Page 1 of 1

S/land Kulmiye secretary of foreign affairs arrives back

Posted: Thu Jun 17, 2010 4:10 pm
by Khalid Ali
[youtube]5bPsvzF5ZSo&feature=player_embedded#![/youtube]

:up: :sland:

Re: S/land Kulmiye secretary of foreign affairs arrives bac

Posted: Thu Jun 17, 2010 4:20 pm
by Khalid Ali
International observers, that will observe the elections from Norway Sweden United kingdom Italy United states Norway, Also from African countries.

Re: S/land Kulmiye secretary of foreign affairs arrives bac

Posted: Thu Jun 17, 2010 6:19 pm
by Khalid Ali
Some pics

Image

Xoghayah Arimaha Dibada Kulmiye oo Maanta Hargeysa si wayn loogu soo dhaweeyay


"Wallaahi, Dabayshan Maanta Dalka ka socotaa Qurbaha Mar hore ayay Martay" Cismaan Saxardiid Xidhiidhiyaha Laamaha Qurbaha ee Xisbiga Kulmiye.., Daawo Sawiradda

Hargeysa(GNS)Wafdi Sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye isla markaana uu Hogaaminayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa Saaka Barqadii ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeys. waxana Wafdigaasi si diiran Airport-ka ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo uu Hogaaminayay Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga.


Image

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye oo Warbaahinta ugu waramayay Qolka Nasashada ee Airport-ka ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee uu u yimid Dalka ay tahay sidii uu qayb uga qaadan lahaa Hawlaha Ololaha Doorashada.



Image


waxa uu Dr. Maxamed Cabdillahi, ku ammaanay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo uu xusay in uu yahay Nin Miisaan Culus ku dhex Siyaasada, Caalamkuna uu aad u garanayo Bulshada Reer Somaliland ay aad u jecel yihiin.


Image



Xaflad Suugaaneed loogu tallo galay soo dhawynta Masuuliyiintan oo ka qabsoontay Hoolka Cali Maarshaal ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kayse Xasan Cige, ayaa xusay in Xubnaha Maanta yimid ay yihiin Xubno aad u miisaan wayn Xisbigana qiimo ku dhex leh. waxa kale oo uu tilmaamay in ay yihiin Masuuliyiinta Xisbiga u qaabilsan Dibada, Xisbiga Udub ee uu Madaxwayne Rayaale Madaxda ka yahayna ay ka cabaadaan.

Image


waxa isaguna Madashaasi hadal ka jeediyay Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba jooga ee Xisbiga Kulmiye Cismaan Abdilllahi Saxardiid, waxaanu sheegay in Maanta Shacabwaynaha Reer Somaliland ay u baahan yihiin in ay helaan Cadaalad iyo Horumar. waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Dabaysha is bedel doonka ah ee Maanta ka jirta Gudaha Dalku ay mar hore martay Qurbaha taas oo uu ku dhaartay.


Image

Re: S/land Kulmiye secretary of foreign affairs arrives bac

Posted: Fri Jun 18, 2010 11:34 am
by Dhaga Bacayl
So he came back to take his place in Kulmiye’s cabinet? Time to get paid yeah.... :lol:

Re: S/land Kulmiye secretary of foreign affairs arrives bac

Posted: Fri Jun 18, 2010 2:27 pm
by Khalid Ali
Dhaga Bacayl wrote:So he came back to take his place in Kulmiye’s cabinet? Time to get paid yeah.... :lol:

Indeed its time to get a real job :lol:
He is a nice young man i have Seen him In belgium last year.
his father died last week in hargeisa though aun