The Biggest KULMIYE Campaign in BURCO TODAY WATCH

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

The Biggest KULMIYE Campaign in BURCO TODAY WATCH

Post by LiQaaye_TDH »

Image
Image
Image

Taageerayaasha Kulmiye Oo si Aan Hore Loo Arag Isugu soo Baxay Fagaaraha Kheyriyada Ee Magaalada Burco (Sawiro)
click to zoom

Burco (Buraoonline.com) 19.06.10 Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa Maanta Si heer sare ah Isugu soo Baxay Fagaaraha Kheyriyada ee Magaalada Burco,Halkaasi oo Masuuliyiin ka tirasan Xisbiga Kulmiye ay kula hadleen Taageerayaal Tiro badan oo Buux dhaafiyey AFaafka hore ee Kheyriyada. Magaaladaasi.
click to zoom
click to zoom

Maanta oo ahayd Maalintii Lixaad ee Xisbiga Kulmiye uu U lahaa Ololaha Dooroshooyinka

Somaliland ee dhawaanahanba ka Socday Gobolda dalka oo idil ayaa waxa Munaasibada Xafladaasi ka hadlay Masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha IOlolaha Kaambaynka Dr.Cabdi Awdaahir Awcali,Xildhibaan Cali Mareexaan ,,Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Axmed Cabdi Falay iyo Masuuliyiin kale.
click to zoom

Waxaana Ugu horeynhalkaasi ka hadlay Guidoomiyaha Kaambaynka ee Xisbiga Kulmiye
click to zoom

Dr.Cabdi Awdaaahir Awcali waxaana uu sheegay in aanay shacabka Somaliland aanay u dulqaadan Karin sided sano oo dawlada Xumo ah oo ay ka daaleen Balanqaadyada Beenta ah ee Xisbiga Talada haya ee Udub ee ay ka sheegaan Fagaarayaasha Balse ay Somaliland u baahan tahay isbedel waxtar leh,waxaana uu Carabaabay in Xisbiga kulmiye yahay kan u taagan horumarka iyo waalaaleyn Bulshada Somaliland,waxaana uu Cabdi awdaahir Ugu danbayntii ugu Baaqay bulshada Somaliland in ay doortaan Xisbiga Kulmiye
click to zoom

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cali Maxamed Xasan(Cali Mareexaan)
click to zoom

Waxaana uu sheegay Maalinta Sabtiyeed ee Inagu soo aadan oo ku began Maalinta Codbixinta Jamhuuriyada Somaliland ay tahay Maalintii soo afjarida Maamul xumada,Musuq maasuqa iyo Tahriibtay aafaysay Bulshada reer Somliland .waxa kale oo uu
click to zoom

Ku Nuuxsaday xildhibaanku in laga hortago Musuqmaasuqa iyo tuugada ay Xukuumadu kula dhexjirto Dooroshooyinka ka dhacaya 26 june Somaliland oo qof kasta oo ka mida taageeryaasha kulmiye ay waajib ku tahay in uu noqdo Muraaqib ilaalinaya waa siduu hadalka u dhigaye tuugada Xukuumada Rayaale
click to zoom

Waxa kale oo Xildhibaanku Duray hadalo Maalintii shalay Kasoo yeedhay Masuuliyiinta Xisbiga Udub,taasi oo uu ku tilmaamay in ay kala qaybinayaan,isla Markaana ay Doonayaan in ay Colaado ka dhex aloosanm Bulshada Somaliland Gaar ahaan Gobolka togdheer waxa uu Xildhibaanku ugu Baaqay Masuuliyiinta Xisbiga Udub in ay kala dhex baxaan Bulshada Walaalaha ah hadalada turxaanta ah ee ay Doonayaan in ay ku kala qaybiyaan..
click to zoom

Xildhibaanku Mar uu ka jawaabayay hadalo kazoo yeedhay Madweynaha Jamhuuriyada Somalind Mar uu maalintii Salaasadii uu kula hadlyey taageerayaashiisa Magaalada Boorame Kaasi oo ahaa “aniga Kiishkaygu wuu Buuxa”ayaa waxa uu ku tilmaamay Xildhibaanku in ay waxa laga Xishoodo tahay in Madweyne ku faano kiish uu ka Buuxiyey

Waxa uu ku tilmaamay 12Doolar ee uu ka qaaatay Xoolihii Reer Miyiga iyo Lacagtii Gobolka Togdheer Lagag bedli lahaa Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee Duugawday.
click to zoom

Waxa kale oo Halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Dawlada Hoose ee Degmada Burco Mudane Cabdi Axmed Falay waxaana uu usoo jeediyey dhamaan taageerayasha Xisbiga kulmiye in ay ilaaliyaan Nabadgalyada,waxaana uu Been ku sheegay in aanay haba yaraatee Ciidan beeleed oo la socon Axmed Maxamuud Siilaanyo ee ay ahaayeen Ciidamada Qaranka Somaliland oo gudanayey Waajobaadkoodii shaqo,waxaana uu gudoomiye kui Xigeenku ku tsheegay Xisbiga udub uu yahay Xisbi kacay waxaana isagoo arintaasi ka hadlayana uu Yidhi “Xisbiga udub wuu kacay ee dabkii baxayaa Dab lagu qabsadaaye ee inta yar ee wali ku sii dhagan waxaan leeyahay kaalayoo ku soo Biira Xisbiga Kulmiye ee hananaya Guusha”

Ololaha Dooroshooyinka Somaliland oo Maraya heer gabo gabo ah ayaa Xisbi Kastaaba

Maalintiisa uu Sameeyaa Dhoolotus iyo Banaan baxyo ay ku Muujinayaan Cudidooda taageero ,walaw ay Mid kastaaba ay u hadhsan tahay Maalin kaliya ayaa waxa ay u muuqataa in haatan ololihii Dooroshooyinka Qaranka Somaliland ay ku soo Gabagaboobayaan Jawi Nabadgalyo ah

By:Yaasiin Digfeer

Burco Somaliland
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The Biggest KULMIYE Campaign in BURCO TODAY WATCH

Post by The_Emperior5 »

Burco is kulmiye the heart of somaliland
hargeisa is kulmiye the capital of somaliland
Borame is Kulmiye The mind of Somaliland
Gabiley is kulmiye the drive behind somaliland
Berbera is Kulmiye the heat fo somaliland

Thats all you need saaxibaayaal

waanu guuleysanayna
Suldaan Emperior :sland:
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: The Biggest KULMIYE Campaign in BURCO TODAY WATCH

Post by hargaysaay »

corection hargeysa is ucid :up: :up: :up: :up:

mistakes happen you are human never mind :up:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The Biggest KULMIYE Campaign in BURCO TODAY WATCH

Post by LiQaaye_TDH »

Hargeisa is 20% UCID Sxb while KULMIYE is 60% and UDUB 20%
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”