A year after the martyrdom of Cumar Xaashi

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

A year after the martyrdom of Cumar Xaashi

Post by AhlulbaytSoldier »

Image
Image
Image

A martyr and nationalist hero feared by the khawarij :som: :up:

Now this guy's work will be continued by shiikh Xeefoow of the mujahidiinta ahlusunnah wal jamaacah and shiikh Al-Qaadi. Al-Habaar hates these two mujahiden terrible

Sh.Xeefoow
Image
Image
Sh. Al Qaadi
Image
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: A year after the martyrdom of Cumar Xaashi

Post by AhlulbaytSoldier »

Xuskii Sannadguuradii 1-aad qaraxii 18 June 2009 ee ka dhacay magaalada Baladweyne


Qaraxii ka dhacay Hotel Madina oo sababay dhimasho dad ka badan 37 (June 18, 2010) - Sawir: Diini/HOL


--------------------------------------------------------------------------------
Sabti, Juun 19, 2010 (HOL) - Waxaa hoolka shirarka ee Hotel Andalus ee degmada Islii, magaalada Nairobi lagu xusay Sannadguurada koobaad qaraxii 18 june ka dhacay magaalada Baladweyne. Qaraxaas oo sababay dhimasho dad gaarayo 37 qofood ayna ka mid ahaayeen wasiirkii Amniga mudane Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire Cabdikariim Faarax Laqanyo.
Munaasabadaas waxaa soo xaadiray dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool wadankaan Kenya, gaar ahaan Nairobi iyo hareeraheeda.

Waxaa munaasabaddaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyay gudoomiyaha jaaliyada reer Hiiraan ee wadanka Kenya Prof Cade Duqow. Prof Cade wuxuu si tiiraanyo leh uga hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Madina; wuxuuna asigoo hadalkiisa sii wata yiri in jaaliyada reer Hiiraan ay xasuusan doonto maalintaan murugada leh.





Muxudiin Cumar Cabdi ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey taariikh nololeedkii Mudane Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariim Faarax Laqanyo.

Waxaa isna munaasabad ka hadlay gudoomiyaha qurbajoogta reer Hiiraan mudane Maxamud Cabdi Gaab. Mudane Maxamud oo ay wajigiisa xamaas ka muuqatay ayaa dadweynihii halkaas isugu yimid ku dhiirigaliyey in reer Hiiraan meel kasta oo ay joogaan ay xasuustaan maalinta mugdiga ah.



Waxaa isnla halkaas ka hadlay Mudane Maxamed Cabdi Yusuf oo R/Wasaari u ahaa dowladda lagu soo dhisay Magaalada Carta. “Cumar Xaashi iyo aniga waxaynu ahayn saaxibo aad isugu dheer , waxayna ahayd saaxibtinimo aan qaranka Soomaaliyeed ku badbaadineyno. Cumar Xaashi halgankii aan ku ballanay ayuu ku dhintay” sidaa waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf.



Caaqil Bashir Maxamed Jaamac (Caraacir) ayaa ku gubaabiyey ka soo qaybgalayaashii munaasabad in ay dadkii ku geeriyooday qaraxii Beledweyne loo dhiso dugsiyo iyo dhismooyin kale oo lagu xasuusto. Waxaa sidoo kale goobta munaasabadda ka hadlay Xildhibaan Cabdiwali Sh. Maxmed oo sheegay in ay muhiim tahay in maxkamad la soo taago dhamman dadkii ka dambeeyey qaraxyadii lala beegsaday Hotelada Shamow iyo Madina. Salaad Cusmaan Rooble oo isna halkaas ka hadlay ayaa u tacsiyadeey dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshaweynta reer Hiiraan, wuxuuna xusay in maanta ay mudantahay in mar waliba la xusuusto.

Image

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”