Ololaha KULMIYE oo Gilgilay Dhamaanba Gobolada Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Ololaha KULMIYE oo Gilgilay Dhamaanba Gobolada Somaliland

Post by KingWaslawi »

Gurxanka Gaadiidkii ku shaqlanaa calanka KULMIYE ee isdaba susumayey + Siidhigii Taraafiga + Dumarkii jibaysnaa ee dariiqyada Tubnaa + masraxiyadii Abwaanada + Waxyaabihii Cajiibka ahaa ee Isu-soo-bixii KULMIYE ee Hargeysa Watay + dayaankii khudbadaha siyaasiyiinta =?

Hargeysa (Jam)- Gunaanadka toddobadii maalmood ee ololaha KULMIYE, ayaa shalay gilgilay guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland, iyada oo meel laga maro la waaweyey gaadiid ku shaqlanaa astaamaha KULMIYE oo isdaba susumayey jidadka waaweyn iyo dadweyne jibaysan oo erayo ay u suu xusheen ku cabirayey taageerada ay u hayaan Axmed Siilaanyo iyo quusta bulshadu ka taagan tahay xukuumadda UDUB.

Isu soo baxa ballaadhan ee taageerayaasha KULMIYE ka sameeyeen magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo ahaa mid dadweynuhu iskood isu soo abaabuleen, ayaa noqday dhul-gariir siyaasadeed oo ruxay xisbiyada kale ee kula tartamaya doorashada madaxtooyada ee maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 26 June 2010 dalka ka dhici doonta, iyada oo dadweynuhu ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan KULMIYE, isla markaana kula hadlayeen Rayaale, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen ‘Rayaaloow way kaa dhamaatee, la isuma dhejiyee ka dhaadhac, UDUB way socotee sallaama,’ iyo erayo kale.

Jidadka waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay cidhiidhi noqday, iyada oo qof kasta oo nasiib u yeeshay inuu galinkii hore ee shalay mari qaar ka mid ah wadooyinka caasimada ay dhegahiisu maqleen siidhiga taraafiga kala haga gaadidka oo u maaro la’ kala horida noocyada kala duwan ee baabuurta KULMIYE-yeysan iyo gaadiidkii kale ee dadwaynaha. Waxaana dariiqyada iyo xaafadaha magaalada dhex qulqulayey taageerayaal u badnaa haween ku labisnaa dhar laga sameeyey calanka KULMIYE.

Waxaana subaxnimadii hore ee shalay fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa buux dhaafiyey taageerayaasha KULMIYE oo qiiro iyo jibbo weyni ka muuqato wejiyadooda, iyada oo halkaana ay dadweynaha ku maaweeliyeen qaar ka mid ah abwaanada waaweyn iyo fannaanniinta reer Somaliland, kuwaasi oo fagaaraha ku soo bandhigay masraxiyad kooban oo ay ku soo iftiimiyeen balamaha beenta ah ee xukuumadda UDUB u qaado dadweynaha iyo sida loogu baahan yahay in la taageero KULMIYE.

Abwaanada iyo fannaaniinta maadayska kooban soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay), Maxamed Aadan Dacar, Basbaas, Jaamac Baqayo, Maxamed Bulshaawi, Ubax Fahmo, Sahra Ilays iyo kuwo kale oo badan, kuwaasi oo halkaa ku suu bandhigay heeso guubaabo ah oo dadka loogu sheegayo inay KULMIYE doortaan.

Waxyaabihii Cajiibka ahaa ee Isu-soo-bixii KULMIYE ee Hargeysa Watay

Magaalada Hargeysa ayaa cawayskii habeen hore ilaa xalay makhribkii duwanayd wejigeedii hore, waxa meel walba laga maqlayey sameecadaha codbaahiyayaasha oo ay ka baxayeen heeso iyo suugaan kale oo lagu ammaanayo xisbiga iyo murrashixiintiisa, dadkana ugu baaqaya in codkooda ay siiyaan, iyadoo sidoo kalena calanka xisbiga ee ka kooban midabada jaalaha iyo cagaarku noqday astaan meel kasta laga arki karo oo dadweynuhu ka tosheen maryaha la xidho, isla markaana baabuurta kala duwan lagu sharxay calankaas iyo sawiradda labada murrashax ee jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Shalay subaxdii hore dhammaan jidadka waaweyn ee taga fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa oo ah goobta saldhiga u ahayd muddadii ololuhu socday in axsaabtu taageerayaashooda kala hadlaan waxa lagu arkayey dadweyne fara badan oo iyagoo lugaynaya iyo iyagoo gaadiid wataba ku sii qulqulaya, halkaasi oo markii dambe kumannaan iyo kumaannaan qof oo isugu yimi buuxdhaafiyeen, lana waayey meel la istaago.

