BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND
Hargeysa(SDWO 26/06/2010)- Saaka markay saacada Geeska Afriki ahayd 7dii subaxnimo ayaa hal mar dalka oo dhan waxa ka furmay goobaha codbixinta ee tartanka doorashada madaxweynaha Somaliland oo horey tiraba 3 jeer dib ugu dhacday.
Waxa aad looga werwer qabaa in wakhtiga codbixinta oo aad loo soo gaabiyey oo ah 6 fiidnimo inay u wada suurtoobiweydo inay dadku wada codeeyaan siiba magaalooyinka waaweeyn siiba Hargeysa. Waxay ahayd in magaalooyinka waaweeyn xiliga xidhitaanka goobaha codbixinta laga dhigo ilaa iyo 10ka Habeenimo si ay ugu suurtogasho inay cidwaliba codkeeda dhiibato.