Laughter of the Day

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
pudding
Posts: 205
Joined: Mon Jun 14, 2010 5:57 pm
Location: Pacifism Somalia's Next Solution
Contact:

Laughter of the Day

Post by pudding »

Image
:lol: :lol: Waa wax la fili karo in aad aragto waxaad la yaabo inta aad adduunyada joogto, todobaadkii la soo dhaafay ayaa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin dad badan ka yaabisay kadib markii uu Sac uu lahaa nin deegaanka ka tirsan uu liqay Mobile uu lahaa nin kale.
Lo’da Muqdisho oo lagu yaqaan in ay wax walba cunto sida Xaanshiyaha , Bacda iyo Baakadaha ayaa waxaa dhacdey in nin bac Qaad ah sitey isla markaan waxaa Bacda Qaadka ugu dhex jirey Mobile wuxuuna reer sac u joogey ka codsaday in la siiyo Musqul si uu ugu soo xaajoodo waxa uuna qaadkiisii saartay meel darbi ah, dadkii guriga joogeyna wax feejignaan ah ma siin qaadka uu ninku meesha saartay, waxaana dhacday intii uu musqusha ku jiray in Sacii reerku lahaa soo galay daaraddii kadibna uu afka si fiican ula helay Qaadkii darbiga saarnaa oo uu ku dhex jiray Mobile-ku, wuxuuna Mobile-ka ahaa mid yar oo aan sidaa u weyneyn waxaana Sacii u suuragashay in uu ku liqo caleentii Qaadka.Mobile-kii
Ninkii markii uu soo dhameystay xaajaddiisii Musqusha ayuu dibadda u soo baxay, waxa uuna arkay haraadigii qaadka oo ka sii laalaada afka Saca, inta uu naxay oo afka labadii yeeray ayuu ku dhawaaqay “Alla Mobile-keygii……Alla Qaadkeygii”. Reerkii guriga ayaa qaylo dhaantii ku soo baxay, waxa uuna ninkii u sheegay in Sacaan uu ka cunqay qaadkii uu watay iyo waliba Mobile ku dhex jiray bacda qaadka.
Odeygii reerka oo yaaban ayaa yiri “Qaadka garanay laakiin maxaa caddeyn kara in Sacu uu liqay Mobile”, waxaa la wacay Mobile-kii waxa uuna yiri “Lama heli kar, Waa mashquul, Qadka ayuu ka maqan yahay iyo wixii la mid ah”, meeshiina waxaa ka bilowday muran xoogan oo u dhexeeyay ninkii socotada ahaa iyo reerkii, mid ka mid ah dadkii ku soo baxay ayaa yiri “Saca hadduu Mobile liqay si sahal aha ayaa loo helayaa waxaa la siinayaa Burgaanti oo waliba dhowr xabo ayaa la isugu darayaa” waa lagu wada qoslay waxaase ka biyo diiday ninkii lahaa saca oo isagu soo jeediyey in haddii uu Sacaan laqay Mobile waxaa lagu kala baxaa in Raajo la saaro Saca, murankii ayaa sii dheeraaday, qolo kale ayaa soo jeedisay in saca laga qabto ilaalo gaar ah si saxaradiisa loola socdo. Mar kale waxaa la soo jeediyey in saca la qalo qarashka uu bixiyo ninka Mobile-ka leh, hase yeeshee ninkii waa uu diiday, waxay Odoyaashii meesha isugu yimid ayaa la go’aamiyey in ninkii Mobile-ka lahaa loo celiyo wax xooggaa lacag ah, sidaa ayaana markii dambe lagu kala baxay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”