Dagaal qaboob ayaa dhex maray ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya, kaa oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar Jajab, gaar ahaan halka loo-yaqaano Ceel Gaab.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii uu shaki soo kala dhex galay ciidamadda Militariga dowladda iyo kuwa Booliska, taasoo ka dambeysay inuu halkaasi ka qarxo dagaal u dhaxeeya labadaasi garab.
Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah ciidamadda Booliska, halka mid kamid ah ciidamadda Militarigana uu kasoo gaaray dhaawac aanan la-sheegin noociisa waxa uu ahaa.
Sidoo kale waxaa la-sheegay qasaaro soo gaaray dadka rayidka ah, balse waxaa la-sheegay inuusan sidaasi u buurneyn qasaaraha rayidka, iyadoo uu gebi ahaanba istaagay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidkaba, inkastoo ay iminka kusoo laabteyn sidoodii hore.
Dhanka kale shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa ka deeriyay kala daadsanaanta ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ay horey dowladda ugu baaqeyn inay ciidamadda u sameyso nidaam wanaagsan.
Si kastaba ha’ahaatee maaha markii ugu horeysay oo uu ciidamadda dowladdu dhex maro dagaal, laba todobaad kahor ayay aheyd kadib markii ciidamadda dowladda uu dagaal culus ku dhex maray ex xeradii hore ee Afisyooni, iyadoo uu halkaasi ka dhashay qasaaro xoogan oo soo kala gaaray ciidamadda Booliska iyo Militarigaba.
P.s iam not anti-government, but how can any one supports this socalled government. they should all resign cuz they failed in everything
