Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE)
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE)
Fanaanada Caanka ah ee Ubax Daahir (Ubax Fahmo) oo ka mid ah fanaaniinta filka cusub ee Somaliland ee sida weyn looga dabo dhacay ayaa maanta shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ugu biirtay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ka dib markii ay sheegtay in xisbigaasi balan qaaday inuu daryeelo Fanka iyo Fanaaniintaba.
Ubax Fahmo oo ka soo jeeda degmada Dilla ee Gobolka Awdal waxay saaka iyadu iskeed uga furtay xisbiga KULMIYE xafiis weyn oo ay qalabaysay oo ku yaala Xaafada xero-Awr ee degmada 26-ka June Magaalada Hargeysa, waxaana furitaankii xafiiskaasi ka soo qeyb galay Guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsan Gobolada Galbeedka Somaliland Md. Baashe Cabdi Gaboobe, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ah mudaneyaasha xisbigaasi kaga jira Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa, Haween iyo taageereyaal tiro badan oo ka mid ah asxaabta fanaanadaasi.
Ubax Daahir (Ubax Fahmo) oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay inaanay iyadu hore xisbi ugu jirin, hase yeeshee ay go’aansatay inay ku biirto Xisbiga KULMIYE markii xisbigaasi balan qaaday inuu daryeelo doono fanaaniinta isla markaana dedaal u geli doono kobcinta dhaqanka iyo suugaanta dalka, waxaanay tidhi “Aad iyo aad ayaan madaxda iyo Taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee I soo dhaweeyay aan ugu mahad celinayaa waxaad ii muujiseen jacayl iyo furfurnaan. Anigu xisbi hore kuma aan jirin balse waxaan go’aansaday inaan ku biiro KULMIYE oo ay hore u galeen odayaashii waaweynaa iyo abwaanadii dalka sida Xasan Ganay iyo Dacar oo kale. Xisbigani wuxuu noo balan qaaday inuu na daryeelayo taasi ayaan ku raacay.”
“Xafiiskan Anigaa kiradiisii iska bixiyay oo qalabeeyay waxaanan doonayaa inuu noqdo xafiis u shaqeeya xisbiga KULMIYE, waxaan leeyahay KULMIYE ha guulaysto. Somaliland-na ha guulaysato,”ayay tidhi Ubax Daahir.
Guddoomiyaha olalaha doorashada ee gobolada galbeedka Somaliland u qaabilsan xisbiga KULMIYE Md. Baashe Cabdi Gaboobe, oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay fanaanadaasi ku soo biirtay, waxaanu sheegay inay qalbi furan ku soo dhaweynayaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay fanaanadaasi iyadu iskeed xafiiskan u furatay ka dibna ku soo casuuntay, waxaanu dadweynaha kale ugu baaqay inay ku daydaan.
Md. Baashe Cabdi wuxuu ku dooday in aqlabiyada ummadda reer Somaliland ay taageertay xisbigooda oo uu carabka ku dhuftay inuu u taagan yahay inuu dalka ka dhaliyo isbedel siyaasadeed oo mug-leh.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay xisbigiisu awooda saari doono soo noolaynta fanka iyo suugaanta dalka oo ay dhisi doonaan Hoygii Murtida iyo Madadaalada Hargeysa ee dunsan mudada labaatanka sanadood ku dhow ee Somaliland ay xornimadeedii dib ugala soo noqotay Somalia.
Md. Baashe Cabdi Gaboobe wuxuu taageereyaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay codkooda si hagar la’aan ah u dhiibtaan oo u doortaan xisbigaasi.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo si weyn fanaanadan ugu mahad celiyay waxaanu tilmaamay in dadkii fankeeda jeclaana uu ka rajaynayo inay soo raacaan fanaanadan.
Sidoo kale, waxa xafladaasi lagu soo bandhigay heesaha xisbiga KULMIYE iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka halkaasi oo ay fanaanaduna goob joog ka ahayd oo ay taageereyaasha xisbigaasi ay qaabilaysay.
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE
Coooool, horta where can I get her email? 

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE
War Hayaay... War Kadaa aan lagy maqline



- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE
LiQaaye_TDH wrote:War Hayaay... War Kadaa aan lagy maqline![]()
Interview ayuun baan ka qaadi lahaa

- Elmi_Dheere
- SomaliNetizen
- Posts: 421
- Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
- Location: Saylac
Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE




I thought this was a prank when I read the title . I never thought kulmiye was so desperate they need hire singers to run campaign

-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE
FixedLiQaaye_TDH wrote:

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 1097 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 5 Replies
- 637 Views
-
Last post by Elmi_Dheere
-
- 10 Replies
- 787 Views
-
Last post by King-of-Awdal
-
- 4 Replies
- 545 Views
-
Last post by LAFO-LAFO
-
- 35 Replies
- 1717 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 15 Replies
- 2755 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 11 Replies
- 67 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 11 Replies
- 1095 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 1 Replies
- 375 Views
-
Last post by AwdalPrince
-
- 3 Replies
- 598 Views
-
Last post by X.Playa