo hada;lkiisa sii watana wuxu yidhi "Waxan idinku boorrinayaa in aynu xisbigeenna adkayysanno oo u diyaargarowno 26-ka June iyo codkeenna oo aynu Udub siinno guushana insha'allaahu Udub baa heli doonta".

Isagoo ka hadlaya axsaabta mucaaradka ahna wuxu yidhi "Axsaabta mucaaradka ah oo maalmo dhoweyd halkan ka yidhi hadallo laga yaqyaqsoodo oo ay ka mid tahay Udub jinaasad ha lagu tukado iyo waa geeryoodey annagu aflagaaddo iyo cay iyo hadal xumo midna ku odhan mayno laakiin waxan leeyahay waa ceebowdeene alle haydin hadeeyo cay iyo aflagaaddona taageero ku heli maysaan annagana (Udub) inta aad catyda iyo aflagaaddada kusoo eridaan ayaa naga badan kubbadda innaka dhexaysa ee garoonkaas talna annaga ayaa ku guulaysanayna oo iska leh". Ugu danbayn wuxu yidhi Maayorku "Waxa jirtey arrin axsaabta mucaaradka ahi qaarkood dadka ku yidhaahdeen kaadhadhkiinna keena aan idiin haynee taasi waa mid aan qofkii damiir leh kasuurta geli karin waayo kaadhadhkiinni waa mustaqbalkiinnii aad codkiinna saddex doorasho ku dhiibanaysaan hana ka yeelina arrintaas".

Maxamed Boqor-xmed oo ah beesha uu kazoo jeedo guddoomiyihii Udub ee dhawr casho ka hor sheegay in uu xilkii iska casileyna wuxu yidhi "Waxba kama jiraan hadalka rag xisbiyada qaarkood ahi aanay suuqa ka yidhaahdeen raggii ugu waaweynaa ama ugu dhaadheeraa Udub waa ka bexeen taas waxba kama jiraan Cali Ismaaciil Barre wuxu ahaa welina yahay guddoomiyihii Udub ee gobolka Sanaag. Anigoo ah beeshiisiina waxan halkan ka caddaynayaa taageeradii beeshayada ee xisbiga Udub in aan wax iska beddeley jirin". "Kuwa lahaa dumaasha raggaas ama Udub ayaannu leenahay waa ceeb iyo hadal aan loo miidaan deyin". Isagoo intaas kusii daray "Maalmaha yare e innoo hadhay waxan idiin soo jeedinayaa sedan manta oo kale in aynu sii laban laabno dedaalkeenna iyo taageeradeenna xisbiga Udub".





Maayorka degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Nin maalintiisii fagaaraha beerta usoo bixi kari waayey innakuna caydiisa waa u dul qaadanaynaa dedaalkeennana waa sii kordhinaynaa waxaynuna nahay dadka walaalaha ah ee bahweynta Udub oo aan kala qolo iyo kala qayb-qaybsanaan toonna lahayn Somaliland-na waa Alool laysu keenay oo lagu midaysan yahay dhammaanteen".

Guddoomiye-kuxigeenka Udub gobolka Sanaag Keyse Xasan Cabsiiye oo isaguna fagaarahan hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi

"Maanta waan ka xumahay labadayadii nine e dhaadheeraa in saaxiibkaygii kala (Cali-dheere) halkan ka maqan yahay laakiin waxan ku rajo weynahay maanta maalinta xigta in uu fagaarahan innooku iman doono waxan kaloo idiin sheegayaa qof kastaba caqligiisa iyo xornimadiisu in ay hagaan oo uu ku meel maro ayaa wanaagsan laakiin maalinba caqli goonni ah hadduu la yimaaddo uma wanaagsana markaa innaka mawqifkeennu waa taageerada xisbigan Udub".

Afhayeenka Siyaasadda Udub Cumar Jaamac Faarax oo isaguna halkaas hadallo dhinacyo badan isugu jira kazoo jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa

