Xingalool Wafti Caafimaad oo Heer Sare ah ayaa Yimi

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Xingalool Wafti Caafimaad oo Heer Sare ah ayaa Yimi

Post by oldenglish »

Xingalool Wafti Caafimaad oo Heer Sare ah ayaa Yimi
June 19, 2010
By Admin
Wafdi ballaadhan oo ah dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo uu hogaaminayo Dr. Shiine ayaa mardhoweyd soo gaadhey Degmada Xingalool.


Dhakhaatiirtan ayaa kasoo kicitimey magaalada Ceerigaabo iyaga oo safar kusoo marey magaalooyin ay ka mid tahay Degmada Badhan waxayna halkaas kasoo sameeyey adeeg caafimaad oo kala duwan gaar ahaana indho fiiqis u sameeyey bukaan badan oo adeegaas u baahnaa.

Dr. Shiine iyo dhakhaatiirta socdaalkan ku wehelisa ayaa sheegey iney isla caawaba ka bilaabi doonaan cusbitalka Degmada Xingalool adeeg caafimaad oo noqon doona fisiteyn iyagoo barrina hadii alle idmo sameyn doona qalliin xaga indhaha ah

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa si weyn uga socdey goobaha caafimaadka ee Degmada Xingalool diiwan galinta bukaanka iyadoo la qorey dad kor u dhaafaya ilaa 250 qof oo dhamaantood u baahan adeeg caafimaad

Dr. Shiine iyo team ka dhakhaatiirta ah ee la socda aya la filayaa iney joogi doonaan Degmada Xingalool ugu yaraan 2 maalmood iyagoo intaas sameyn doona adeeg caafimaad oo kala duwan

Mar uu webka XingaloolNews la xidhiidhey xubin ka tirsan gudiga soo dhoweynta dhakhaatiirta ayaa waxa uunoo sheegey iney jiraan dhakhaatiir kale oo iyagu iman doona 7 casho kadib kuwaas oo qaabilsan cudurrada guud iyo kuwa dumarka kana fulin doona adeeg caafimaad cusbitalka Degmada Xingalool

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Xingalool iyo nawaaxigeeda ayaa aad ugu faraxsan adeegan lacag la’aanta ah ee ay helayaan iyaga oo jooga guryohooda waxaana jirey maalmihii lasoo dhaafey bukaan kusoo qulqulayey degmada Xingalool si ay fursan uga faaiideystaan.

Xigasho:Xingaloolnews

By Feyte
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Xingalool Wafti Caafimaad oo Heer Sare ah ayaa Yimi

Post by udun »

Maashallaah, great work. I wish the best for the hospital in Xingalool.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”