Puntland Troops Confiscate Somaliland Ballot Boxes
Posted: Sat Jun 26, 2010 4:48 am
DEG DEG: Ciidamada Puntland oo La Wareegay Sanaadiiqda Doorashada Somaliland oo La Geeyey Degmada Hadaaftimo
Dhahar (RBC) War goor dhow naga soo gaaray degmada Hadaftimo oo ka tirsan Bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa gobolka oo taabacsan maamulka Puntland ay la wareegeen goob lagu hayey sanaadiiqda doorashada Somaliland oo la doonayey in berito lagu codeeyo.
Qaar ka mid ah odayaasha degaanka iyo wariyaal degaanka ku sugan ayaa goor dhoweyd RBC u xaqiijiyey in ciidamada Puntland oo waa gaadiidka dagaalka oo ka soo ambabaxay degmooyinka Dhahar iyo Baran ay galabta gaareen degmada Hadaftimo oo ay joogeen qaar ka mid ah hawlwadeenada doorashada Somaliland.
Ciidamada ayaa sida la sheegay la wareegay guri ay yaaleen sanaadiiqda doorashada iyadoo ay halkaasi isaga bexeen hawlwadeenadii doorashada oo degaanka iyaguna ka soo jeeda.
Lama sheegin wax iska hor imaad ah oo halkaasi ka dhacay, hase yeeshee saraakiisha ciidanka Puntland ayaa digniin u diray hawlwadeenada doorashada ee ka yimid dhinaca Ceerigaabo kuwaasoo doonayey inay berito cod bixin ka qaadaan degmada Hadaaftimo, sidaas waxaa RBC u sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobolka C/laahi Cumar Canshuur.
Wasiirka sportiga Somaliland Maxamud Siciid Nuur oo degaanka ka soo jeeda ayaa ku sugnaa Hadaaftimo saacadihii la soo dhaafay, waxaana aan la ogeyn halka uu aaday. Waxaase wararku sheegayaan inuu degmada isaga baxay markii ciidamada Puntland ay soo galeen caawa.
Degmada Hadaaftimo ayaa ahayd meesha kaliya ee la geeyey sanaadiiqda doorashada Somaliland guud ahaan degaanada Bariga gobolka Sanaag.
Waxay arintan ku soo beegmeysaa iyadoo shaley baaq ay soo saareen odayaasha degaanka Bariga Sanaag ay uga digeen in sanaadiiqda doorashada Somaliland la geeyo gobolka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland. Waxayna ku soo beegmeysaa iyadoo wax ka yar 6 saacadood oo kaliya ay ka harsan tahay waqtiga doorashada Somaliland loo dareeri doono oo ku beegan berito 6:00 aroornimo.
RBC Radio
--------