"Farxad weyn ayay Ii tahay idinka oo xaddigan leh oo isugu soo baxay taageerada Udub in aan idin kala soo qayb galo fagaarahan beerta xorriyadda". "Xisbiga Udub wuxu u taagan yahay midnimada Wadajirka iyo Qarannimada Somaliland umana kala qaybinno annagu ummadd beelo gobollo iyo qabiillo midnaba waxana nooga markhaanti ah siyaasadda Udub dalka kusoo maammulaysey toddobadii sano ee uu talada soo hayey". "Waxan jecelahy in aan saxaafadda u mariyo hadalka dacaayadda ee laga sii daayey saxaafaddeenna mixilliga ah gaar ahaan Horn Cable TV ee uu yidhi dhammaan guddidii fulinta gobolka Sanag oo is wada casiley arrintaasi waa been cad waxana jira anshax taas waxan guddida doorashada iyo guddid anshaxa doorashadaba iyo guddida saxaafaddaba u sheegayaa in ay arrintaas been-abuurka cad ee saxaafaddu sheegtay tallaabo cad ka qaadaan waxayna arrintaasi ku koobnayd laba qof keliya iyaguna xisbiga kama tegin". Isagoo ka hadlaya axsaabta mucaaradka ahna wuxu yidhi

"Axsaabta mucaaradka ah siiba Kulmiye waxan idiin sheegayaa xilligii halgankii shacbigeennu kusoo jirey ee uu madaxda ka ahaa waxa ragaadiyey oo uu ka dhaqaaqi waayey kala qaybi iyo qabyaalad iyo iska horkeen xilligii madaxweyne-C/raxmaan-Tuur 1991-kii waxaynu ku dhawaqnay madax-bannaani waxa isla markiiba hoggaanka Kulmiye ku dhawaaqeen dawladi ma jirto waxayna abaabuleen dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daatay saraakiishii iyo dhallinyaradii halgankaas kazoo hadhayna ku idlaadeen xilligii Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal oo ay iyagu weliba keeneen waxay markiiba yidhaahdeen dawladi ma jirto waxayna abaabuleen dagaalkii beelaha walaalaha ah waxa mar kale 2003-dii shacabka Somaliland dib u doorteen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin isla markiiba haddana waxay yidhaahdeen dawladi ma jirtee markaa dawladda y doonayaan waa mid side u eg halkeese taalla. Saddexdii doorasho ee dalka ka dhacay waxa helay Udub maantana waannu ka kalsooni iyo taageeroba badan nahay annaga ayaana helayna guusha". Wuxuna intaas kaddib faahfaahin gaar ah ka bixiyey Madaxweyne Daahir rayaale Kaahin oo uu sheegay in uu yahay mid dhawrsoon ooo dulqaad leh kalsoonina ku qaba taageeradiisa sugayna maammulka iyo xuduudaha Somaliland.

Wasiir-kuxigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise Tallaabo oo ugu danbayn fagaarahaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yiddhi

"Maanta hadalka badin mayo laakiin waxan wax yar idiinka taabanayaa doorka iyo heerka beesha caalamku kga jiraan doorashadeenna oo Safiirkii Ingiriisku maanta Hargeysa jooga oo tilmaamaaya". Isagoo intaas kusii daray "Burco wixii ka dhacay iyo ciddii ka danbaysey iyo baabuurtii ay wateenba waa la hayaaye nabadgelyada ha loo feejignaado". "Xisbigani liici mayo guushana insha'allaahu Udub ayaa heli doonta".

Waxa iyaguna fagaarahaas ka hadlay madax-dhaqameedyo iyo guurti ay ka mid yihiin Ch-Caaqil Maxamed Cismaan Liibaan Dacar Aadan Cadde iyo Mahdi Ducaale X. Cilmi kuwaas oo dhammaantood halkaas ka caddeeyey taageerada iyaga iyo beelahooda xisbiga Udub.

Sikastaba ha ahaatee iyadoo ay maalmahan jireen hadal haynta iyo saamaynta ay ku yeelan karto xubno katirsan xisbigan Udub ee Ceerigaabo oo iyagu sheegay in ay iska casileen xilalkoodii ayaa maanta xaaladda isu-soo baxa taageerayaalka Udub oo ugu danbayntii socod lug iyo gaadiidba ku maray suuqyada waaweyn ee magaalada Ceerigaabo u muuqanayeen kuwo aan sinaba looga tebi Karin wax hoos u dhac ama saamayn ah oo arrintaasi ku yeelatay balse haddii taas loo eego ayaa la odhan karaa drdar-gelin hor leh ayaa taageerayaashan Udub la yimaaddeen.

Image
Image
Image
Image
[youtube]K75l-GS0oj8&feature[/youtube]
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Udub oo wacdaro ka dhigtay Ceerigaabo Manta

Post by Khalid Ali »

i heard reer ceerigabo lahjadii daahir riyaale may fahmin when he visited few days back :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”