Komishanka Doorashooyinka oo Muddeeyay Waqtiga ay soo Saarayaan Liiska Codbixiyeyaasha
Hargeysa(Yool)-Afhayeenka Guddiga Doorashada Qaranka Somaliland Md Maxamed Axmed Xirsi [Geelle], ayaa Shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inay 19-ka bishan ay soo bandhigi doonaan liiskii kama dambaysta ahaa ee cod-bixiyeyaasha doorashada Somaliland.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md Geelle, ayaa sidan kaga dhawaaqay mar uu maanta la hadlayey shaqaalihii ay komishanka doorashooyin qaranku ugu talogaleen inay uga hawlgalaan doorashada madextooyada ee dalka ka dhici doonta 26-ka bishan juun, waxaanu sheegay inay diyaariyeen liiskii ugu dambeeyey isaga oo sax ahna ay soo bandhigayaan 19-ka bisha juun, waxaanu yidhi Afhayeenku " waxaan halkan ka sheegayaa in 19-ka bishan juun aanu soo bandhigi doono liiska cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ka qaybgali doona iyaga oo sax dhammaan"
Sida oo kale waxaa uu Afhayeenka komishanka doorashooyinka Somaliland, maanta uu tobabar uga furay magaalada Hargeysa shaqaalaha ka hawlgali doona doorashada madextooyada, isla markaana ay komishan ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada, isaga oo arintaas ka hadlay-na waxaa uu yidhi "Diyaar-baanu nahay tii ugu muhiimsanayd waa tan (Tababarka shaqaalaha), intii kale waa diyaar, haday liiskii cobixinta tahay iyo haddii kaleba."
Afhayeenku waxaa uu sheegay inay kala bedelayaan shaqaalaha komishanka ee ka hawlgali doona doorashada ilaalinteeda "Farriintu waxa weeye, dhallinyarada waanu kala bedelaynaa oo waanu isweydaarinayaa." Sidaas waxaa yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka oo la hadlayey shaqaalaha maanta tobabarka loo furay.
"Markaa Ciidamada qalabka sida iyo kuwa amaanku-ba waa inay si wadaniyadi ku jirto oo ah sidii markii hore-ba looga bartay inay u sugaan amaanka dalka iyo kan shaqaalaha komishanka-ba"
"Qofkii iska waayo liiska waxaanu ka codsanaynaa in aanay dhalinyarada cadhada kula dhicin ee Komishanka yimaado si arrintiisa loo xalliyo" ayuu yidhi Afhayeenku hadalkiisa sii raaciyey.
Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranku waxaa uu sheegay in qofku marka uu codeeyo farta loo marin doono khad aad u adag oo aan ka go'ayn farta, qofkii isku daya in uu iska masaxan-na uu jidhkiisa waxyeeli doono, waxaanu dhammaan dadweynaha uga digay arintaas inay ku kacaan waxaanu yidhi "Dadka kaadh qaatay waxa qaban karaya khadka oo adag, waxaana ku jirta maado jdhka engejisa oo aan ka go'ayn, qofki isku daya inuu iska gooyo waa qof jidhkiisa wax yeelaya."
Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi "Astaanta xisbiga ayaa murashaxa u taagan, calaamadihii iyo magaca xisbiga ayaa ku qoran waraaqaha"
Maxamed Axmed Xirsi Geele, waxa kale oo uu sheegay in doorashada Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb-gali doonaan goob-joogayaal caalami ah, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay inay kor u dhaafayso 70 goob-jooge
Ugu dambayntii waxaa furitaanka tobabarka shaqaalaha ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr Xuseen Bulxan oo isagu si gaar ah mahadnaq ugu diray ardayda jaamadaha dalka, sidii fiicnayd ee ay uga qayb qaateen badelaadii kaadhadhka cusub ee cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.
liiska codbixiyeyaasha oo beri laa soo saaraaayo
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 230 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 34 Replies
- 3710 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 30 Replies
- 3775 Views
-
Last post by Sagaashan
-
- 48 Replies
- 4090 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 5 Replies
- 580 Views
-
Last post by caburiye1
-
- 0 Replies
- 340 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 0 Replies
- 337 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 1 Replies
- 367 Views
-
Last post by Executive
-
- 3 Replies
- 707 Views
-
Last post by JaalleMarx
-
- 0 Replies
- 207 Views
-
Last post by Costa__