Good news for Kulmiye fans!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Good news for Kulmiye fans!

Post by KingWaslawi »

Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Gobolka Gabiley Oo Sinabedgelyo Ah Ku Dhamaatey Iyo Laba Nin Oo Loo Tuhmay Argagixiso Oo Boolisku Hayaan





Gabiley(Gabileynews)-Codbixinta Doorashada Madaxtooyada ee ka socotey dalka ayaa jawi nabdoon oo degan uga dhacdey guud ahaanba todobaatanka goobood, ee uu ka kooban yahey Gobolka Gabiley waxana jirey kaliya cabashooyin la xidhiidha dhinaca socodsiinta gacanta howl wadeenada,goobaha ee komishanka Doorashooyinka oo aan aheyn kuwii hore ee ka shaqeynayey Diiwaangalintii iyo qaadashadii kaadhadhka Codbixinta.



Xoghayaha Komishanka ee Gabiley, Muxiyadiin oo u waramey Shabakada Wararka Gabileynews ayaa sheeagay in aaney wax dhibaato ahi jirin ilaa iyo hada marka laga reebo habsan kayimid dhinaca baadhista liisaska dadka codeynaya;Waxanu sheegay Xoghayuhu in ay markii saacadu dhacdey joojiyeen dadkii kusoo kordhayay kuyuuga laakiin ay ogolaadeen in ay codkooda dhiibtaan dadka kujira kuyuuga oo kaliya.



Dhinaca kale waxa ilaa hada ku xidhan Saldhiga Booliska Gabiley laba nin oo loo tuhmay in ay yihiin argagixiso, kuwaas oo laga qabtey gudaha Magaalada Gabiley Waxana Gabileynews u xaqiijiyay xadhiga labadaa nin Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), oo sheegay in ay boolisku wali gacanta kuhayaan baadhitaanka ragaasi oo aad looga shakiyay baadhistoodiina socoto, ragas oo sida la sheegay wali tuhunkoodu yahey mid aad u xoogan haseyeeshee, ay Ciidanka Booliska Gabiley ka gaabsadeen in ay ka bixiyaan habayraatee wax faafaahin ah oo ku wajahan xadhigooda iyo dareenka laga qabo waxaney Gabileynews u xaqiijiyeen dad goob jog ahaa markii la qabanayey labadan nin in lagaga shakiyay telefoon badan oo ay dirasnayeen iyo mid kamid ah oo lagu qabtey jalaabiidka dumarka.



Gudoomiyaha Gobolka oo kahadlayaana waxa uu yidhi.

“Way jiraan nimankaasi oo Ciidanka Booliska ayaa, gacanta kuhaya baadhistoodiina way socotaa”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed(Xabiib).



Dadweynaha reer Gabiley, ayaa intooda badani u,muuqdey jawiga codeynata Doorashadan Madaxtooyada in ay deyrtan u codeeyeen Xisbiga Kulmiye, waxana goobaha codbixinta gaaf wareegayay oo masuuliyiinta sare sare ee xisbigaas oo ay ka mid ahaayeen

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye,Xoghayaha Arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cùmar Mujaahid jidhif, Mujaahid Abiib Diiriye,Ibraahim Axmed Heybe ,Abiib Aw Axmed, Maxamed Xaaji Mahdi (Eeraan), Xildhibaano door ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, Xariif,Cabdilaahi balaaki Daahir Xaaji Muuse, Nuuryare, Shidaar,Abiib Xadi, iyo Xaaji Cali Nuur ayaa dhamaantood ka dhex muuqdey howsha Codbixinta Gobolka Gabiley,iyagoo goob goob usoo marey dhamaan todobaatanka goobood ee Gobolka Gabiley,halka ay Degmada Alleybadeyna ku sugnaayeen Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdi casaiis Samaale Muxumed Aw Cabdi iyo Xildhibaan Khadra Xaaji Geydh.



Halka Xisbiyada kalena ay ka ,muuqdeen Xisbiga Ucid oo Xoghayaha Guud oo kaliya,Iyo Gudoomiyaha Gobolada Galbeedka Muuse Inji iyo Aadan Cabdi Herari kusugnaayeen Gabiley Sidoo, kalena Xisbiga Udub ayaaney isaga ka joogin Gabiley Masuul sare oo lataaban karo marka laga reebo howldeenadooda Gobolka.



Sikastaba ha ahaatee, goor dhaweyd ayaa guud ahaanba sanaaduuqdii,Goobaha gudaha Magaalada Gabiley ay kusoo hormadeen Xarunta Komishanka ee Gabiley,taas oo goobaha kale ee tuulooyinka iyo Degmooyinkuna ay madaxoodii soo gaadheen Xarunta Komishanka iyadoo si adagna loo ilaalinayo amaankooda Waxana guud ahaanba dadweynaha Gobolka Gabiley, ee codeeyay caweysinkan caawa wajiyadooda ka muuqdey farxad iyo tiiha daalka kasoo gaadhey, kuyuuga, ay ugu jireen codbixinta .



