Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Written by Yool
Jun 18, 2010 at 09:52 AM
AXMED SIILAANYO oo Askar Illaalo ah oo Hubaysan u Kaxaystay OODWEYNE



Oodweyne(Yool)-Xoggo lagu kalsoon yahay oo uu helay Wargeyska "Yool", ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Xisbiga Mu'caaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Siilaanyo uu ciidan ilaalo ah oo xoogan usii kaxaystay markii uu dorraad booqashada ku tagay Gobolka Oodweyne.

Ciidanka ilaallada ah oo tiradoodu ahayd ilaa sideed askari oo ku hubaysan qoriga loo yaqaano BKM ee daran-dooriga u dhaca, ayaa noqotay arin iswaydiino faro badan ka dhex abuurtay dadka deegaankaas ku dhaqan, ka dib markii ay indhaha ka qaadeen ilaallo hubaysan oo ku geeddaaman Guddoomiye Siilaanyo oo ay ka filayeen inuu u yimaado, isagoo aan waxba ka duwanayn Musharaxa kale ee dhigiisa Eng Faysal Cali Waraabe.

Haddaba arintan oo ah mid ku cusub hab-dhaqanka musharaxiinta Somaliland, isla markaana aan looga baran inay bulshada la dhex yimaadaan ilaalo hubaysan marka laga reebo Madaxweyne Rayaale, oo isagu weli huwan maamuuskii qaranka, ayaa dadka qaarkii u fasisheen mid ka markhaati kacaysa heerka Guddoomiye Siilaanyo ka taagan yahay dadka ku dhaqan deegaanka Oodweyne ee uu codka ka doonayo oo ah in aanu kalsooni ammaankiisa ah ku qabin, sidaa darteed-na codadka uu ka doonayo ay tahay dani ku baday.

Halka qaar kale-na u arkaan tallaabo wanaagsan oo waajib ku ah Guddoomiyaha inuu ammaankiisa ilaashado, maadaama aanu kalsooni fiican ku qabin Masuuliyiinta Madaxda ka ah ha'yadaha ammaanka Qaranka ugu xilsaaran, kuwaasoo uu u arko inay ka tirsan yihiin Xisbiga tartanku ka dhexeeyo ee UDUB.

Arintan oo marka si loo e'ego ah mid dad badan ku xasuustaan hab-dhanka ay ku caan baxeen hoggaamiyeyaasha Koonfurta Soomaaliya, ayaa waxa loo macnaysan karaa inay tahay mid khatar weyn ku keeni karta jiritaanka Qaranimada Somaliland, maadaama Somaliland ay ka jiraan Ciidan Qaran, oo isagu u xilsaraan sugida ammaanka guud ee qaranka iyo Masuuliyiinta kala duwan ee dalka, Ciidamadaasoo ah mid ay dhismihiisa raali ka wada yihiin dhammaan beelaha ku dhaqan Somaliland.

Sidoo kale, shirarkii dabayaaqadii 1996-kii ilaa badhtamihii 1997 ay yeesheen beelaha wada dega Somaliland, ayaa lagaga heshiiyeen dhammaan shaqaaqooyinkii dalka ka dhacay, taasoo iyaduna noqotay tallaabo labaad oo bulshada reer Somaliland u suurtogelisay inay kaga badbaadaan khateraha qabqablayaasha dagaalka ee Koonfurta Soomaaliya ay shacbigooga ku hayaan.

Geesta kale, waxa waajib ku ah Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland inuu sugo ammaankooda musharaxiinta u tartamaya jagada Madexweynaha marka laga reebo Madexweynaha xilka haya, isla markaana uu u sameeyo ilaalo u gaar ah Musharaxiinta oo suga ammaanka goobaha ay degan yihiin iyo xafladaha ay ka hadllayaan.

