Another Mayor Resignes From udub and joins Kulmiye

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Another Mayor Resignes From udub and joins Kulmiye

Post by Khalid Ali »

Maamulkii Degmada Qoryaale Oo Ka Baxay Xisbiga Udub Kuna Biiray Xisbiga Kulmiye

“Markaanu Eegnay Xaalada Maanta Dalku Ku Jiro Waxanu U Aragnay Inuu Isbedel U Baahan Yahay Wadanku” Bile Jaamac Muuse Gudoomiyaha Qoryaale

Maayar ku xigeenkii iyo xoghayaha dawlada hoose ee dagmada Qoryaale ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday in ay ka baxeen xisbigii ay taageeri jireen ee Udub kuna biiray xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, kuwaasi oo kala ahaa gudoomiyihii degmada Bile Jaamac Muuse, gudoomiye ku xigeenkiisii degmada Cabdi Xuseen C/llaahi iyo xoghayahii fulinta degmada Diiriye Jaamac Cawad oo munaasibadii ay ku shaacinayeen mawqifkooda ku qabtay degmada Qoryaale ayaa sheegay inay go’aansadeen in ay gebi ahaanba iyaga iyo taageerayaashoodii ay ka baxaan xisbiga Udub. Gudoomiyaha Qoryaale oo xalay ay waraysi la yeelatay idaacada madaxa banaan ee Radio Horyaale, ayaa sheegay in iscasiladooda ay ka dambeysay ka dib markii xisbiga Udub uu jaahwareeray maamulkii Udubna ay meesha ka baxday, islamrkaasna ay tahli kari waayeen inay ummada la hor yimaadaan halka ay mareen balanqaadyadii shacbiga ay u qaadeen, sidaasi darteedna aanay meesha oolin wax laga sii sugaa xisbiga Udub wax imika ka danbeeya oo laga rajeeyo waxqabad. Wxana masuuliyiinta qoryaale ay intaasi ku dareen, in ay si rasmiya iyaga iyo taageerayaashoodiiba ay ku biireen xisbiga Kulmiye oo barnaamijkiisa siyaasadeed uu si weyn u soo jiitay bay yidhaahdeen shacabka reer Somaliland.

Munaasibadaasi waxa kale oo ka hadlay xildhaabaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), xildhibaan Farxaan Maxamed Cali iyo xubno ay ka mid yihiin Mustafe Cabdi Cartan iyo Jaamac Abokor oo ka tirsan xisbiga Kulmiye waxaanay ku hambalyeeyeen talaabadan ay qaadeen, islamarkaasina waxay ugu baaqeen maamulada kale in sidan oo kale ay yeelaan oo la badbaadiyo qaranimada shacbiga Somaliland dhibaatada badani ka soo martay.

Intaa ka dib godoomiyihii degmada Qoryaale oo ka hadlayay sababta ay uga baxeen xisbga Udub ee ay ka tirsanaayeen uguna biireen Xisbiga Kulmiye, waxanu yidhi “Waxa sababay inaanu ka baxno Udub markaanu eegnay xaalada maanta dalku ku jiro iyo sida uu yahay waxanu u aragnay inuu isbedel u baahan yahay wadanku”

Iscasilaada maamulka degmada Qoryaale ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli ay masuuliyiintii Balligubadle xarunta gobolka Hawd, degmoyinka Alaybaday, Faraweyne iyo Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag maamulka xukuumada iyo xisbiga Udub isugu jira xilalkii ay hayeen iska casileen.
:lol:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Another Mayor Resignes From udub and joins Kulmiye

Post by Khalid Ali »

Not just The mayor , also the mayor Kuxigeen :lol:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Another Mayor Resignes From udub and joins Kulmiye

Post by LiQaaye_TDH »

Not even That, the whole of Qoryaale Administration have joined KULMIYE, they are the Big boys of Togdheer (Axmed Faarax) :up:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Another Mayor Resignes From udub and joins Kulmiye

Post by Cali_Gaab »

:lol: axmed faarax are finally waking up eh? Better late than never I supose.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”