Can christians built church in somalia?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Can christians built church in somalia?

Post by AhlulbaytSoldier »

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Xaflada Balaran oo lagu Furayay Masjid Cusub oo ay kasoo qeybgaleen Culuma’udiin Caan ka Ah Wadamada Afrikada Bari ayaa lagu Qabtay Xerada Qaxootiga Nekavali ee Wadanka Uganda (Sawiro).
waxaa la daabacay Thu 17 Jun 2010 13: 40: 20

Munaasabad Aad ubalaaran oo lagu maamusayay Furitaanka Masjid Cusub oo ay yeesheen Muslimiinta ku nool Wadanka Uganda gaar ahaan Qaxootiga Somalida ee kunool Xerada Nakavali ayna kasoo qeybgalen, Culuma’udiin, Aqoonyahano, Indheerad iyo dhamaan Qeybaha kale ee Bulshada Muslimiinta ay ku nool Wadanka Uganda ,



Munaasabaan oo aheed mid si weyn ay usoo qaban qaabiyeen dhamaan Somalida ku nool Xeradaasi oo ay horkacayeen Culuma’udiinka somaliyeed waa wadankaan Uganda, iyaga udhabar adeegay wax walbana ka hor mariyay tabagalida barnaamijka lagu dhisayay masjidkaan taasi oo gunti iyo gabagabadi noqotay mid kusoo idlaatay sidi loogu tala galay ayna bogaadiyeen dhamaan Muslimiinta Kunool wadanka Uganda .









Hadaba Xaflad aad umug weyn ayaa waxa ay ka dhacday Habeenimadi Talaadada Soo galeesay gudaha Masjidka Cusub ee “Masjidu Nuur” oo isaga ku yaalo Bartamaha Xerada Qaxootiga Nakavali oo iyada kaga began Dhanka Galbeed Magaalada Caasimada ah ee Kampala una jirta Fogaan Dhan 500Km



Munaasabada Furitaanka Masjidka ayaa sidoo kale waxa si gaar ah loogu Casuumay Culuma’udiin isaga kala yimid dhamaan Wadamada Deriska Sida Kenya, Tanzania iyo Gudaha Gobolada Wadankan Uganda iyagoo Qudbadooyin Diini iyo wacyi gelin ah ka jeediyay Munaasabadaan Qiimaha Badan.






Muuqaalka Sheekh Xasan Kamacle Madaxa Gudigi Dhismaha Masjidka



Culimadi ka hadashay Munaasabada Furitanaan ayaa waxa kamid ahaa Sheekh Xasan Aadan Cusman (Kamacle) Oo ah Madaxa Arimaha Diinta ee Culuma’udiinka Ahlusunah ee wadnaka Uganda isla markaana ah Madaxa Gudiga dhismaha Masjidkaan ayaa ugu horeen waxa uu ka warbixiyay marxaladihi kala gedisanaa ee uu soo maray Dhismaha masjidka.



Sheekh Xasan ” Ilaah Ayaa mahada leh suura galiyay in gacmaheena aan ku dhameeno dhismihi Masjidka muda Dhan laba bil gudahood “ ayuu yiri Sheekh xasan isagoo dhanka kale tilmaamay Dadka gacanta libaaxa ka geestay habsami usocodka dhismaha masjidka wuxuuna yiri , “ Dhismaha Masjidka waxa gacan ka geestay Umada Muslimiinta Gaar ahaan Shacabka Somaliyeed iyo Culuma’udiinkooda ku kala Sugan , Kampala, Nakavali, Embali, Busiya iyo Meelo kala oo fara badan.



Sheekh xasan ayaa dhanka kale waxa uu ka warbixiyay in dhamaan qeybaha masjidka lasoo gaba gabeeyay marka laga reebo qeybo kamid ah Musqulaha iyo Safiitooyinka iyagana dhawaan la gabagabeen doono ayuu sii raaciyay Hadalka Sheekh Xasan Kamacle oo ahaa madaxa Gudiga Dhismaha Masjidka sida gaarka ah loogu Xilsaaray.









