Ololihii doorashada Somaliland ayaa gaba-gabadiisa lasoo gaadhay, iyadoo ay harsan yihiin wareegyo yar yar oo xisbiyada saddexda ah kala hadlayaan fagaarayaasha taageerayaashooda iyagoo usoo bandhigaya waxqabadkooda mustaqbalka dhow.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Cadaalada iyo Daryeelke ee UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa taageerayaasha xisbigiisa kala hadlay xarunta kheyriyada ee magaaladaan Boorama isagoo sheegay in guud ahaan Shacabka gobalka Awdal ay yihiin qaraabadiisa, isla markaana hadii ay doortaan uusan u kala eexan doonin isla markaana uu ka shaqeyn doono horumarkooda iyo nabadooda.
Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa sidoo kale sheegay hadii ay UCID ku guuleysato doorashada 26-ka bishaan inaysan dhaci doonin in Cadaalad daro ka dhacda magaaladaan Boorama, isla markaana ay dadka la xisaabtami doonaan madaxda Boorama, isagoo sheegay in cidii howsheeda kasoo bixi weydo ay shaqada ka eryi doonaan.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Cadaalada iyo Daryeelke ee UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa sheegay in dowladnimada loo adeegsaday in lagu Qabyaaladeeyo shacabka Boorama, waxuuna sheegay in xisbigiisa soo afjari doono arrimahaasi hadii ay doorashada ku guuleystaan.
Dr. Maxamed Rashiid waxuu sheegay in xisbigooda ALLE SW, waxuuna sheegay in Masaajidyada laga hadlay dadkuna isku raacay in mustaqbalka Somaliland lagu aamino xisbiga Cadaalada iyo Daryeelke ee UCID.
Xisbiyada saddexda ah ee ku hardamaya Siyaasada Somaliland xiligaan ayaa ku jira olole xoogan oo ay kusoo jiidanayaan shacabka reer Somaliland mid walba ku doonayo in codka shacabka uu helo isagoo balanqaadyo badan oo horumarneed u sheegaya shacabka, waloow aan la xaqiijin kareyn inay fulin doonaan balan-qaadyada ay sheegayaan.







BNN