




Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Waftigii uu Hogaaminayay Oo Maanta Si Wayn loogu Soo dhaweeyay Magaaladda Burco.
Dadweynahani oo usoo burqanayey sida Mawjadaha ayaa waxa ay gabi ahaanba la waayey Meel lakala istaago Barxada Kheyriyada Daawo Sawiradda
Kumanaan taageerayaasha Xisbiga kulmiye ah Maanta isugu soo Baxay Fagaaraha Kheyriyada ee Magaalada Burco si,ay usoo dhaweeyaan wafti balaadhan oo uu horkacayo Musharaxa Jagada Madaweynaha ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
GetAttachment.aspx (5)
Dadweynahaasi tirade badan ee isugu soo baxay fagaaraha kheyriyada ayaa waxa ay halkaasi ka muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee Kulmiye,waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen Ciyaaro,heeso,Gabayo ay ku taageerayaan Xisbiga Siyasiga ah.
buuni
Dadweynahani oo usoo burqanayey sida Mawjadaha ayaa waxa ay gabi ahaanba la waayey Meel lakala istaago Barxada Kheyriyada ee Magaalada Burco,dadkani oo mar marka ka danbaysa soo badanayey ayaa waxa ay ahayd Tii ugu Balaadhnayd ee abid dadweynaha reer burco ay soo dhaweeyaan Axmed Siilaanyo
GetAttachment.aspx (6)
sidoo kale Tubnaayeen Biriishka Weyn ee Magaalada Burco ilaa kheyriyada.Soo dhaweyntani ayaa waxa Munaasibadani ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxda X isbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Muj.Maxamed Kaahin,Gudoomiyaha ololaha Gobolada Bari Dr.Maxamed Cabdi Gaboose,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ,Dr.Cabdi awdaahir,Cuqaaal iyo Masuuliyiin kale oo ka tirasan Xisiga Mucaaridka ah ee Kulmiye
GetAttachment.aspx (7)
Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ololaha dooroshooyinka Gobolka togdheer Dr Cabdi Awdaahir waxaa uu mahadnaq usoo jeediyey taageerayaasha Xisbiga kulmiye ee aan ukala hadhin soo dhaweynta wafti Culus ee uu Horkacayo Axmed Maxamed Siilaanyo waxaana hadladiisii ka mid ahaa “Gudoomiye halkan waxaa kuugu diyaaraya shacabka reer Togdheer oo doonaya in ay Muujiyaan Taageerada ay u hayaan Xisbiga KULMIYE iyo musharaxa axmed Siilaanyo”
jhk
Waxa kale oo Munaasibadaasi ka hadlay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye waxaana uu sheegay in Dhamaan shacabka Somaliland ay diyaar u yihiin Isbedl dhab oo saameeya bulshadani ay ragaadisay Musuqmaasuqa iyo Beentu waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga kulmiye uu Rumayn doono hamiga iyo jidkii horumarka Somaliland hadii ay ku guulaystaan talada dalka.
ghgh
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoo miye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaan oo ka mida Waftigii uu horkacayey Axmed Siilaanyo waxaana uu sheegay in Xisbiga Horumarka uuna diyaar u yahay in dalkani uu ka sameeyo isbedel dhaba waxaana uu ka codsaday dhamaam taageeryaasha in ay codkooda siiyaan Xisbiga Siyaasiga ah ee kulmiye
waxa kale oo halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi waxcaana uu jawaab culus ka bixiyey hadal uu Madaweyne rayaale kaga qudbadeeyey Magaalada Boorama oo uu sheegay in aan hogaan Xisbiga kulmiye u qalmin Hogaaminta dalka waxaana uu Muuse hadalkaasi ku si feeyey Mid meel ka dhaca in Siilaanyo lagu tilmaamo nin aan waxba hogaamin karin,waana khalad ay umada somalilmd gashay Markii ay doorteen Rayaale,waxaana shacabka Somaliland looga fadhiyaa in ay iygu ka jawaabaan khaladkaasi maadama uu yahay Khad ay umadu gashay .
GetAttachment.aspx
waxaana ugu danbayntii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Mudane axamed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)waxaana uu sheegay in Somaliland u bahan tahay
isbedl ay ku hanato Horumarka,isla Markaana shacabka Somaliland uu ka daalay Maamul Xumada,ictiraaf xumada dunida inaga haysata,Musumaasuqa waxana uu sheegay Axmed siilaanyo in uu hadii uu ku guulaysto talada dalka uu wax badan ka qaban doono dhaqaalaha,Caafimaadka,Waxbarashada
gh
Munaasibadani ayaa waxa ay ku dhamaatay si Nabadgalyo ah,iydoo ay Ciidamada Amaankuna si weyn u ilaalinyeen Ammaanka
GetAttachment.aspx (4)
Waftigani uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo ayaa waxa la filayaa in sidoo kale ay gaadhaan Magaalooyinka Oodweyne,Laascaanood,Ceerigaabo iyo Deegaamada hoosyimaada Goboladaasi
GetAttachment.aspx (3)
GetAttachment.aspx (2)
GetAttachment.aspx (1)