Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Madaxweyne Riyaale Ka Hadhayo Tartanka Olalaha Madaxweynenimo
June 18th, 2010 Comments Off
Tan iyo intii ay bilaabantay olalaha doorashada ayaa waxaa soo if baxaya warar iyagu sheegaya in madaxweyne Riyaale ku talo jiro in uu ka hadhayo tartanka olalaha doorashada madaxweynenimada.
Arintan ayaa la filayaa in ay ka dhalatay socdaalkii madaxweyne Riyaale ku maray gobolada dalka tan iyo intii olalaha doorashadu bilaabantay. Waxaana sida warar ku sheegayaan madaxweyne Riyaale ku quus qaatay markii uu tagay gobolka Sanaag iyo Awdal, oo labadaba uu kala kulmay mucaaridad xoogbadan. Isaga oo markii horena ka haystay fakir kaa ka duwna, oo ah in goobahaasi noqon doonaan kuwo uu kaga xoog badnaan doono Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye.
Dareenka arintan ayaa soo xoogaysanaya ka dib markii dhawaan madaxweyne Riyaale isugu yeedhay badhasaabka lixda gobo lee dalka Somaliland, la sheegayn in uu ku wargaliyay in uu quus ka joogo doorashada soo socota in mar danbe lage so doornayo madaxweynenimada Somaliland. Waxaana la sheegay in uu amar ku siiyay in ay ka qayb galaan sidii ay isu hortaagi lahaayeen in Xisbiga Kulmiye ku guulaysto doorashada madaxweynenimada. Isla markaana uu sheegay in taageerayaasha Xisbiga UDUB lagu dhiirigasho in ay codka siiyaan UCID, maadaama UDUB aanay rajo ka qabin in ay soo baxdo.
Dhinaca kale, wasiirka maaliyada Cawil Ducaale iyo Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub ayaa labaduba bilaabay olale ay rabaan in ay taageero ugu raadshaan Xisbiga UCID. Haseyeeshee arintan ayay kala kulmeen carqabad, isla markaana ku gacansaydheen in ay taageerto waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha galbeedka Toghdheer. Ka dib markii siyaasiyiin iyo salaadiin ka dhashay gobolkaasi dhawaan la kulmeen Waftiga Kulmiye ee uu hogaaminayo Ahmed Silanyo, intii ay joogeen magaalada Burco. Waxaana beeshu cadeesay in si buuxda ay u taageerayso Xisbiga Kulmiye. Isla markaana ay beeshu hiilsiinayso Xisbiga Kulmiye, maadaama Xisbigani yahay mid ay isugu urureen haldoorkii iyo himiladii ummadu. Xisbiga Kulmiye na yahay mid maanta dhalin kara isbedelak dhabta ah ee maanta dalku hiigsanyo.
Somaliland.ORG
Hargeisa, Somaliland
President rayaale lost hope of winning this elections
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: President rayaale lost hope of winning this elections

i would be losing hope 2

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: President rayaale lost hope of winning this elections
It looks like Daahir Riyaale is really losing hope here, the 2 Mucaraad is taking over somaliland, The KULMIYE supporters has just tripled in the last few moNths..
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 917 Views
-
Last post by TarTar
-
- 8 Replies
- 985 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 1 Replies
- 249 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 889 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 13 Replies
- 2212 Views
-
Last post by paperino
-
- 90 Replies
- 7917 Views
-
Last post by Buraanbur
-
- 20 Replies
- 2234 Views
-
Last post by SultanOrder
-
- 14 Replies
- 1395 Views
-
Last post by gurey25
-
- 18 Replies
- 1357 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 14 Replies
- 1440 Views
-
Last post by qoraxeey