“Waxaan iscasilaadayda sabab uga dhigayaa markaan arkay in aanay madaxweynaha meeqaanba la lahayn beesha aan ka soo jeedo”
Wasiirul-dawlaha hawlaha guud
“Waxaan goostay oo runtii damiirkayguna isiin waayey inaan ku sii jiro xukuumaddan, maadaama shanta sanno ee soo socda dalkani u baahan yahay isbeddel iyo horumar”
Saiirka Somaliland ee dalka Ireland
Hargeysa (Jam)-Wasiirul-dawlihii hawlaha guud ee xukuumadda Rayaale iyo safiirkii Somaliland ee dalka Ireland, ayaa saqdii dhexe ee xalay ka soo firdhaday xisbiga talada haya ee UDUB, iyada oo mudanaal ka tirsan Golaha Wakiilada oo UDUB ahaana ku dhawaaqeen in iyaga iyo taageerayaashooduba codka siin doonaan KULMIYE.
Wasiirul-dawlaha hawlaha guud Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo safiirka Somaliland ee dalka Ireland Md. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa shir-jaraa’id oo goor dambe oo xalay ah ku qabteen hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa, waxay kaga dhawaaqeen inay si rasmi ah isaga casileen xilalkii ay xukuumadda Rayaale ka hayeen, iyada oo wasiirku caddeeyey inuu ku biiray KULMIYE, halka safiirkuna xusay inuu muddo sannad ah ka nasan doono hawlaha siyaasadda.
Wasiirul-dawlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Shucayb Maxamed Muuse oo ka mid ahaa xubnihii wasiirada ee u dambeeyey ee madaxweyne Rayaale magacaabay, ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyey in xukuumadda Rayaale ee uu ka tirsanaa ku fashilan tahay inay dalka wax horumar ah ka samayso, isla markaana uu madaxweyne Rayaale damac ka galay sidii uu muddo shan sanno oo kale ah dalka u sii xukumi lahaa, isaga oo xusay in dadweynaha reer Somaliland u baahan yihiin isbeddel wadanka ka dhaca.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa oo saxaafadda ka horsheegayaa inaan iska casilay xilkii wasiirka hawlaha guud ee aan ka hayey xukuumada madaxweyne Rayaale, kolay waxaa la isweydiin doonaa waa maxay sababta uu isku casilay, waxaan iscasilaadayda sabab uga dhigayaa markaan arkay in aanay madaxweynaha meeqaanba la lahayn beesha aan ka soo jeedo (Degaanka Gabiley), isla markaana aan ogaaday xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee meesha ka jira ee aad is odhanayso malaha diyaarba uma inuu tartamo, ayaa waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba ku celinayaa inaan xilkii iska casilay, waxaanan u soo jeedinayaa taageerayaashayda meel kasta oo ay joogaan in aanay ku hamsaamin meeshaa aan (xukuumada UDUB) joogay ee aan uga soo horeeyey ee aan ka naf waayey, waxaanan taageerayaashayda ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan xisbiga isbeddeldoonka ah ee KULMIYE. Waxanan saxaafada horteeda ka caddaynayaa inaan ku biiray KULMIYE,” ayuu yidhi wasiirul-dawlaha ka baxsaday xukuumada UDUB.
Safiirka Somaliland ee dalka Ireland oo ku yaal qaarada Yurub Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo isna shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa caddeeyey inuu damiirkiisu u ogolaan waayey
Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Iscasilaadaydu waxay ka fursan wayday danta qaranka oo dhawr jeer oo hore oo aan isku casilayna waxa iga qabtay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ah nin aanu saaaxiib nahay oo igu qaali ah, iyada oo aanay jirin cid iskaga kaaya dhaw madaxweyne Rayaale, waxaan goostay oo runtii damiirkayguna isiin waayey inaan ku sii jiro xukuumaddan, maadaama shanta sanno ee soo socda dalkani u baahan yahay isbeddel iyo horumar, aniga oo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo sodon sanno ah aanu isnaqaanay uu dalka ka saari karo isbeddelka uu u baahan yahay.
Rag badan oo saaxiibaday ah oo xukuumada ku jirana waanu is ognahay oo anigu imika odhan maayo waa hebel iyo hebel, laakiin kolay waxaan filayaa inay iyaguna maalin uun damiirkoodu siin doono inay ummadda masiirkooda ka taliyaan, anigu nin kursi doon ah ma ihi siyaasadana waxaan go’aan ku gaadhay inaan muddo sanad ah ka yara nasto oo mudadaa aan xaaladaha darso, wadankuna isbeddel buu u baahan yahay, xilkiina waan iska casilay.”
