Murashaxa madaxweynaha xisbiga UDUB,Daahir Riyaale Kaahin ayaa ku eedeeyey xisbbiga mucaaridka ah ee Kulmiye inay ku jiraan rag xagjirnimo ku sifoobay oo doonaya inay aarsadaan haddii ay talada qabtaan.waxanu sidaasi ku sheegay mar uu shalay taageereyaasha xisbigiisa kala hadlay fagaaraha Beerta Xorriyada halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne iskaga yimid degmooyinka Hargeysa.
Taageereyaasha UDUB ayaa basas lagaga soo guray shanta degmo ee caasimada Hargeysa waxanay u soo baxeen dhoolatuska xisbiga UDUB ku soo bandhigayay Cududiisa maalintiisii ugu dambaysay olalaha doorashada madaxtooyada ee Sabtida fooda inagu soo haysa ka qabsoomaysa dalka.
Daahir Riyaale oo khudbad u jeediyay taageereyaahsa xisbiga UDUB wuxuu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi "Maanta waxa aynu u taaganahay maalintii ugu dambaysay ee Ololaha doorashada Madaxtooyada ee uu xisbiga UDUB u lahaa iyada oo ay doorashadii inaga xigto maalmo koobani, xisbiyada tartamaya xisbiga UDUB waa hooyadii dimuqraadiyada Somaliland, dmuqraadiyada xisbiga UDUB ayaa bilaabay, waa hooyadii nabada Somaliland. Intii uu xisbiga UDUB talada hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday, nabad ayaa ka dhacday.Xisbiga UDUB waxa uu balan qaadayaa midnimo, shacbiga Somaliland oo ul iyo diirkeed ah.Xisbiga UDUB waxa ka reeban xag jinimo, laakiin xisbiga Kulmiye waxa ku jira rag badan oo xag jiriin ah, xisbiga UDUB xisbi caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi deganaansho, arrin kastana ka fiirsada.
Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada kaas ayaa meel gaadhsiin kara, ma hagi karaan niman cadhaysan oo iyaga oo aan weli xilkii qabanin waanu aarsanaynaa lihi, nimanka maanta sii hanjabaaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa, beritona maxay samaynayaan.Xisbiga UDUB intii uu talada dalka hayay waxqabad ayuu muujiyay, wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha, waxaanay u muuqataa sida qoraxda, haddii ay tacliin tahay, hadii ay caafimaad tahay, hadii ay fidinta maamulka tahay xisbiga UDUB ayaa sameeyey. rag baa yidhaahda Maxjarka waanu baabi’inaynaa, haddii la laab’iyo ma dan baa umada ugu jirta, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in magaalada Berbera iyo Wajaale laga sameyn doono laba koontiindher si ay xoolaheenu uga dhoofaan”.
Ma aha markii ugu horeysay ee xukuumadu ku eedayso xisbiga Kulmiye inay ku jiraan xubno xag jir ah, waxana jirtay dhowr jeer oo hore in qaar ka mid ah wasiirada xukuumada iyo masuuliyiinta UDUB ku eedeeyeen xisbiga Kulmiye inay ku jiraan rag xagjirnimo ku jirto.
Iyadoo Murashaxa madaxweynaha xisbiga UDUB,Daahir Riyaale Kaahin khudbadaasi ka jeediyay beerta xorriyada, dhanka kale shalay waxay madaxtooyadu ku sugneyd jawi ka duwan siddii hore looga bartay, arrimihii ugu waaweynaa ee shalay ka dhacay halkaasi waxa ka mid ahaa, Madaxtooyada oo shalay isu rogtay xafiiska guud ee xisbiga UDUB, iyadoo ay ahayd maalintii ugu dambeysay ololaha UDUB ayaa waxa isugu soo ururay Madaxtooyada dad badan oo ku abtirsada xisbiga UDUB ama laf dhabar u ah xisbigaasi. Wasiiradii shalay ku sugnaa gudaha Madaxtooyada ayaa waxay lahaayeen sawir muujinaya inay guul daro filayaan kaddib markii taageerayaashii iyo cududii xisbiga UDUB ka qul quleen kuna biireen labada xisbi mucaarid, taasoo ay weheliso dhambaalo dhiilo xambaarsan oo sheegaya in masuuliyiin badan oo degmooyinka iyo gobolada ahi iscasilaad hor leh maagan yihiin, taasoo niyad jabka ku sii kordhisay xukuumada.
Madaxweyne Riyaale shalay markii uu beerta xorriyada ka soo noqday waxa la sheegay inuu koray dabaqa sare ee Madaxtooyada isagoo iska xidhay aragtida iyo la kulanka masuuliyiinta UDUB, marka laga reebo wasiiro kooban oo ay ka mid ahaayeen Siciid Sulub iyo dhowr wasiir oo kale. Siday Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow Madaxtooyada, Madaxweyne Riyaale shalay canaan kulul ayuu kula dhacay wasiiradiisa iyo weliba Dhirbaaxo, kuwaasoo uu ku tilmaamay wax matarayaal hanan kari waayay hawshii uu u dirtay.
Waxa kale oo shalay madaxtooyada ku xoonsanaa dad badan oo loo sameeyey balan qaadyo hore kuwaasoo haddii ay shalay dhaafto rajadoodu mugdi sii galaysay.dibada Madaxtooyada waxa laga arkayay raxan raxan dumar ah oo calanka UDUB ku jeeni qaaran oo ilaa duhurkii shalay Madaxtooyada hor fadhiyay kuwaasoo iyaguna ka mid ahaa dadkii balan qaadyada loo sameeyey oo quusan la’aa.
Abaaro saddexdii galabnimo waxa la arkayay dad habaqle ah oo Madaxtooyada ka soo baxayay kuwaasoo wejiyadooda cadho ka muuqatay kaddib markii ay soo waayeen wixii loogu balan qaaday.
Madaxtooyada ayaa shalay wax shaqo ahi haba yaraatee aanay ka socon, iyadoo shaqaalihii ka shaqeyn jiray lagu wargeliyay in aanay soo shaqo tagin.Wasiirka Madaxtooyada, Xasan Macalin, ayaa ka mid ahaa wasiirada shalay lagu wargeliyay in aanay soo shaqo tagin isagoo shalay niyad jab weyni ka muuqday ayuu hadana iska yimid xafiiskiisii oo laga qufulay, xoghayaha gaarka ee madaxweynaha Axmed Maxamed Ciise ayaa ka mid ahaa dadkii aan ka soo xaadirin halkaasi.
dhanka kale iyadoo toddobaadkan xukuumadu si qarsoodi ah xabsiga Burco uga sii deysay mid ka mid ah ragii hubaysnaa ee bishan tobankeedii falka argagixisnimada ah ka fuliyay Burco, ninkan argagixisada ah iyo dhowr qof oo kale oo lala xidhiidhinayay falkaasi ayaa la sheegay inay xukuumadu ka sii deysay xabsiga Burco, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xukuumaddu qorshaynayso falal khal khal lagu gelinayo amniga doorashada si aan doorasho dalka uga dhicin gebi ahaanba.
Riyaale is pissed of and Slaps Siciid Sulub after dissapoint
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Riyaale is pissed of and Slaps Siciid Sulub after dissap






