Waddanka Haddaan Laga Qaban Abdirahman Tuur
Waxaynu ka joognaa doorashii ugu dambeeysay ee madaxtooyada muddo dheer, taas oo aan maanta jeclaysatay inaan idin soo xusuusiyo odhaah uu musharrax ka mid ah musharaxyadii uu ku yidhi Guddigii Doorashada ee waqtigaa maalintii doorashada cidda heshay ay ku dhawaaqeen. Arrintan oo ay ka markhaati furayaaan guddigii joogeay.
Waxaa wartigu ahaa mid aad u adag oo saddexda xisbi iyo guddiga doorashaduba ay aad u daalanayeen, samirkuna uu aha mid sii liidanayey saacadba saacadda ka dambeeysay. Waxaba hadalka idinku daalin mayo akhristayaal ee waxaa la soo gaadhay waqtigii ay Guddigu la kulmayeen madaxdii xisbiyada.
Waxay ahay waqti yar ka hor intaan doorashada natiijadeeda dadweynaha aan lagu shaacin. Waxaa madasha fadhiya dhammaan guddiga doorashada, waxaana soo geliya markiisi oo lagaadhay Madaxii Xisbiga Kulmiye, Mudane Ahmed Siilaanyo. Markuu soo fadhiistay ayaa loo sheegay in intaas oo cod kadib markii waqti dheer la kala hufayey, oo la kala guray codadkii in ay guushii heshay Xisbigii Udub.
Waxaa Mujaahid Siilaanyo isla markiiba uu eegay marwo ku jirtay guddiga doorashada isagoo ay cadho aan la soo koobi Karin ay wajigiisu ka muuqato. Waxaa isla markaa uu raaciyey oo yidhi “waddankan haddan laga qaban Abdirahman Tuur waa arki doontaan meeshuu ku dambeeyo”. Waa lawada naxay, oo waxaa laga naxay sida cad ee qaawan ee uu u abaarray qofkii keliya ee dumar ee madasha fadhiday. Cidna se uma jawaabin oo waxaa ay u arkeen nin aanay maantu guushii raacin oo ciil hadlaya.
Waxaa se la yaab ku noqotay guddigii doorashada colaadda weyn ee siyaasigan weyn Mudane Siilanyo uu sida badheedhka ah afkiisa uga siidaayey iyo beegsiga gaarka ah ee uu ula beegsaday xubintii gaarka ahayd ee fadhiday.
Haddaba, maanta waa doorasho kale oo ay u eg tahay in mudane Siilaanyo uu gaadhayo Himiladiisi uu ku taamayey.
Waxaase ka maqan goobta Alla ha u naxariistee Mujaahid Abdirahman Tuur, oo sida uu qirtay Siilanyo u arkaayey nin iska hortaagayey inuu Kursiga markiisa ku fadhiisto, wallow aanu innagu markhaati gaa galayn. Bal aynu eegno maantana halkay la marto Mudane Siilaanyo.
Silanyo "Waddanka Haddaan Laga Qaban Abdirahman Tuur"
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Silanyo "Waddanka Haddaan Laga Qaban Abdirahman Tuur"
Baqdin Baqdin Baqdin iyo Calaacal calaacal calaacl... Ila aakhiiro Samaan Sidaas ayaad uga calaacali doonta Habar Jeclo 

Re: Silanyo "Waddanka Haddaan Laga Qaban Abdirahman Tuur"
weger faan iyo fataadhug 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Silanyo "Waddanka Haddaan Laga Qaban Abdirahman Tuur"
Have a pity on these UDUB fools, like they say ,honesty is the best policy, but insanity is a better defenceLiQaaye_TDH wrote:Baqdin Baqdin Baqdin iyo Calaacal calaacal calaacl... Ila aakhiiro Samaan Sidaas ayaad uga calaacali doonta Habar Jeclo

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 41 Replies
- 3324 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 5 Replies
- 697 Views
-
Last post by Dhiig_Waraabe
-
- 18 Replies
- 1728 Views
-
Last post by Osob101
-
- 14 Replies
- 1491 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 4 Replies
- 870 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 6 Replies
- 1564 Views
-
Last post by original dervish
-
- 16 Replies
- 1962 Views
-
Last post by Skyflyguy
-
- 3 Replies
- 1312 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 4 Replies
- 1290 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 14 Replies
- 3018 Views
-
Last post by noer