Si kastaba ahaatee, waxa looga baahan yahay Xisbiga KULMIYE inay bulshadda u kala cadeeyo waxa kelifay arintan uu ku dhaqaaqay Guddoomiye Axmed Siilaayo oo isagu ah Musharaxa ugu tartamaya jagada Madaxweynaha doorashada soo socota iyo weliba in arintu tahay mid ay ku keliftay deegaanka Oodweyne oo ah mid aan amaankiisu sugnayn, inay jiraan xogo sheegaya shaki ku aadan ammaanka Musharaxooda oo ay hayaan iyo tan saddexaad oo ah in uu isku arkay in uu yahay Musharaxa ku guuleystay taladii dalka sidaa darteedna uu amaankiisa ilaashanayo.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

This is the reality, Siilaanyo is afraid to even go to Gobolka Oodweyne without bodyguards , while Faisal Ali waraabe, and Yusuf Yassin roam around the streets of Oodweyne without bodyguards or fear.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:This is the reality, Siilaanyo is afraid to even go Gobolka Oodweyne without bodyguards.
Silanyo has protection in hargeisa does that mean he is afraid in hargeisa lol
protection is always needed qofku wa masuul
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Emperior, but 8 soldiers come on :lol: is he that afraid? there is already cidaan police ilaalo in Oodweyne so why does he need to bring some 8 soldiers from burco just to protect him next- door :lol: ? take for example Faysal Ali waraabe and Maxadweyne ku-xigeenka - Yusuf Yassin never bought such bodyguards because they feel safe in Oodweyne, it would make sense if he bought atleast 1-2 bodyguards but 8 ? :lol: :lol: :lol: ..
Last edited by Siciid85 on Fri Jun 18, 2010 10:12 am, edited 2 times in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by The_Emperior5 »

sxb i am not sure who writes yool and also not sure how reliable these guys are , But having an askari for protection there is nothing wrong with that ,amaanku wu fiicanyahay
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Wargayska Yool is very reliable somaliland newspaper published in somaliland and very reliable when it comes to Oodweyne aswell, bringing 8 bodyguard soldiers that is called fulayniimo how does Siilaanyo expect reer odweyne to vote for somebody who doesn't even feel confident being around that region in fear? :lol: ask yourself this how come Faysal Ali waraabe or Yussuf Yassin - Vice president of somaliland never bring such bodyguards. ?
Last edited by Siciid85 on Fri Jun 18, 2010 10:18 am, edited 1 time in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by The_Emperior5 »

I don’t take Yool website serious, let the kulmiye website write this such as Somaliland org kulmiye.org etc or even hadhwanaagnews the most dhexdhexaad Somaliland website.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

why would kulmiye-somaliland.org the most pro siilaanyo website write it are you stupid ? :lol: of course they don't want to tell the truth so they wouldn't , Yool is very dhexdhaxaad newspaper and very reliable when it comes to Oodweynews and has a close coverage of Gobolka Oodweyne.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Guddoomiyaha UCID oo si Diiran Loogu soo Dhoweeyay Gabiley

Hargaysa(Yool)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ahna Murashaxa Madaxwayne ee Xisbigaasi iyo Wafuud uu hogaminayo, ayaa Shalay si diiran loogu soo dhoweeyay xarunta Gobolka Gabiley.

Waftiga Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa ku wehelinaya Maayar-ku-xigeenka Caasimada Hargaysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Guddoomiyaha Olalaha doorashooyinka ee heer qaran Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogax) iyo Saraakiil sare oo Xisbigaasi ka tirsan.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay goor dhaw gaadhaan

Magaalada Gabilay, taasoo ay si wayn ugu sii diyaar garoobeen soo

dhawayntiisa boqolaal ka mid ah taageerayaasha Xisbigaas, kuwaasoo uu Murashaxu khudbado taageero raadis ah u jeedin doono dadwaynaha reer gabilay, isagoo guddoomiyuhu isla maanta isku maraya degmooyinka hoos yimaada gobolkaas.

Dhinaca kale Wafti balaadhan oo uu hogaminayo Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa iyaguna maanta socdaal taageero raadis ah ugu baxaaya gobollada Bariga Somaliland, halkaas oo ay ka bailaabi doonaan olalaha doorashada ee Xisbiga UCID uu doonayo inuu ku kasbado shacbiyad badan oo maalinta codbixinta doorashada madaxtooyada ay codkooda ku xisaabtamaan.

