ILKOJIIR DHANBAAL MAJEERTEEN!

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

ILKOJIIR DHANBAAL MAJEERTEEN!

Post by oldenglish »

ILKOJIIR DHANBAAL MAJEERTEEN!
June 28, 2010
By Juuj

Image
Wakhti wakhtiyada kamid ah ayaa islaan dhowr caruur ah dhashay curadkii Alle ka aamusiyay,hase ahaatee waa hooyo oo way beer jilicsantee markay aragtoba curadkeedii oo amuur “qof aan hadlayn” ahba waxa ay oran jirtay Illaahow curadka ii yeedhi. iyada oo jeclayd mar’uun in ay aragto wiilkeeda curad oo hadla, hase yeeshee habeenkii danbe, iyadoo lacawaynayo oo ardaagii guriga la fadhiyo rag iyo dumarna lagu dhanyahay oo xoolihii la soo hooyey ayaa islaantii waxay tiri “Ilaahow Curadka ii yeedhi?”
Hase ahaatee sidii wax khayr looga filayay ayuu yiri Curadkii “Hooyo maku fuulaa”.


Waxaa la yaab noqotay in Mudane dhan oo mudo labo sano ah laga warsugayey oon geyigii booqan, habeenkii la filayay wax san in uu wado uu ka qarxiyey gumuc rasaaseed,oo uu colaad iyo argagax ka dhex abuuray bulsho nabadeedkii kuwada naaloonaayey nabada deganaanshaha iyo wada noolaashaha,
Waxaa dhacay beri kamida beryaha in labo reer ay deris ahaayeen,oo mudo ay wada deganaayeen wadana guuri jireen dhaankana isla dhaansan jireen, oday kamida labadii oday ayaa reerkiisii safar dheer ka aaday,mudo markii uu ka maqnaa ayaa odaygii kale ee hadhay wuxuu iskala saaxiibay qoftii laga maqnaa, habeenkii danbe ayaa roob gudgude ahi da’ay, oo guryihii ligligay, odaygii oo islaantiisii la jooga ayaa yiri “Alla heblaayo caawa roobku Ciidan la’aan buu ku helay” hase ahaatee marwadiisii oo xaajada la socotay ayaa ugu jawaabtay “Haddaad reer kaasi daroor uga baqayso, Tiisa daryeelaa tu kale ku dara”. labo Cali isma waydiin.
Xaajadii xeelada iyo siyaasada ahayd ee beer laxawsiga Puntland oo labadii sano ee ku danaysiga iyo adeegista hawlaha Maamulka Bari,oon isaguba ka soo dhaafin Isnuugta iyo danowadaagta Bari,ee ku danaysta Magaca Puntland Tan iyo markii la aasaasay. waxa uu dhaliyay, in gumuc colaadeed laga huriyo gobolka Sanaag. oo nabad iyo kala danbayn lagu yaqaano.
Hase ahaatee Xaajadu waxay tahay in aan dhab layskaga dhigin runtana laga gaban oo laga hortago biidhi qaataha raba in uu wax yeeleeyo sumcada,nabada iyo jiritaanka Maakhir,meel kasta oo uu kayimaado,Puntland hadii ay cid waxtarayso, ama looga fadhiyo waxaa sitoos ah lo hirgelin lahaa heshiiskii lagu gundhigay, iyo qaybsigii quursigu ka danbeeyey.
waxaa la ambabixiyey oo sahay iyo saad loo diyaariyay rag aaday Duulaan ay kubexeen markii ragii fooda saareen halkii ay udaal tegeen ayaa haweenkii sahayda iyo saabaanta diyaarshay waxa ay bilaabeen sheeko iyo in mid walbi ay faaniso halyaygay dihay ama kii ay udhaxday, hase ahaatee hooyo ayaa faanisay Doqon caale ay dhashay oo ay islahayd maanta rag bu wax la qaybsanayaa, waxaa dhacday in uu muska guriga inta uu ka soo baxay yiri “Hay faan faanin muskanku fadhiyaaye”.


wajigabax iyo layaab Mudane ilko jiir, meesha lagaa filayay waxa ay ahayd hogaan sare iyo hanashada maamulka Soomaali wayn, hase ahaatee waxaa ku hafisay badwayntii beenta iyo mardabada bahda Maamulka Puntland ku beer laxawsan jireen aadnaha,
Waxaa ceeb ah in aad dhanbaal aadan ka fiirsan laguu sii dhiibay inta lagu riday warqad afka ka xidhay oo ka timi Horbeede Faroolaha Puntland.oo cad wadaag ahaydeen mudooyinkan danbe.
waxaa layaab ah maxaa ku dhigay goobta ceebeed, iyo guri aad labo sano kamaqnayd iyo geyi deganaa, in maantii aad timi ay ka hulacdo aadna hormuud unoqoto gumuc colaadeed, waa ceeb iyo fadeexad aan loo meel dayin,


Hase ahaatee ma aadan garan ujeeda iyo aamuska bulshada mandaqadu waxa ay ka yaabanyihiin waa dhanbaalka aad sida degdega ah usoo gaadhsiisey deegaanka ee aan farxad gelin oo aad kawaday maamulka Bari, ee bahda beenta beerlaxawsiga lamagac baxday Puntland.
Dhulkaan waa dhul ka madaxbanaan Jabhada Galbeed ee SNM iyo Jabhada SSDF ee ku lebisan magacyo beeloodka.


Maaakhir State waa dhul iyo bulsho nabadeed oo madax banaan, waxaana tacab khasaar noqotay ololihii lagaso galay Qurbaha dabayaaqadii 2008 dii oo lagugu gelbinayay.

Salmaan A. Ismaaciil
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”