Sheekh xasan ayaa dhanka kale Fariin udiray dhamaan Muslimiitna ku nool Xerada Qaxootiga Nakavali gaar ahaan Umada Somaliyeed isagoo ugu baaqay in lagu Camiro masjidka Cibaadada ilaahey isagoo arinkaa ka hadlayana waxa uu yiri , “ Ilaahey iyo Rasuulkiisa waxa ay na fareen in aan dhisno Masjidyada isla markaana aan ku camirno diinka ilaahey oo lagu Badiyo Xuska ilaahey iyo Maxabada Rasuulka “ Ayuu Yiri Sheekh Xasan



Sheekh xasan ayaa gabagabadii waxa uu duco dheer usoo jeediyay dhamaan Muslimiinti ka qeyb qadatay dhimsaha masjidka meel walba oo joogaan isagoo eebe uga baryay in uu Siiyo Danbi Dhaaf iyo Qaatumu Suuban isagoo qeybaha kale ee bulshada ugu baaqay in ay ku tartamaan waxyaabaha qeyrka iyo wanaga ku jiro oo xumaha aan lagu tartamin.



Dhanka kale waxa qudbad qiiro leh oo ruxday qalbiyada dadki kasoo qeygalay jeediyay Sheekh Muzamil oo kamid ahaa Culuma’udiinki lagu Casuumay Furitaanka Xaflada isagoo si weyn ugu nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in Masjid la dhiso iyo kheyrka laga helayo .






Muuqaalka Sheekh Muzamil from Kampala Uganda



Sheekh Muzamil “ Masjidkani dhismihiisa iyo Halka laga Dhisay oo ah Xero Qaxooti oo ay Somali ku noolyihin waxa uu na xasuusinaa masjidki ugu horeeyay ee Islaamka ka dhisaan Magaalada Madiina waana wax lagu farxo in Dad somaliyeed oo aan joogin dhulkooda isla markaana ah dad qaxooti ah ay ku dhiiradaaan wanaag intaan la eg in ay sameeyaan”



“ Mahad oo dhan waxey usugnaatay Alaah noo Soo diray Nabigeeni Muxamada (CSW) tan Xigtaana waxa mahada iskaleh Dadkaaan qaxootiga Somaliyeed iyo Culumadooda kuwaasi oo maalkooda ku hor mariyay nooleenta Diinta Eebe oo ay ku dhiseen masjidkaan baaxada iyo Quruxda badan “, “ Masjid waa eray Carabi ah macnihiisana noqonayo “, “Sujuud”, “ balse waxa uu kulmiyaa Xifdinta Qur’aanka, Tasbiixda iyo Xuska nabigeeni Muxamad (CSW)”, Sheekh Muzamil ayaa sidoo kale waxa uu farta ku fiiqay in Masjid la dhiso un waxba keeneen hadii aan lagu nooleen diinta waxa uuna yiri “ waxana loo baahan yahay in lagu camal Falo Xadiiski Rasuulka ee Micnihiisu ahaa, In Qofka noqdo Kuwax yaqaano ama Arday Wax barta Ama ku Wax dhageesta oo jecel Qeyrka balse ha noqon ku lidi ku noqda inta aan soo sheegnay” ayuu kula dardaarmay muslimiinti kasoo qeybgashay Munaasabadaani taariikhiga ah .



Sheekh Muzamil ayaa dhanka kale waxa uu Dadka Somaliyeed iyo Guud ahaan Muslimiinta ugu duceeyay in uu Diin naafac ah Siiyo isla markaana dhibka iyo dhibaatada ka saaro una saqiro dhamaan axwaashooda aduunyo iyo Mida Aaqiro mar walbana ay noqdaan kuwa isku xiran kana cabsada Allaah oo mar walba weydiistaan Danbi Dhaaf






Muuqaalka Shariif Mu'Tamam From Mamburui Kenya




Dhanka kale waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Shariif Mu’tamam oo ugu horeen mahad celin usoo jeediyay Culuma’udinka Somaliyeed ee kunool wadanka Uganda oo iyaga ku sharfay in ay kala soo qeybgalaan Munaasabadaan Taariikhiga ah ee runtii ah mid aan xusuustooda ka go’i doonin, ayaa hadalada shariifka waxa kamid ahaa .



