Salaadiinta Beesha Ayuub Oo Cambaareeyey Fal Ay Sheegeen
Posted: Wed Jun 23, 2010 8:30 am
Salaadiinta Beesha Ayuub Oo Cambaareeyey Fal Ay Sheegeen In Xukuumada Madaxwayne Daahir Rayaale Ku Talaabsatay.
Hargaysa(Ramaas) June 22, 2010 - Suldaanka guud ee beesha ayuub Suldaan Daahir Suldaan Aamin Suldaan Faarax iyo Boqor Cali Xuseen Kaahin ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen hotel Emperial ee magaalada Hargaysa, waxa ay ku sheegeen in xukuumada talada dalka haysaa ay bilowday in ay beelaha qaar ka iibsato kaadhadhkii codbixinta doorashada madaxtooyada, waxaanay Xukuumada ku cambaareeyeen in ay ku guuldaraysatay kalsoonidii shacbiga reer Somaliland.
Suldaanka ayaa sheegay in dhaqaalihii ummadda reer Somaliland loogu samayn lahaa biyo, caafimaad, wado iyo waxbarasho ay bilaabeen in ay kaga iibsadaan kaadhadhkoodii dhalashada, “ Waxaa Xaafada Sheekh Muuse Ducaale oo aad ogtihiin in ay la nooshahay Biyo la’aan, Saldhig la’aan, MCH la’aan iyo Waddo la’aan in ay maanta adduunkii intaas oo dhan loogu qaban lahaa ay kaadhadhkii dhalashadooda ku baayacayaan, laakiin Madaxwaynuhu kama war hayo in Hargaysa oo Dahab iyo Lacag buuxda aanu ka dhaqaaqnay si aanu u xaqiijino mustaqbalka aad maanta Madaxwaynaha ku tahay, waxaan Madaxwayne kuu sheegayaa in aanu gobnahay oo codkayaga aanay jarayn shilimada yar ee aad naga uruursatay.” Ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beesha Ayuub.
Waxa kale oo uu Suldaanku baaq u jeediyey shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo uu kula dardaarmay in ay Amnigooda ilaashadaan oo ay meel u wada jeestaan, walaalayaal waxaan idiin sheegayaa arimaha maanta socdaa way ka fog yihiin doorasho Madaxwayne oo waxa inagu soo dhex dhuuman kara cadowga Somaliland, markaa walaalayaal nabadgalyada ilaashada oo meel uga soo wada jeesta, maalinta doorashada la gaadhana qof waliba xisbiga uu jecel yahay ha u codeeyo.“
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Boqor Cali Xuseen Kaahin oo ummadda reer Somaliland ugu baaqay inay amnigooda ilaashadaan oo ay ciidamada booliska la shaqeeyaan, waxaanu cambaareeyey xukuumada Madaxwyane Daahir Rayaale oo uu sheegay in ay dalka bohol ku ridayso, madaama ay bilowday in ay dhalinyartii mustaqbalka dalka ka iibsato kaadhadhkii dhalashada ee loo qaatay codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.