Gudoomiyaha KUlmiye oo manta wejigabax kalaa kulmay Oodwayne

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Gudoomiyaha KUlmiye oo manta wejigabax kalaa kulmay Oodwayne

Post by Bohol iyo karaman »

Madaxda xisbiga Kulmiye oo maanta wajigabax kala kulmay Oodweyne
Written by Qarannews
Jun 16, 2010 at 03:52 PM
Oodweyne,(Qarannews)- Madaxda xisbiga Kulmiye oo ay horkacayeen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Oodweyne

Socdaalka madaxda xisbiga Kulmiye ayaa salka ku haysay arimaha ololaha xisbiyada ee dhawaanahanba ay madaxda kala gadisan ee xisbiyada qaranku ay ku marayeen gobolada iyo degmooyinka dalka si ay dadweynaha ugu soo bandhigaan siyaasadooda, si ay u kasbadaan codbixiyayaal badan maalinta doorashada.

Hadaba madaxdii maanta booqatay magaalada Oodweyne ayaan dadweynaha reer Oodweyne ayna si diiran xagaasi ugu qaabilin madaxdaasi oo ay ka mid ahaayeen Dr Gaboose iyo Dr Cabdi Aw Daahir, gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada, C/casiis Samaale iyo madax kale oo xisbiga Kulmiye ka tirsan oo ay horkacayeen Gudoomiye Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Muuse Biixi.

Waxa dadkii u soo baxay ka badnaa dadkii ka soo raacay magaalada Burco oo ay tageerayaal xoogaa ahi ka soo raaceen madaxda xisbiga Kulmiye iyo kuwo iyana Hargaysa ka baxay oo deegaan ahaan ka soo jeeda Oodweyne isla markaasina tageera xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo watay baabuur xoogaa ah, arintaasi waxa ay wajigabax ku noqotay madaxda xisbiga Kulmiye oo aanay dadkii ay dirsadeen ayna wax abaabul ah u sii samaynin.

Dhanka kalana waxa ay maanta ciidamada Boolisku ay hubka ka dhigeen ilaalo xoogan oo ay wateen madaxda xisbiga Kulmiye kuwaasi oo iyaga gaar u ahaa ayna soo abaabusheen, taasi oo taliyaha ciidanka booliska ee Oodweyne uu ku wargaliyay in ay ciidamda boolisku ay sugayaan amaanka isla markaasina aanay haboonayn in ay ciidan gaar ah oo sidaasi u hubaysani ayna magaalada dhexgalin, qoryahii ay siteen ilaalada madxda Kulmiye ayaa ay ciidanka boolisku siiyeen markii ay magaalada ka sii baxayeen, taasi oo intii ay joogeena ay ciidamada boolisku ay sugeen amaankooda.

Waa markii u horaysay ee madaxda ay madaxda xisbiga Kulmiye ay kaxaysteen ilaalo intaasi leeg tan iyo intii ay marayeen gobolada iyo degmooyinka dalka, arintani ay soo kordhisteen ilaaladoodii hore u ilaalin jirtayna ayaa dadweynaha reer Oodweyne ay tan iyo maanta wax iska waydiinayeen, iyada oo dadweynaha qaarkoodna ay ku faaneen in gobolkoodu uu yahay mid aad u aman badan oo ayna jirin wax ay madaxda xisbiga Kulmiye uga shakiyaan, sida ay doontaba ha ahaatee arintaasi waata maanta ay dadweynaha reer Oodweyne ay aadka isku waydiinayaan, una baahan in xisbiga Kulmiye uu ka jawaabo.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Gudoomiyaha KUlmiye oo manta wejigabax kalaa kulmay Oodw

Post by Khalid Ali »

loooooooooooooooooooooooooool@ qarrannews :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”