“ Dhismahaan Masjidka Quruxda badan iyo Magaciisa ah “Nuur” waxa uu na xasuusinaa Nuurki ilaah inoo soo diray ee Xabiibkeeni Muxamad (CSW) waana laba farxadood oo isu tagay oo runtii qiiro iyo qushuuc na galineeso” ayuu yiri Shariifka.



Shariifka oo sidoo kale ku dheeraaday Muhiimada iyo taariikhda uu leeyahay Masjid ayaa yiri, “ Xiligi Rasuulka “CSW” masjidka waxa uu ahaa Goobta kaliya ee islaamka diinka ku bartaan, Waxa uu ahaa halka duulaanada Jihaadka Muslimiinta laga Abaabulay, Waxa uu ahaa Isbitaalka Asxaabta Rasuulka la geeyo marka jihaadka kusoo dhaawacmaan, xataa waxa uu ahaa meesha lagu soo bandhigo Shicirka lagu amaanayo Nuurkeeni Muxamad CSW” ayuu Yiri Shariif Mu’tamam oo ah Caalim weyn oo dhowr Madrasad kuleh Gobolada Dalka Kenya.



Shariifka ayaa mar uu ka hadlayay maxabada Nabiga (NNKH) yiri, “ Ilaah waxa uu na amray in aan jeclaano Xabiibkiisa oo aan ku salino oo aan xasuusano”, marka sidee ku dhici kartaa in isla gudaha masjidka lagu diido in lagu saliyo Rasuulkeeni Muxamad CSW” ,” Kusalinta Rasuulka waa wadada toosan ee nalagu soo koriyay ilaah ayaa mahadaas leh isla markaana nagu soo bar baarshay maxabada rasuulka, Ilaahna waxa idinkaga baryayaa in uu idin Arsuqo maxabada Rasuulka”, ayuu yiri Shariifka.



Shariifka ayaa dhanka kale waxa uu umahad celiyay dhamaan Culuma’udiinka iyo Shacabka Somaliyeed ee iyaga ku guuleestay in ay dhistaan masjidkaan, “ Ilaah ayaa mahada leh idinka keenay Dhulkiina isla markaana sababay in gacmihiina aad ku dhistaan masjidka “Nuur” isla markaana suura galiyay in uu halkaan na keeno anagoo ka imaanay gobolo fog “ ayuu yiri Shariifka .






Muuqaalka Shariif Cabdala From Malind Kenya



Sidoo kale waxa isna Wacdi halkaa kasoo jeediyay Shariif Cabdala oo sidoo kale ku noox nuuxsaday Faa’iidada uu leeyahay Dhismo masjid iyo qeyrka laga heli karo, waxa uuna dadka Somaliyeed ugu baaqay in ay ku tartamaan qeyrka iskana waaniyaan wax walba oo keeni karo Carada Ilaah.



“ Masjidka waa Xarun Cibaadaad, waa astaanta Islaamka, waa halka laga fiirsho raxmada Alle, waxana loo baahan yahay Wiil iyo waalidba in lagu nagaado oo la nooleeyo diinta Islaamka joogteenta masjidana lagu bar baariyo Ilmaha”, ayoo yiri Shariif Cabdala



