UCID Banaanbax in Burco TODAY PICS

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

UCID Banaanbax in Burco TODAY PICS

Post by LiQaaye_TDH »

Image

Wafti Balaadhan oo UU Hogaaminayo Gudoonka Baarlamaanka oo Maanta SI weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Burco (Sawiro)
click to zoom

Burco (Buraoonline.com) 20.06.10 Cududa Taageeryaasha Ee Xisbiga Ucid ee Magaalada Burco ayaa Maanta si heersare ah Usoo dhaweeyey Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoonka Baarlamaanka Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro ),Waftigani oo ka koobnaa Masuuliyiin farabadan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka C/RAXMAAN Cirro,Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid Aadan Mirre Waqaf ,Xildhibaano ka tirasan Golaha Wakiilada iyo Xubno ka socday Jaaliyadaha Debeda
click to zoom

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer Cismaan Ibraahin Afgaab waxaana uu sheegay in ay dadwynaha reer burco diyaar u yihiin soo dhaweynta Waftigani heer qaran ,sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay Codkooda siiyaan ayuu yidhi Cismaan Afgaab Xisbiga Cadaalada iyi daryeelka ee Ucid
click to zoom

Waxa kale Madasha Xafladaasi ka hadlay Xoghayaha Beeraha Ee Xisbiga ucid Proff.C/raxmaan Jaamac Ducaalewaxaana uu sheegay in Xisbiga Ucid uu ka Xoraynayo Bulshada Somaliland Wax uu ugu yeedhay Xaaraan Quutayaasha oo uu ula Jeeday Xisbiga Talada Haya ee Udub,halka uu Xisbiga Kulmiye uu ku tilmaamay Meel ay isugu yomaadeen Dhiig Miiratadii ay soo eryeen Xisbiga Udub,Sidoo kalena waxa uu sheegay in Madweyne Rayaale iyo Wasiirasdiisuba ay Goob kasta ka yidhaahdaan Kiishkayagu wuu Buuxaa,taasi oo hadii ay Xukuumad Islaamiyi Jirto ay Noqon lahaayeen Danbiilayasal Qaran
click to zoom

Waxa kale oo Fagaaraha Kheyriyada oo ay dhoobnaayeen Taageersyaasha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Khudbad halkaasi ka Jeediyey Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid Muane Adan Mirre Waqaf waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay tagbiirta alle,kadibna waxa uu hadlkiisa ku xigsiiyey in Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku uu Dalkani ku dhaqayo shareecada Diinta islaamka ,waxa kale oo uu sheegay Adan Mirre Waqaf sida ku Xusan Barnaamijka Siyaasdaeed ee Xisbiga ucid Qudobadiisa 115 ,116 ilaa Qodobka 117 in uu saarayo Gudi oo habaysa Wax alaala wixii ka hor imanaya Diinta islaamka
click to zoom

click to zoom

Waxa kale oo Gudoomiyuhu uu ka hadlay hadal hadal uu dhawaan Madweyne Daahir Rayaale ku sheegay in uu Xisbiga ucid aanay Dalka ku dhaqaynin shareecada islaamka isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi”Madweynaha Sii dhacaya ee Rayaale waxa uu yidhi UCID Dalka ku dhaqi mayso sharteecada ee codbay ku doonaysaa,Magaalo ayaynu nahay waa wax laga Xishoodo in la yidhaahdo hadlada Noocaasiyi,ku ololayn mayno ee waan ku dhaqaynaa diinta islaamka ayuu yidhi Aadan Mirre WaqafWaxa kale oo ugu danbayntii Madsha Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyha Baarlamaanka Mudane Cabdi raxmaan C/laahi (Cirro) waxa uu ku bilaabay hadlkiisii uu ku Bilaaabay Kalmada tawxiidka ah eek u Xardhan Calanka Xisbiga Ucid,sidoo kalena waxa uu Xusay Calaamda Kafada iyio Miisaanka oo u dhigan ayuu yidhi in Xisbiga Ucid uu dadka ku dhaqi doono si cadaalada ,Sidoo kalena waxa uu Duray Gudoomiyuhu Mawqifka uu ka taagan Madweyne rayaale in dalkani lagu dhaqo shareecada Islaamka Waxaana uu dadka ka hor akhriyey Mid ka mida Jaraa,idada Kasoo baxa Somaliland oo ay ku Qornaayeen Hadalo uu kaga hadlayey in an dadka Somaliland ubaahanayn in Lagu dhaqo diinta islaamkawaxaana ay hadladaasi u dhignaayeen Sidan”Ninka yidhi Dadka diinta ayaan ku dhaqayaa waa nin iska hadlay,Baab yar oo Basiida oo dadka lagu khiyaamaynayo weeye”waxaana uu sheegay in lagu dhaqo dadka diinta islaamka aanay ahayn Wax raqiisa ama wax la dhayal san karo.
click to zoom

Waxa kale oo uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanku Mudane Cabdi raxmaan C/laahi Cirro in Qaar kamida Wasiirada ryaale ay sheegeen in Xubno ka tiorasan alshabaab ay lasoo xidhiidheen oo ay dhaheen Ucodeeya Ucid waxana uu ku Macneeyey hadlkaasi kazoo yeedhay mid kamida asiirada Madweyne Daahir Rayaale in ay iyagu yihiin Wakiilada Alshabaab iyo Alqaacida u jooga Somaaliland
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: UCID Banaanbax in Burco TODAY PICS

Post by Somalistan »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”