Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Halkay Mareyso Tirinta Codadka Ilaa Imika La Tiriyey.
(Hadhwanaagnews) Monday, June 28, 2010
Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed [Xamari] ayaa shaaca ka qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigi doonan natiijada rasmiga ah ee codeysay doorashada madaxtooyada ee guud ahaan dalka ka dhacday 26 June 210,isla markaana waxa uu xusay in ilaa imika tirada codadka la tiriyey ay meel-wanaagsan marayaan oo Gobolada dibada %90 la dhameeyey, inta hadhayna la de-dejin doono.
Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Somaliland Ciise Xamari, Waxa Goob-joog ah Goob-joogayaal Caalami ah oo Caalamka ka yimi Si ay doorashada madaxtooyada Somaliland u indha-indheeyaan.
Sidaa waxa uu guddoomiye Xamari ku sheegay Shirjaraa’id oo maanta ku qabtay Xafiiskiisa guddida doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa shirka jaraa´id goob-joogayaal caalami ah oo Somaliland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen hanaanka ay u dhacdo doorashada madaxtooyadu, waxaanu intaa ku daray inay jireen cabashooyin yar oo warbixintii ay soo saareen goob-joogayaashi caalamiga ahaa ay ka muujiyeen oo ah SOOL ama SANAAG-Bari,isla kana wax go’aan ah aan la gaadhin oo ay u taalo xafiisyada goboladaasi.
Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed [Xamari] oo waxa shirkiisa jaraa’id ku bilaabay oo uu yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 28 june, qoladii goob-joogayaasha caalamaiga ahaa waxay soo saareen warbixin, taas oo ah mid wanaagsan oo ka sheekeeyey wixii aynu qabsanay oo qirtay sida uu u dhacay doorashadii Madaxtooyada iyo qaabkii isku soo dhawaanshiyuhu u socday, meelo yar oo ay cabasho ka muujiyeen ayaa jiray oo run ah oo ah Sool ama Sanaag-Bari, weli meelaha wax go’aan ah kamay gaadhin xafiisyada guddida doorashooyinku .”
Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Xamari
Isaga oo hadalkiis si watana waxa uu yidhi“Sanaag Bari marka la eego oo aan weli wax go’an ahi ka soo bixin degmada ayaa go’aanka leh, anaguna ma doonayno inaanu fara-gelin ku sameyno degmada go’aankeeda”
Md. Xamari waxa shaaca ka qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigi doonaan natiijada codeysay doorashada madaxtooyada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Si wanaagsan ayey inoogu socota oo tirintii way inoo bilaabantay oo sanaaduuqda ugu badan waxay yaalaan Magaalada Hargeysa waa 390-sanduuq, soo uruurintii ayaa wakhti qaadatay iyadu xalay ayaa tirinteeda la bilaabay ilaa saaka ayaa lagu jiray, waxaanu doonayna inaanu sida ugu dhakhsaha badan u soo saarno natiijada,”
“Gobolada kale badidoodu degmooyinkii way tiriyeen [Codadkii], magaalooyinka waa-weyn ayey wax yari u hadh hadhsan yihiin, sida ugu dhakhsaha badana waanu u dedejinaynaa markaanu hubino ee aanu Si fiican isaga hubsano tirada natiijada codeynta soo baxday, wixii muranana aanu xalino.”ayuu yidhi Ciise Xamari.
Guddoomiyaha ka hadlayey Xadhiga Sarkaalka sare oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE ahaana goob-jooge doorashada madaxtooyada Axmed Xaashi, ayaa waxa uu sheegay inaanay wax shuqul ah ku lahayn cida ay dawladu xidho, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dawladu haday cid xidho annagu [Komiishanka] shuqul kuma lihin, oo booliska dalka ma nihin , anaguna cid walba u hadli-mayno, waxaanu ka hadlaynay tirinta codeynta doorashada madaxtooyada,”
Doorashadii Madaxtooyada ee dalka Somaliland ka dhacday 26 June 2010 ayaa magaalooyin Somaliland ka tirsan amaan-daro awadeed aanay codeyntaasi ka qabsoomin, isaga oo arrinta ka hadlayana Gudoomiyaha Komiishanku waxa uu yidhi “Anaga dib u soo celinay XUDUN sanaaduuqdu waxay ahaayeen 21-sanduuq Xudun macnaheedu maaha dadka way wada diidanaaayeen inay codeeyaan, Magaalada Xudun waxay ahayd meesha laga qeybiyo kow iyo labaatanka sanduuq, markii rasaasta lagu furey gaadhiga cid doonaysay inay carqaladeyso, nafta bini’aadamka ayaa ka qaalisan codka, annaga ayaa ka soo celinay gaadhiga gaadhigiina waxa uu jooga Laas-caanood.”
Maalinta rasmiga ah ee la shaacin doono tirada codeysay doorashada madaxtooyada iyo Xisbiga ku guuleystay hogaanka shanta Sanadood ee soo socda, ayaa waxa uu yidhi “Inta kale oo dhan waxa laga yaaba inay beri [Tirinta codadku] ay diyaar yihiin, Hargeysa weeyaan meesha culeysku saran yahay, culeyska Hargeysana waxaanu isku dayeyna inaanu dar-dargelino, oo aanay laba ilaa sadex Cisho nagaga danbeyn”
“Waxaan odhan kara waxa dhamaaday dibada 90% [boqolkiiba Sagaashan]”ayuu yidhi Ciise Xamari.
Guddoomiye Xamari waxa uu sheegay inay natiijada doorashada madaxtooyada ay iyada oo isku wada dhan markaliya kuwada dhawaaqi doonaan, balse aanay gobol-gobol u shaacin doonin.
Si kastaba ha ahaate, waxa maalmihi ugu danbeeyey dadweynaha Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen natiijada rasmiga ah ka soo baxday codeynta doorashada madaxtooyda oo dalka ka dhacday 26 June 2010 , taas oo ay ku loolamayeen murashixiinta sadexda Xisbi Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ahna murashaxa Xisbiga UDUB, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada rasmiga ah ee codeysay doorashada madaxtooyada iyo Xisbiga ku guuleystay Hogaanka Shanta Sanadood ee Soo socota ku noqdo sadexda Xisbi.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Sharax
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 431 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 4661 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 10 Replies
- 1038 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 2 Replies
- 931 Views
-
Last post by cheifaqilbari
-
- 1 Replies
- 421 Views
-
Last post by Mondey
-
- 24 Replies
- 1619 Views
-
Last post by suga_n_spice
-
- 1 Replies
- 324 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 11 Replies
- 3210 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 518 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 7 Replies
- 582 Views
-
Last post by cyanide