Shariif Cabdala ayaa dhanka kale waxa uu dhaliil usoo jeediyay dadka gala masjidyada xiliyada salaadaha oo kaliya kadibna kolka ay salaama naqsadaan ka carara masjidyada waxa uuna yiri, “ waxa loo maleeyaa Shinbir lagu daboolay weyl oo marka laga feedo ama laga qaado durba duuleeso sidaana maaha in masjidyada looga yaaco ayuu yiri Shariif Cabdala”, waxa uuna tilmaamay in qofka mu’minka ah laga garto sida uu masjidka ugu nagaado loogana baahan yahay ayuu yiri in uu noqdo, “ Sida malay ama kaluun Bada ku jiro oo aan mar walba ka maarmin nolosha Biyaha”



Hadaba ma ahan wax qormo kaliya lagu soo koobi karo Qudbadihi qiimaha badnaa ee jeediyeen Culuma’udiinka balse waxa iminka kusoo gunaanadeena Qudbadi uu halkaa ka jeediyay Gudoomiyaha Culuma’udiinka Somaliyeed ee Wadanka Uganda Sheekh C/qaadir macalin Ibraahim (Suni).






Muuqaalka Sh: C/qaadir Suni Gudoomiyaha Ahlusunah ee Uganda



Sheekh Suni ayaa ugu horeen waxa uu mahad celin Balaaran ujeediyay Culimadi Asharaafta ahaa ee kala soo qeybgalay Xafladi Furitaanka Masjidka Cusub ee (Masjidu Nuur) iyagoo ka kala yimid gobolo aad ufog waxa uuna yiri , “ Dalabka Culimada lagu dalbay anagaa leh” , “Maxayeelay waxa waaye Owlaadi Rasuulkeeni Muxamad (CSW)”, Ayuu yiri .



Sheekh C/qaadir Suni Gudoomiyaha Ahlusunah ee Wadanka Uganda oo si aad ah ugu dheeraaday Socdaalka Culimadaan Asharaafta ah ayaa yiri, “ Culimadaan Asharaafta ah Nooguma Imaan Arimo Siyaasadeed iyo Arimo ganacsi balse waxa udalabnay in ay idin Duceeyaan oo kaliya” ayuu yiri Sheekh suni .



Sheekh suni ayaa waxa uu mahad celin Balaaran usoo jeediyay dhamaan qeybihi buslhada ay ka qeyb qaatay Dhismaha masjidka gaar ahaan Culuma’udiinka Somaliyeed ee Wadanka Uganda iyo Shacabkodoba kuwaasi oo kala jooga magaalooyinka Wadankaan Uganda Sida Nakvali, Kampala, Embali, Busiya, iyo qeybo kale oo kamid ah wadamada Deriska.




Today such Hospitality would not be given to non-somali/somali non-muslims in somalia :down:
User avatar
gurey25
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19349
Joined: Thu Apr 15, 2004 7:00 pm
Location: you dont wana know, trust me.
Contact:

Re: Can christians built church in somalia?

Post by gurey25 »

there were muslims in Uganda before a single christian.
User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: Can christians built church in somalia?

Post by ciyaal_warta »

why not if u wana built a masjid in Rome ...u have 2 allow a church 2 be built in Mogadishu :up:
User avatar
shaamboo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5409
Joined: Sat Feb 23, 2008 7:03 pm
Location: Ardu allaahi maxaa karabtaa lokeshankeeyga

Re: Can christians built church in somalia?

Post by shaamboo »

Adi xamar ma soo marin hutu man?? how many churches were there before the canaibals came out the graves!!
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Can christians built church in somalia?

Post by LobsterUnit »

What an opportunistic spin on this story!
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Can christians built church in somalia?

Post by Shirib »

If there was a sizeable Christian population in Somalia then I would say yea, but there isn't so I see no reason for one
User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: Can christians built church in somalia?

Post by ciyaal_warta »

Shirib wrote:If there was a sizeable Christian population in Somalia then I would say yea, but there isn't so I see no reason for one
if peace comes there will be a sizable christian community in mogadishu..specially those diplomats and may be some somalis sxb...i wouldn't mind if they rebuilding the afar irdood church as long as they are not gone convert ignorant somalis 2 Christianity
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”