UCID Oo Maanta Soo Bandhigay Isu-soo-bax Ka Nixiyey Labada X

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

UCID Oo Maanta Soo Bandhigay Isu-soo-bax Ka Nixiyey Labada X

Post by Siciid85 »

Hargeysa: Xisbiga UCID Oo Maanta Soo Bandhigay Isu-soo-bax Ka Nixiyey Labada Xisbi Ee KULMIYE Iyo UDUB


Hargeysa: Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa maanta fagaaraha beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay ku soo ban-dhigay isu-soo-bax ballaadhan oo qayb ka ah ololaha doorashada ee gabagabada ku dhaw.

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID, ayaa subaxnimadii hore saaka isaga kala yimi degmooyinka magaalada Hargeysa, iyaga oo watay baabuur fara badan oo ay ka lulmanayaan calannada iyo asmaata u gaarka ah xisbiga UCID, iyaga oo markii dambe-na isugu yimi fagaaraha beerta xoriyada, oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin sar sare oo ka mid ah xisbiga UCID.

Ugu hooray, Xoghaya Guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed Guuleed[Muuse Inji] oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey taageerayaasha xisbiga UCID sida ballaadhan ee ay isugu soo baxeen fagaaraha beerta Xoriyada.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi, “Saddexda xisbi ee le kala dooranayaa waa UCID, UDUB iyo KULMIYE. UDUB iyadu way ina daysay oo way u dhamaatay, laakiin weli dhibaatadeedii ayay weli sii wadaa. Waxa ay iibsanayaa Kaadhadhkii oo meel ay gaynayso garan maayo. Waxa aan la codsanayaa labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE IN loo midoobo sidii aanay dhibaato uga dhicin lahayd waxaas ay UDUB waddo oo ah Kaadhadhka ay iibsanayso. Waxaana ay doonaysaa inay nabadgelyo darro dhacdo. Arrintaa labada xisbi ma u midoobaan, si ay doorasho nabad ahi inoogu dhacdo, oo isbedel rasmi ah lagu sameeyo.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Xisbiga UCID halka uu maanta marayo waad arykaysaan, oo isbedelkii dadku way qaateen, oo waxa ay goosteen inay UCID u codeeyaan. Sidaa daraadeed waxa aan lee yahay maalinta la gelayo doorashada, qofwalawba waxa aad maskaxadaada ka keentaa oo aad u xasuusnaataa in waxa aad doonaysaa uu yahay isbedel, mid-kaana waxa kuu haysan UCID. Iyada ayaa diin kugu xukumaysa oo dhalinyada wax u ogol.”

Xoghayaha Maamulka iyo qorshaynta ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Dirir oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerasha xisbiga ku tilmaamay inay muujiyeen isu-soo-bax layaab leh, isaga tilmaamay in Somaliland hadda haysato fursad qaaliya, “Maanta waxaa inoo soo baxay sideed sano oo aynu cidhiidhi ku jirnay ka dib Obama-ha Somaliland, oo ah Faysal Cali Waraabe , haddii aynu Obamaha Somaliland dooran wayno sidii Maraykan-ka ayuu dhaqaale bur-bur iyo nabad burbur inagu dhici doonaa, soo ma dooranayno ‘HAA.’ Waa inoo sidaas.’” Ayuu yidhi Maxamed Xasan.

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Diinta Islaamka ee xisbiga UCID idiinku baaqay waa mid xaqiiq ah oo uu ka dhabayn doono, waa mid ilaa 1960-kii dawladihii kala dambeeyey laga waayay cid u badheedha, cidda u badheedhay waxa weeye xisbiga caddaalada, diinta iyo daryeelka ee UCID.”

Waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal dhaleecayn ah oo Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub u soo jeediyey xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay inuu xidhiidha la leeyahay kooxda Alshabaab, “Dad-baa waxa ay ka xun yihiin awooda cusub ee xisbiga UCID maalmihii u dambeeyey uu sidii Obama toban cisho gudahood uu la soo baxay, waxa ay ka xun yihiin Diinta Islaamka ee uu ku dhawaaqay, waxa ay yidhaahdeen Alshabaab ayaad tihiin, ee miyeynu ka rumaysanaa,? ‘MAYA’. Ninka sidaa yidhi waa nin weyn oo xil idiin haya oo Siciid Sulub la yidhaahdo, kaas oo sheegay in Alshabaab la soo hadashay oo ay tidhi‘Xisbiga UCID ha loo codeeyo.” Soo beentii maaha ‘HAA”. Waxa ay Somalidu ku maahmaahdaa nin walba halkii bugtaa isaga ayay belbeshaa. Awooda xisbiga UCID markii uu arkay waxa uu ku marmarsooday inuu Diinta Islaamka waxa ka sheego. Waxa aynu leenahay qofka diinbta Ilaahay wax ka sheegayaa waa qof diinta Ilaahay ka baxay, Diinta Ilaahay cidda diida in la isku xukumaa waa gaal.Waxa aynu leenahay waxa aad tahay nin weyn oo masuul ahe ilaahay u toobad-celi.”

Waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Siciid Sulub iyo Alshabaab Telfoonka ay ku wada hadleen muxuu yahay, waa mid aynu garan la’nahay Siciid Sulub Alshabaab waxa ka dhexeeya, isaga ayanu u daynaynaa oo yaqaana. Ummada Somaliland waxa ay ka sugaysaa inuu caddeeyo halka ay Alshaab ku tidhi ‘UCID ha loo codeeyo.”Siciid Sulub waa dilaalka koobaad ee dawlada xarku galay, waa ninka u badheedhay inuu xoolaha Ummadeeda wada iibiyey. Waxa aan aad uga xumahay inuu Ummada horteeda wax ka sheego. Marka aanu talada dalka ku guulaysano waxa aanu ka dhigi doonaa inuu Saylada ka noqdo Dillaal caadiya ilayn waxa uu u bartay inuu dilaal noqdee.”

Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga UCID Marwo Faadumo Cali Madar, oo iyana halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Xisbiyada qaar ayaa waxa ay idinku sasabtaan ‘reer Somaliland-naw anaga ayaa nabada idiin haynaaye na doorta,’ kuwaas been ayay idiin sheegaan, waayo dadka nabada suga ee ilaaliyaa waa reer Somaliland oo waa shicibka. Haddii aanay nabada ilaalin lahayn shacabka iyo ciidamada mushaharku ku yaryahay, anigu uma malaynayo inay dawladi sugi lahayd.”

Waxa aya u soo jeedisay bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay jogaan joogaan inay heegan u ahaadaan ilaalinta nabada, isla markaana waxa ay sheegtay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay waddanka ka hirgelin doonaan isbedel dhab ah oo dhinac kasta taabanaya.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xoghaya arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Qabo, oo taageerayaasha xisbiga UCID ku booriyey oo yidhi “Waxa aan idinku boorinayaa todoba habeen ayaa ka hadhay masiirkii iyo mustaqbalkii Somaliland. Waxa aan idiin sheegayaa waxa aad tihiin mucalimiin oo laba sannadood ayaa jiinis la idin siiyey aad wax ku kala garataan. Masiirkii Ummadani waxa uu ku jiraa gacmahiina. Waxa aan idinku adkaynayaa inaad UCID u codaysaan, oo aad codkiina siisaan. Si ay Somaliland u badbaado oo aynu u gaadho himilada aynu hiigasnayno.”

Prof. Siciid Sheekh oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga UCID u taagan yahay inuu waddanka ka hirgeliyo shareecada Islaamka, isla markaana uu Somaliland ka abuurayo is-bedel dhab dhab ah “Walooloyaal xisbiga UCID waxa uu ku baaqayaa inuu shareecada Islaamka waddanka ku dhaqayo, waxa uu maanta sheeganayo maaha ee waa wax ku qoran buugiisa siyaasadeed. Qodobka ugu horeeyaa waxa uu ka hadlayaa inuu shareecada Islaamka waddanka ku dhaqayo.” Ayuuu yidhi Prof. Siciid Sheekh.

Waxaana uu si weyn ugu dhaliilay Madaxweyne Rayaale inuu waddanka meel xun ku waddo, isla markaana uu danaysanayo, “Walaaloyaal maamulka Rayaale, waa ka Adduunka ugu liita oo wax allaaleyaal wax ugu liitaa ma jiro, oo wasaarad shaqaysaa ma jirto, 11 subaxnimo marka ay gaadho meel shaqaysaa ma jirto, iyada oo laga doonayo inay shaqeeyaan sided caadadood. Maamulkiisu waxa uu ku caam-baxay mi aan dadka waxa uu qabanayo wax-ba la socodsiin.’

Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi-jeex Mr Jiir, oo halkaas hadal kooban ka soo jeediyey ayaa ugu baaqay shacab oo yidhi.

Waxa isugana halkaa ka hadlay Xuseen Axmed Ildab oo ka mid ah masuulitiinta sar sare ee xisbiga UCID, oo sheegay in la joogo kama dambaystii ololaha doorashada, isla markaana taageerayaasha looga baahan yahay ina codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah.

Pictures.
http://www.togaherer.com/2010/06/20/har ... -iyo-udub/
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: UCID Oo Maanta Soo Bandhigay Isu-soo-bax Ka Nixiyey Laba

Post by LiQaaye_TDH »

Ka Nixiyay Hahahahahhahahahhahahhaha

Half Empty Khayrad
Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: UCID Oo Maanta Soo Bandhigay Isu-soo-bax Ka Nixiyey Laba

Post by Siciid85 »

It looks full to me. 8-) :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”