Hargeysa (Oodweynenews)- Qaar ka kid ah Dhalinyarada jaamacadaha lixda Gobolka ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxda siinayaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.
Waxaana ay sidan ku sheegeen xaflado ay xalay ku qabteen magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo meelo kale, kuwaas si rasmi u shaaciyey inay si buuxda u taageerayaan xisbiga UCID, oo ay ku sheegeen inuu yahay xisbiga keliya ee waddanka ka dhalin-karaya isbedel wax-ku-ool ah oo dhinac kasta taabanaya.

Xaflad ka mid ah xafladahaas ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Jaamacadaha ee magaalada Hargeysa oo lagu qabtay Hotel Imperiel ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa kala soo qayb-galay masuuliyiin sar sare oo ka mid ah xisbiga UCID, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Saleebaan Daahir Dogox, Gudoomiye ku xigeenka Ololaha ee xisbiga Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xoghayaha waraafinta ee xisbiga Kaysr Cabdilaahi Maxamed, Xoghayaha heer Qaran ee Garabka Haweenka xisbiga Nimco Cartan Ducaale, kuwaas oo dhamaantood halkaas ka jeediyey khudbado taabanayay waxyaabaha kala duwan ee xisbiga UCID u taagan yahay iyo isbedelka balaadhan ee uu waddanka ka hirgelinayo haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtoyada ee 26 June waddanka ka dhacaysa.

Waxaana masuuliyiinta hallaas lagu waydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha barnaamijka siyaasadeed xisbiga iyo waxa ay u diyaariyeen dhaliyada ka soo qalin-jebisa Jaamacadaa dalka gudo iyo dibad-ba.

Tallaabadan ay ku dhaaqaaqeen dhalinyarada Jaamacadaha dalka, ayaa qayb laxaad leh ka ah horumarka baxaalada leh ee xisbiga UCID ka sameeyey ololihii doorashada madaxtooyada.
Oodweynenews.com/Hargeysa Office