Memorial praises police hero killed in Burco

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Memorial praises police hero killed in Burco

Post by Rightwing »

Munaasibad Boroordiiq loo sameeyay Askartii ku dhimatay iyo kuwii dhawcmay Falkii Dhowan ka dhacay
Wednesday, 16 June 2010

Burco(Togdhnews)-Munaasibad loogu Baroordiiqaayo Sarkaalkii Booliska ee ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Hawlgalkii Boolisku dhowaan ka fuliyay Burco ee uu ku qabanaayay Kooxdii Hubsaneyd



ee la sheegay inay damacsanaayeen inay Hawlgalo ka fuliyaan Magaaladda ayaa maanta lagu Qabtay Huteel Barwaaqo ee magaaladda Burco.

Munaasibadan oo ay soo Qaban qaabiyeen Xubno, Qurbo jooga ahi ayaa waxa ka soo Qayb galay Maamulka Degmadda ,Xildhibaano, Salaadiyiin, Waxgarad iyo Marti Sharaf badan oo kale Duwan.


Waxaana ugu Horayn Halkaasi ka hadlay C/risaaq X. Xuseen oo ka mid ah Qurba Jooga Reer Togdheer sheegayna in u jeedada Munaasibadani tahay, in lagu xuso Sarkaalkii ku dhintay Falkii dhawaan ka dhacay Burco iyo Askartii ee ku dhaawacantayba ,aadaama ay ahaayeen Mujaahidiin ku dhintay yagoo Dalkoodi iyo Dadkoodi Difaacaaya Cadawgii ku soo duulay.

C/risaaq ayaa sheegay in Dawladda iyo Shacabkaba ku dhiiri galinayaan, in wixii ay u qabana yaan Qoysaskii Mujaahidiintaas ay ugu qabtaan Si wada jira.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay C/raxmaan Guudcade oo ka mida Qurba joogaas,Islamarkaana tilmaamay sida looga baahan yahay Bulshada Burco ianay ilaashadaan nabadooda,ahaadaana kuwo isku xidhna oo waxkasta meel uga soo wada jeeda Bulshada ugu baaqay in aan la ilaabin Mujaahidiintaas, Isle markaana loo sameeyo Xusas kuwanoo kale ah.


Maayir Xigeenka Degmadda Burco Axmed Cabdi Falaay ayaa isna u mahad celiyay Dhalinyaradan Qurbo jooga , ee iskood isku Xilqaantahay sidii ay munaasibad xusa ugu samayn lahaayeen Mujaahidiintaas Bulshadana u soo jeediyay in Qofkastaaba uu Xil iska saaro Adkaynta Nabad Gelyadda.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Raxmaan Qodax Guddomiyihii Hore ee gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheer iyo Masuulyiin, Cuqaal , Waxgarad kuwaaso dhamaan u mahad naqay Dhaalin yaradan Qurba jooga talaabadanina ku tilmaamay mid ku dayasho mudan.

Ugu danbayntii Xubnahaas Qurba jooga ee Munaasibadan soo qaban qaabiyay ayaa Deeq lacag gaadhsiiyay Qoyskii Marxuumkuu ka dhintay iyo Askartii kale ee ku dhaawacantay halkaasi



TogdheerNews..Burco
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Memorial praises police hero killed in Burco

Post by Goljano Lion »

AUN masaakiinta
User avatar
AbrahamXirsi
Posts: 136
Joined: Wed May 05, 2010 7:09 pm

Re: Memorial praises police hero killed in Burco

Post by AbrahamXirsi »

AUN
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”