Isu-soo-baxa shalay taageerayaasha KULMIYE ka dhigeen fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa, waxyaabaha gaarka u ahaa ee uu watay waxa ka mid ahaa iyadoo abwaano iyo fannaaniin waaweyn oo caan ka ah Somaliland ay ku soo bandhigeen riwaayad cilmiyeysan oo taageeraysa xisbiga KULMIYE, shacabkana ugu baaqaysa inay doortaan, halka xisbiga talada haya ee UDUB waxqabadkiisa aad loogu dhaliilay.

Arrinta ugu cajiibsanayd waxay ahayd shimbiro fara badan oo nooca loo yaqaano xamaamka ah oo loo geliyey calanka KULMIYE, kadibna mar qudha lagu sii wada daayey fagaaraha, kuwaas oo dadweynuhu si weyn ula dhaceen, isla markaana noqotay mid lagu wada sheekaysto.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxmuud (Silaanyo) oo fagaaraha beerta xoriyada kala haddlay taageerayaashiisa ayaa jawaab ka bixiyey hadddal uu madaxweyne Riyaale ku sheegay xisbiga KULMIYE, in uu yahay xag-jira, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Walalaayaal doorashada waxaan la tartamayaa Daahir Riyaale iyo Faysal Cali Waraabe. Daahir Riyaale, dalka waxa uu xukumaayey sideed sanno wax alle waxa uu qabtay oo uu faano ma jirto, waxa uu si cad u yidhi in uu dhiisha buuxsaday oo uu baahidii ka baxay una baahnayn xisbi dardar leh oo la tartama, waxaannu dadka moodayaa sidiisa, Daahir Riyaale, waa ninkii isaga oo dalka ka sii baxaya oo wax uu geystay ogaa aannu saamaxney madaxweynena lagu sharfay abaal-gudkiina shacabka waxa uu uga dhigay in uu yidhaa dhiishaan buuxsaday waa ayaan daro shacabkana waxaan u sheegaynaa in haddaanu talada dalka ku guulaysano in aanu ummada dhiishooda u buuxin doono.

Walalayaal waxa uu inagu tilmaamay oo masuuliyiinteena waaweyn ee dalka u soo halgamay ee dhaqanka wanaagasan leh ee aad wada taqaanin waxa uu ku tilmaamay xag-jir, maxuu ugala jeedaa yuu qaldayaa dadkuu galinayaa niyad xumo, shacabkii ogaa, sida la og yahay ula dagaalanta argagaxisada, maalintii layna soo weerarayna ciddii ugu horeysay ee tagtay waxa ay ahayd anniga iyo Faysal Cali Waraabe.

Shacabkani walalayaal waa kii nabadgelyada u dagaalamay, waa ka nabad gelyada Illaahay ka sokow ilaalinayaa, waa ka argagaxisada qabta, waa ka budhcada la dagaalama, waa ka dalka ilaashanaaya.

