Ogadenia protesters to descend on the Hague ICC Court Friday

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Ogadenia protesters to descend on the Hague ICC Court Friday

Post by hanqadh »

ImageImage

>Jimcaha oy taariikhdu tahay 18ka June ayay jaaliyadaha S. Ogadenya ee ku nool dalalka Yurub banaanbax ka hordhigi doonaan dhismaha Maxkamadda Dambiyada ee International Criminals Court ICC.

Jaaliyadaha ayaa hadda u dhaqaaqay caasimadda Hague ee saldhigga u ah maxkamadda ICC halkaas oo ay ugu gudbin doonaan maxkamadda dacwad ay ku gudbinayaan jaaliyadaha S. Ogadenya oo dadkoodii lagu xasuuqayo Ogadenya. Waxay jaaliyadaha hordhigi doonaan maxkamadda cadaymo badan oo muujinaya dambiyada iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dawladda Itobiya ay ka wado Ogadenia, halkaas oo xasuuq arxandara ah loogu gaysto maalin walba shacbiga Somalida Ogadenia iyagoon wax dambi ah galin aan ka ahayn inay wada dhasheen wiilasha halganka kula jira gumaysiga ee CWXO.

Waa masuuliyadda koobaad ee saaran jaaliyadaha Ogadenya ee kala jooga dunida dacaladeeda inay caalamka gaadhsiiyaan dhibka lagu hayo walalahooda sida qarsoodiga ah loogu gumaadayo Ogadenya ee aduun-weunaha uu ka indha dadbayo. Waxaana shahaada sharafta 1aad leh dhalinayarada Ogadenya ee meel walba u taagan difaaca dhiiga walalahood iyo sharafta gabdhahooda uu gumaysiga Itobiya ku faraxumayno gurayahooda.

Waxaa guuldarro iyo ceeb ku dambayn doona kooxda sharaftii iyo koreyntii diinta meel ku tuuray ee hoos gurguuranaya gumaysiga Itobiya ee cafiska ka dalbaday KT Zinawi.

ONA
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ogadenia protesters to descend on the Hague ICC Court Fr

Post by hanqadh »

Image
Image
Image
Image
Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”