-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Riyaale is pissed of and Slaps Siciid Sulub after dissap
Dhirbaaxo/ c'mon y'all! wax walba miyaynu ku wada hadalaa...
I know we’re in a campaigning mode laakiin bahdilada iyo naanaysata aan hadhayna raga ka daaya.
I know we’re in a campaigning mode laakiin bahdilada iyo naanaysata aan hadhayna raga ka daaya.

Re: Riyaale is pissed of and Slaps Siciid Sulub after dissap
This is as reliable as Qarannews reporting the musa bihi and siilaanyo rift.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Riyaale is pissed of and Slaps Siciid Sulub after dissap










Siciiid Sulub waa Reer Miyi Laga Keenay Gashaamo- Faysal cali Waraabe

And Now He gets Biatch slapped by Daahir Riyaale





-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 574 Views
-
Last post by Jamac_Yare
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 6 Replies
- 554 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 1 Replies
- 546 Views
-
Last post by Jaamac1975
-
- 0 Replies
- 391 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 3 Replies
- 527 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 10 Replies
- 1012 Views
-
Last post by XKeyse_
-
- 0 Replies
- 273 Views
-
Last post by Hanad Mohamed
-
- 5 Replies
- 923 Views
-
Last post by original dervish
-
- 7 Replies
- 1087 Views
-
Last post by Barkhadd