Geesta kale, Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa hada ku sugan magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,halkaas oo uu Madaxwaynuhu ka waddo olalaha doorashada ee Xisbigiisa UDUB, taasoo uu khudbad u jeediyey taageerayaashii ugu badnaa ee fagaare isugu soo baxa, hase yeeshee waxa socdaalkaa mid la mid ah magaalada Burco ku jooga Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay halkaas ka waddaan olale xoogan oo ay doonayaan inay ku kasbadan dadwayne tiro badan.

Olalaha Doorashada Madaxtinimada dalka ayaa hada maraya marxaladii u adkayd, iyadoo ay Murashaxiinta Saddexda Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ay socdaalo taageero doon ah ku galaabixinayan Galbeedka iyo Bariga Somaliland, kuwaasoo isku adeegsanaya afkaaro iska soo hor jeeda oo mid waliba uu shacbiga ku af gobaadsanayo inuu wax qaban doono hadii shacbiga reer Somaliland shanta sano ee soo socda ay Madaxwayne u doortaan.





Image




Image

Image

Image

Image


Image


Image


Image


Image

Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Xoghayaha Arrimaha Dibeda KULMIYE oo Dalka ku soo Laabtay

Hargeysa(Yool)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Dr Maxamed Cabdilaahi, ayaa Shalay dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku maqnaa dalalka reer yurub.

Xoghayaha oo Saxaafada kula hadlay Qolka nasashada ee Madaarka Egal Interational ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ujeedada safarkan ay dalka ku yimaadeen uu la xidhiidho sidii ay shacabka uga la qaybgali lahaayeen doorashadda madextooyada ee ka dhici doonta dalka 26-ka juun, waxaanu yidhi: "Weftigan oo ah masuulliyiin xisbiga KULMIYE ka tirsan oo hawlo xisbiga ah debeda ugu maqnaa, ujeedada ay dalka ugu soo noqdeen waxa weeye inay kala qaybgalaan shacabka iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE hawlaha la xidhiidha doorashada madaxtooyadda, una horumariyaan nabadgelyada iyo dimuqraadiyada."

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in doorashadan ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore dalka uga soo dhacay, isla markaana caalamku indho gaar ah ku eegayo sida ay dalka uga dhacdo isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu yidhi "Marka ugu horaysa waxaan cadaynayaa doorashooyinka maanta Somaliland gelaysaa aadbay uga duwanyihiin doorashooyinkii hore, doorashadani haddii ay si nabadgelyo, dimuqraadiyad iyo xor iyo xalaala u dhacdo waxay adduunyadu u muujinaysaa qaranmida Somaliland. Waxa kale oo ay muujinaysaa in qaranka Somaliland yahay mid la jaanqaadi kara mandaqada iyo wadamada kale ee caalamkaba, markaa muhiimadaas ayay leedahay, duniduna waxay doorashooyinkan ka sugaysaa inay innoogu dhacaan si nabadgelyo oo xor ah"

"Haddii ay arimahaasi suurtogallaana dawladaha ugu waa weyn dunida ee reer Galbeedku-na ka mid yihiin waxay ballanqaadeen inay wax la qaban doonaan dadka reer Somaliland, haddii ay noqoto xagga mucaawimooyinka iyo horumarka iyo haddii ay noqoto xaga siyaasadaba, markaa waa doorasho culays weyn ku leh qaranka Somaliland, loona baahanyahay si sharaf, nabadgelyo iyo xor ah lagu galo. Dawladaha waaweyn qaarbaa noo caddeeyey inkastoo aanay haboonayn in laga hor dhaco, in haddii doorashadu si nabadgelyo oo dimuqraadiyad ah ku dhacdo oo caalamkuna arko inay kordhinayso sumcadii qarankuna lahaa." Sidaas ayuu xoghayuhu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Madaxwayne Rayaale oo Maanta laga Filayo Balligubadle

Hargaysa(Yool)-Wafti balaadhan oo uu hoggaminayo Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa laga filayaa inuu Maanta gaadho Magaalada Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa si wayn looga dareemayaa deegaanka Gobolka Hawd, waxaana jira diyaargarow badan oo shacbiga reer Baligubadle ku soo dhawaynayaan Waftiga Madaxwaynaha.