Haddaanu xisbiga KULMIYE, nahay waxaannu soo saarnay barnaamij cad, waxaanna ka mid ah waxbarashada oo kor loo qaado, dhaallinyarada oo laga joojiyo tahriibta, biyo la’aanta Hargeysa iyo dalka intiisa kale oo wax laga qabto, waxa kale oo ka mid ah ciidanka oo daraje loo sameeyo, waxa ka mid ah la dagaalanka musuqmaasuqa, ummadani waxay u baahan tahay waxaaannu Illaahay ka rejaynayaa inaanu samayno is-bedel, waxaannu idinka codsanaynaa inaad codkiina na siisaan”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay xoghaya arrimiha dibada ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shaaca ka qaaday in xukumada madaxweyne Riyaale, ay gabi ahaanba ka soo oodantay siyaasada arrimaha dibada, isla markaana ay xumaysay xidhiidhkii Somaliland wadamada waaweyn ee uu Maraykanku ka mid yahay, taas oo uu ku tilmaamay in ay go’doon ka dhigtay Somaliland waxaannu yidhi “Waynu ka war haynaa in ay 26-ka June ay inoo dhici doonto doorashadu maalintaasina waa maalin taariikhi ah, waxa ay saaxiibo badan oo aynu dibada ku leenahay rejaynayaan in ay inoo dhacdo doorasho xor iyo xaalaala ah, isla markaana is-bedelkii ugu horeyey ee si dimuqraadiya u dhaca oo hogaan dhab ah oo siyaasiya lagu doorto. Himilada ugu weyn ee reer Somaliland-na waa inay hesho aqoonsi,

Madaxweyne Riyaale waxa uu xumeeyey xidhiidhkii aynu la lahayn wadamada waaweyn ee uu ka midka ahaa Maraykanku, waxaannu ku guulaysanay in aannu dib u soo celino xidhiidhkii ka dhexeyey Somaliland iyo Maraykanka”

Dhanka kalena wafti ay hoggaaminayaso marwada murashaxa jegada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Waris) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey degaanka Jaleelo oo ka tirsan degmada Dacar-budhuq, halkaas oo ay si weyn iskugu soo baxeen tageerayaasha xisbiga KULMIYE, ee degaanka Jaleelo oo iyagu ololahooda maalintoodii ugu danbeysay ku muujinaayey cududa taageeradooda, waxaanna halkaasi kala hadlay taageerayaasha iskugu soo baxay degamadda Dacar-budhuq, odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan degaanka Jaleelo, kuwaasi oo naqdiyey xuuumadda Rayaale.

Ugu dambayntiina waxa halkaa ka hadashay marwada murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Waris) oo iyadu si weyn ugu mahad naqday dadweynaha degaanka Jaleelo ee u muujiyey taageerada isla markaana si qoto dheer ugu sharaxday barnaamijka xisbiga KULMIYE iyo wax qabad yada dhinaca iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Waxa kale oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE isu soo baxyo waaweyn ka sameeyeen gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Sool iyo Sanaag iyo dhammaanba deegaannada hoos yimaada, iyada oo masuuliyiinta sare ee KULMIYE ee goboladaasi oo uu ka mid yihiin murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka KUMLMIYE Md. Saylici iyo Guddoomiyaha ololaha gobolada galbeedka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ay hadalo u jeediyeen dadweynaha mawjadaha ah ee isugu soo baxay goboladaasi, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Burco.

Magaalada Xaaji Saalax oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa waxa iyana ka dhacay isu soo bax ballaadhan oo taageerayaasha KULMIYE sameeyeen, iyada oo halkaasna ay kala qaybgaleen 21 Caaqil iyo siyaasiyiin ay hoggaaminayeen oo ka soo jeeda beelaha galbeedka Burco.

Dhinaca kale’ Mr. Cabdinaasir Muxumed Buuni oo ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee xisbiga UDUB ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, isaga oo shalay ka sheegay fagaaraha khayriyada magaalada Boorama. Waxaanu xusay inuu ka mid ahaa xubnaha xisibiga u qaabilsan dhinaca abaabulka dhalinyarada.



Jamhuuriya Online

http://jamhuuriya.info/index.php?art_id ... article.tp
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Ololaha KULMIYE oo Gilgilay Dhamaanba Gobolada Somalilan

Post by SahanGalbeed »

Kulmiye waxba ma gilgilin e , ummada bay kilkilasho ku wada .
Ciyaarta naga daa yaa yidha waxa :lol:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Ololaha KULMIYE oo Gilgilay Dhamaanba Gobolada Somalilan

Post by KingWaslawi »

SahanGalbeed wrote:Kulmiye waxba ma gilgilin e , ummada bay kilkilasho ku wada .
Ciyaarta naga daa yaa yidha waxa :lol:
Niyaw si fiican u akhri waa war bixin xiiso lehe.
Website ka ugu dhexdhexaadsan weeye jamhuuriya iyo hadhwanaag.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”