Saaka aroortii hore ayaa waxaa lagu waabariistay magaalada Borama hadal haynta waxaa is casilaya wasiir ku xigeenkii Deegaanka iyo reer miyiga Mudane Saciid Maxamed Bile oo loo yaqaanay saciid qiiro.
hadaba saaka markii ay ahayd saacadu 10:00aroornimo ayaa waxaa munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ay ka dhacday Beerta wayn ee Boodhe halkaasna waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sarsareyso xisbiga Kulmiye oo uu ka mid ahaa musharaxa madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng:Saylici iyo xubno kale oo fara badan.
munaasabadan ayaa sida lagu sheegay waxa ay ahayd mid uu xilka iskaga casilayay wasiirkan ka tirsanaa dawlada Rayaale una cadaynayay mawqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan Xisbigan uu ka baxay iyo kan uu ku biiray.
Hadaba munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Dacar Muxumad Geele oo katirsan saraakiisha sarsare ee ku jirta goloha Dhexe ee xisbiga Kulmiye waxa uuna sheegay ina ay aad maanta u faraxsan yihiin soona dhawaynayaan walaalkeen Siciid Qiiro kol haduu gartay in ay dantu ku jirto is badal.
waxa isla munaasabadaas ka hadlay wasiirkan is casilay Saciid Qiiro markii uu masraxa soo istaagay ayaa waxaa mar qudha isla sarakacay boqolaalkii dadka ahaa ee halkaa taagnaa kuwaas oo ku dhawaaqayay soo dhawaw siciid iyo mashxarado farabadan.
markii ay soo dhawayntaasi dhamaatay waxaa uu qaatay hadalkii waxa uuna ku bilaabay mahadnaq aan la soo koobi karin waxa uuna sheegay in xisbigii udub la odhan jiray ay ku hadheen oo qudha dhuuni qaatayaashi waxa uuna sheegay in uu ku soo biiray xisbigan is badaldoonka ah ee xisbiga kulmiye taas oo ay ku jirto ayuu yidhi danta iyo maslaxda umada waxa kale oo uu sheegay in dawlada uu ka tirsanaa ay ahayd mid ay ka jireen musuqmaasuq cadaalada Daro gumaysiiyo diktaatooriyada waa sida uu hadalka udhigay waxa kale oo uu sheegay in beesha uu ka soo jeedo oo ah baharmuuse sida ay udhan tahay ku wada soo biirtay kulmiye walaalkeen Saylicina aan garab taaganahay.
dhinaca kale waxaa isna halkaa ka hadlay xubin kale oo firfircoon oo ka soo jeeda Beesha Bahabar muuso samaroon oo ahaa xubin firfircoon oo xisbiga udub shalay ka mid ahaa magaciisana la yidhaahd. Xuseen nuuur kooshin kuna magac dheeraa Malaw ayaa waxa uu halkaas ka cadeeyay waxaan ahaa kii shalay loo soo diray kalal jajabinta Beesha Maxad case ee aan ka soo jeedo gaar ahaan Beesha Bahabar muuse waxa uuna sheegay in tii aan u arkay in aan horumar ku gaadhayn sidaas aawadeedna aan ka toobad keenay aanan garta danta iyo damiirka nooli inuu yaalo xisbiga walaalka Saylici ka soo jeedo sidaas aawadeedna aniga iyo siciidna aan garanay inaan walaalkayo Saylici aan u hiilino, waa sida uu hadalka u dhigaye.
ugu danbayn halkaas waxaa ka hadlay Musharaxa madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng:Saylici Xildhibaan Abiibakar C/raxmaan Good, Adam Jaamac Hoori oo mar ahaan jiray Wasiir Kuxigeenka Hawlaha Guud, ee dawlada Rayaale, dhamaantoodna waxa ay iska wada daba mareen, soo dhawaynta ay u hayaan, siciid qiiro, iyo qurba jooga Malow,iyo beesha ay ka soo jeedaan, ee bahabar muuse, oo garatay, danta iyo damiirka wanaagsan halka uu ku jiro.
waxa ayna ka wada dhawaajiyeen in ayna fari ka qodnayn ku soo hayaanka isbadal doonka.
Munaasabada ayaa ku dhamaatay si heer sare ah taas oo ay iskugu yimaadeen, boqolaal taageerayaasha xisbiga ah oo ay iskugu jireen rag iyo dumar.
waxaana halkaas lagu kala tagay iyada oo la wada faraxsan yahay.
