Sanduuq ayaa ka Garsoore ah
Saaka waxaa lagu jarmaaday goobaha cod bixinta.
Inta hurdada ku daahday waxay ku soo tooseen safaf dhaadheer oo ay gadaal ka gaadh ku noqdeen.
Waxaa la doonayaa in nimanka siyaasadda Somaliland ugu tunka weyn la kala saaro.
Madaxweynaha, Daahir rayaale Kaahin, ayaa waxaa isku taagay Hoggaamiyayaasha mucaaradka, Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Feysal Cali-Waraabe.
Ha yeeshee, waxaa sutida u haya dadweynaha reer Somaliland iyo Guddiga doorashada oo kaashanaya ciidanka ammaanka.
Waxaa la diyaariyay sanaadiiq fara badan oo loogu tala galay in ay ku fillaadaan tirada gobol walba laga diiwaan geliyay
Dadka is diiwaan geliyay
Gobolka Maroodi-jeex, ee Hargeysa, waxaa iska diiwaan gelisay 361,498 qof.
Togdheer oo ah Burco, waxaa is qoray 243,221 ruux.
Awdal waxaa kaadhadha qaatay 176,912 ruux.
Sanaag waxaa diyaar ah 146,371 qof.
Sool ayaa laga sugayaa 98,314 codbixiye.
Saaxiil waxaa la dhigayaa sanaadiiq ku filan 43,097 is diiwaan gelisay.
Isu socod ma jiro
Waxaa amar lagu bixiyay in aanuu socon karin gaadiid aan la siin ruqsad khaas ah.
Waxaa looga jeedaa in sidaa ammaanka lagu sugo.
Isla markaana aanay u sahlanaan cid kasta oo laga yaabo in ay dooneyso in ay wax carqaladeyso.
Guddiga doorashada ayaa maamulka gacanta ku haya.
Ciidamada ammaanku nabadda iyo habsami u socodka ayay ilaalinayaan.
Waxaa goob kasta oo cod lagu bixinayo xubno ka wakiil ah murashixiinta Madaxa is daray.
Dusha ayaa waxaa ka eegaya korjoogto caalami ah.
Polls openned... queues very long
Moderator: Moderators
-
Goljano Lion
- SomaliNet Super

- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Polls openned... queues very long
it must be frightening for you
Faqash ass licker.
- yawle
- SomaliNetizen

- Posts: 887
- Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
- Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn
Re: Polls openned... queues very long
caruuri waa ciil laga weynaado. Adeero nacnac iska cun oo naga fadhiiso.
- yawle
- SomaliNetizen

- Posts: 887
- Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
- Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn
Re: Polls openned... queues very long
Codbixintii doorashada madaxweynaha oo maanta si rasmi ah uga bilaambtay dalka daawo
Written by Qarannews
Jun 26, 2010 at 01:01 AM
Hargaysa,(Qarannews)- Waxa saaka lixdii subaxnimo si rasmi ah guud ahaan dalka oo dhan uga bilaabmatay codbixintii doorashada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, dhamaan goobahii loo qoondeeyay caasimada ayaa ila hada inta aanu oganahay waxa si habsami ah uga socda codbixintii.
Mar aanu saaka dhex qaadnay magaalada ayaa waxa aanu ku leexanay goob ka mid ah goobahii codbixintu ay ka socotay goobtaasi oo ay ka codaynayeen dad aad u tiro badani, waxa ay dumarku ay tunaayeen saf aad u dheer raguna siidoo kale saf aad u dheer oo u gaar ah
Marka uu qofku u galo shaqaalaha codka qaadaaya waxa qofka la waydiinayaa kaadhkiisii, kadibna waxa magaciisa laga eegayaa Buug weyn oo meesha yaala, buugaasi hadii magacaaga laga helo waxa lagu siinayaa warqadii aad ugu codayn lahayd xisbiga aad doonaysay.
Kadib waxa gacantaada suulka iyo faryarada laguu marinyaa khad madoow oo aan kaa go'aynin mudo dheer.
Hubaal waxa ah in goobaha qaarkood uu ka xidhmi doono wakhtigu siiba goobaha aadka loogu badanyahay sababta oo ah, hawsha oo u socota si caajis ah oo ay ugu wacantahay magacyada laga eegaayo buuga, taasi oo ay ugu wacantahay hubinta la hubinaayo in meesha lala yimaado kaadhadh qaldan oo aan diwaan gashanayn.
Amniga ayaa goob kasta aad loo adkeeyay waxana maanta magaalooyinka i9staagay iyo guud ahaan dalkaba gadiidkii isaga dhex socon jiray waxana soconaaya uun baabuur cayiman oo ogolaansho u haysta kuwaasi oo ah kuwa lagama maarmaanka ah.
Qarannews kala soco warar kale oo ku sabsan doorashada saaka bilaabmatay

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 225 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 283 Replies
- 22376 Views
-
Last post by mukke
-
- 6 Replies
- 1086 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 12 Replies
- 1336 Views
-
Last post by *jr
-
- 8 Replies
- 1071 Views
-
Last post by union
-
- 3 Replies
- 631 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 53 Replies
- 4805 Views
-
Last post by Ron
-
- 81 Replies
- 37654 Views
-
Last post by suga_n_spice
-
- 11 Replies
- 1077 Views
-
Last post by SummerRain
-
- 3 Replies
- 1086 Views
-
Last post by Strategic