Dhinaca kale, waxa hudheelka Summer Time ee masuuliyiintaasi kaga dhawaaqeen iscasilaadooda ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan madaxtooyada iyo xisbiga talada haya ee UDUB, kuwaasi oo geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay sidii ay wasiirka iyo safiirka ugu qancin lahaayeen inay joojiyaan iscasilaadooda, wixii ay u baahan yihiina loo fulin doono, balse dedaalkaasi waxa uu ku dhamaaday guul-darro iyo weji-gabax fool xun, kadib markii masuuliyiinta iscasishay ku gacan saydheen dalabka uga yimi madaxtooyada iyo UDUB.
Dhinaca kale, labada xildhibaan ee kala ah Cabdikariin Aw Cali Shabeel iyo Cali Aareeye oo labaduba ka tirsan mudanayaasha xisbiga talada haya ee UDUB kaga jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in ka huleeleen xisbigoodii, isla markaana taageerayaan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Shir-jaraa’id oo labadan mudane shalay ku qabteen xarunta baarlamanka, waxay eedaymo culus u jeediyeen xisbiga UDUB, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale oo ay sheegeen inuu baabiiyey, sidaa daraadeedna waxay taageerayaashooda ugu baaqeen inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo ay murrashixiisa jagada Madaxweynaha Axmed Siilaanyo ku tilmaameen siyaasi ruug-caddaa ah oo dalka ka saari kara xaaladda uu ku jiro.
Md. Cali Aareeye waxa uu sheegay in dadka ka soo jeeda degaanka laga soo doortay ay ka baxeen xisbiga UDUB, waxaannu yidhi; “Aniga reerkayagii siyaasada xisbiga UDUB way ka soo horjeesteen, waxaanay igu yidhaahdeen annaga ha noo iman adigoo UDUB cod u raadinaya, waxaan ummada reer Somaliland u sheegaynaa in xisbigii UDUB uu nagu dul baaba’ay oo aanay maanta joogin cid ka qaybgasha tartanka doorashada. Siyaasigana shacabka ayaa xukuma, markaa anigu dadkaygii ayaan raacay.”
Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay shacabka gobolka uu ka soo jeedo inay taageeraan KULMIYE, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay reer Xariirad, reer Cabulqaadir, reer Ceel-gaal, reer Jidhi, reer Lowyo-caddo, reer Geerisa, reer Garba-darar, reer Lughaya, waa in aad taageero buuxda siisaan xisbiga KULMIYE ee isbeddelka quruxda badan dalka ka wada. Reer Somaliland-na waxaan leeyahay Siilaanyo waa siyaasi geesi ah, waa siyaasi halgankii laba jeer hoggaanka hayey, waa nin inala dabaalan kara, waa nin raadin kara ictiraaf, waa nin dalka dhaqaalihiisa beddeli kara, soomaalidu nin aanay aqoon ayey wax ka sheegsheegtaa. Axmed Siilaanyo waxaan isleeyahay nabsiga ayaa maanta wax siinaya, haddii maalintii doorashadii hore nin kale oo siyaasi ah la odhan lahaa 80 cod ayaa lagaaga helay dagaal buu ridi lahaa, waa nin dalka u tudhaya oo rajo ka qaba.”
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa isagoo ka waramayey ujeedada ay uga goosteen xisbigoodii, waxa uu yidhi; “Kadib markii aannu aragnay kala daadsanaanta xisbiga UDUB, wadashaqayn la’aanta, jahawareerka iyo welwel saameeyey taageerayaasha, kadib markii aannu u itaal-waynay in aannu wax ka qabano baylahaas iyo dhibaatooyinka baahay, annagoo ka turjumayna guuxa iyo dareenka shacabka Somaliland, xilna uu naga saaran yahay xaqna ay ugu tahay, waxaanu go’aansanay in aanu farta ku fiiqno oo u ifino shacabka cidii aanu doorbidayno inay dalkan iyo dadka ka furdaamin karaan baylahda baahday ee ku habsatay ummadda.”
Md. Cabdikariin waxa uu xusay in inkasta oo waxqabad jiro, haddana in dib-u-dhac wayn oo u baahan in wax laga qabto dalka ka jiro, sidaa daraadeedna waxa uu shacabka iyo taageerayaashiiba kula taliyey inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.
“Masuuliyiinta xisbiga ee ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku ugu horreeyaan waanu soo wada shaqaynay duruuftu si ay ahaydba, wax badan oo la qabtay oo aan la dafiri karina way jiraan, laakiin waxaan aniga iyo in badan oo kale markhaati ka tahay in dalkan dhibaatooyinkii laga hinjin lahaa, waxqabadkii loo baahnaa iyo himiladii shacabku inay noqdeen wax la dayacay. Sidaa daraadeed shacabka Somaliland, gaar ahaan degaanada la iga soo doortay iyo intii ila fikir ahba aan u soo jeedinayaa in ay taageeraan xisbiga KULMIYE codkoodana siiyaan,” ayuu yidhi Md. Shabeel.
Jamhuuriya Online