Wararka ka imanaya Magaalada Balligubadele, ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada ay soo gaadheen magaaladda Baligubadle, kuwaasoo ku hawlan qaban qaabada soo dhoweynta Madaxwaynaha ee Gobolka Hawd.

Waxa wararku intaa ku daray in taageerayaal Xisbiga UDUB ahi ay ku sii qul qulayaan soo dhaweynta balaadhan ee loogu talo galay waftiga Madaxwaynaha.

Waxa kale oo warku intaas raaciyey in Magaalada Baligubadle ay gaadheen Saraakiil sar sare oo k tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, kuwaasoo aan caddeyn ujeeddada safarkoodu uu la xidhiidho, haseyeeshee waxa loo malaynayaa in ay tahay arin Olale oo lagu dhan taalaayo safarka Madaxwaynaha.

Tan iyo wixii ka dambeeyey socdaalkii Madaxwaynaha ee Ceerigaabo waxa dad badani aaminsan yihiin in Xisbiga UDUB uu kor u kacay, isla markaana uu la soo baxay awood siyaasadeed iyo shacbiyad badan, waxaana gobollada iyo degmooyinka socdaal ku maraya Wafuud ka tirsan Xisbiga UDUB.

Si kastaba, ha ahaatee Olalaha doorashada Madaxtooyada, ayaa hada maraya wareegyadii u dambeeyey, iyadoo guud ahaan dalka laga dareemayo xaraarada Olalaha doorashada Madaxtinimada dalka.
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Bohol iyo karaman »

Been ma ahaa in Siilaanyo yahay fule xaar wayn
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Siciid85 »

Bohol, Ceeb cayda ka dhaaf Muj.Siilaanyo sxb, waxa kugu filaan inaad tidahdiid wa fulay for taking 8 bodyguards with him to gobolka Oodweyne intaas uun, laakinse xaarweyn iyo waxas naga reeb.
Last edited by Siciid85 on Fri Jun 18, 2010 2:17 pm, edited 1 time in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:Bohol, Ceeb cayda iska dhaaf sxb, waxa kugu filaan inaad tidahdiid wa fulay uun , laakinse xaarweyn iyo waxas naga reeb.

you guys are labba dummies you and bohol waxba isma dhaantin
So are you saying the longest serving snm chairman for 7 years that led the battle in 1988 was a fulay?
walahi legacy snm babaad ku xaarteen kuwinani. if you don’t like his siyasad wa oke , But u cant call silanyo a fulay wax walba waad ka sheegi karta but not that,, And as for you sicid adiga waxa lugu mooda ina kulmiye mucaraad ku tahay but u should focus on udub hadaad rabtiid inu ucid wax noqdo.you will never see a kulmiye supporter be mucaraad on ucid lol
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani ka Akhriso

Post by Bohol iyo karaman »

The_Emperior5 wrote:
Siciid85 wrote:Bohol, Ceeb cayda iska dhaaf sxb, waxa kugu filaan inaad tidahdiid wa fulay uun , laakinse xaarweyn iyo waxas naga reeb.

you guys are labba dummies you and bohol waxba isma dhaantin
So are you saying the longest serving snm chairman for 7 years that led the battle in 1988 was a fulay?
walahi legacy snm babaad ku xaarteen kuwinani. if you don’t like his siyasad wa oke , But u cant call silanyo a fulay wax walba waad ka sheegi karta but not that,, And as for you sicid adiga waxa lugu mooda ina kulmiye mucaraad ku tahay but u should focus on udub hadaad rabtiid inu ucid wax noqdo.you will never see a kulmiye supporter be mucaraad on ucid lol
waarkanu waa nacas caadi ah, oo maxad siciidnaa ku cuntay anigaa laygarabaa ee,

everybody know in siilaanyo fule yahay, laakiinse adigu siilaanyo maa loyar bad uu tahay? markasta futadaa siilaanyad dufaacay! why?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”