Haseyeeshee, goobaha sida weyn carabka loogu hayey ayaa, waxa kamid ah Degmada Arabsiyo oo hore u ahaan jirtey xarumaha ugu waaweyn ee looga codeyn jirey Xisbi Xaakinka Udub iyo Xisbiga mucaaridka ah ee UCID , oo iyaguna deyrtan codadkoodu isu badeleen inta ugu badan Xisbiga Kulmiye kadib markii Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye ka howl galey sadexdii maalmood ee u danbeeyay Olole adag oo aan noociisa hore loo arag .



Dhinaca kale muuqaaladii Saaka ee dhacdooyinka codbixinta Gabiley, waxa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cusmaan oo la dagaalamey xubno ay hore u wada ahaan jireen Xisbiga UDUB taas oo Ciidanka Boolisku isku dayeen in ay taxaabaan haseyeeshee, Ismaaciil Yare wuu ka fakadey waxana eedeyn usoo jeediyay Xogahayah Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Aadan Maxamed Xaaji(Aadan-wali), oo sheegay in Ismaaciil yare ku talaabasdey fal aan manta loo baahneyn maadaama ay Xisbiyada tartamaya iyo taageerayaashooduba ku codeeyeen jawi bilaa turxaan ah.



Inkastoo aan la ogolayn in laga hordhaco tirooyinka sanaaduuqda soo xerooday , ee codadkooda la tiriyay iyo goobaha ay kala yihiin hadana inta hada la ogyahey , ee xanshashaqoodu soo baxey waxa kamid ah tusaale ahaan waxa hada aanu tirooyinkiisa hordhaca ah idiin soo gudbin kareynaa Sanduuqyada codbixinta ee soo xerooday goobaha ay kaimd yihiin.



Goobta Gabiley E2 oo ay guud ahaan ka codeeyeen 429 qof Xisbiga Udub waxa uu ka helay goobtaasi 99 halka Xisbiga KULMIYEna kahelay 295 Xisbiga Ucidna kahelay 35 cod., sidoo kalena goobta lo,ka aroor waxa guud ahaan ka codeeyay 778 qof, waxanu Xisbiga Udub kahelay goobtaasi 90 cod halka Xisbiga Kulmiyena kahelay,673 cod Xisbiga Ucidna kahelay 15 cod. Goobta Satiile ayaa iyaduna waxa guud ahaan ka codeeyay 472 qof Xisbiga Udub waxa uu ka helay 89 cod halka Xisbiga Kulmiyena kahelay 375 cod Xisbiga Ucidna 8 cod.
Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Gobolka Gabiley

Oo Sinabedgelyo Ah Ku Dhamaatey Iyo Laba Nin Oo Loo Tuhmay Argagixiso Oo Boolisku Hayaan


Goobta kale ee Gabiley I waxa guud ahaan ka codeeyay, 1004 qof Xisbiga Udub waxa uu kahelay 191 cod halka Xisbiga Kulmiyena kahelay 769 cod Xisbiga Ucidna kahelay 44 cod.



waxanad moodaa in ay inta ugu badan ee Gabiley u dhexeeyaan xadiga intaa tirooyinka goobahan oo kale.



Wararkayaga danbe kala socda tirooyinka goobo badan oo hada gacanta lagu hayo tirooyinkoodii


http://gabiley.net/pages/tDetails.php?s ... audioFile=


:clap: :clap: :clap: :clap:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by Khalid Ali »

well done reer gabiley viva kulmiye :sland: :up:
Last edited by Khalid Ali on Sat Jun 26, 2010 6:28 pm, edited 1 time in total.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by KingWaslawi »

khalid ali wrote:ucid is not doing bad in gabiley :shock:
Waar reread UCID baa ugu liidata ma waxaad ku khaladay UDUB
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by Somalistan »

This was expected. I'm more interested in what happens in Hargeisa and Borama!
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by Khalid Ali »

wait 2 more hours and more result will come in siidan warka ku hayo
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by SahanGalbeed »

:down: , fuckin shiidh weeye reer gabiley :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by Siciid85 »

Sahan, it was expected anyway we both knew gabiley district was mostly kulmiye, lets wait and see what arapsiiyo, wajaale has to offer, and wait for the full outcome of the somaliland elections on the weekdays -mon-tues.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Good news for Kulmiye fans!

Post by LiQaaye_TDH »

Great News from Gabiley, Thanks for this Numbers.... I was Told KULMIYE is Leading in Gabiley, Burco and Hargeisa Big time :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:


KULMIYE GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”