Maakhir Heerka Bulshada Mashaariicda Horumarka

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Maakhir Heerka Bulshada Mashaariicda Horumarka

Post by oldenglish »

Maakhir Heerka Bulshada Mashaariicda Horumarka
June 28, 2010
By Axmed Muuse Dheere
Isku duubnida wada jirka jaceylka iyo waxwada qabsigu waxay bilaabaan jiritaanka aayaha umad kasta, kalsooni buuxda oo laysu qaado waxa ay ka faa’iido badan tahay tuhun ama xan aan sal iyo raad toona lahayn oo abuuri karta kala dilista bulshada iyo kal dheerayn, markasta oo layskusoo dhowaadona waxaa kordha wanaaga, waxaana siyaada naxariista Eebe, horumarkuna wuxuu gaadhaa Heer Sare, Maakhir State Of Somalia oo mashaariic badan oo horumarineed laga hirgeliyaana waxa ay ku dayasho iyo guul u tahay umada Soomaaliyeed inteeda kale.
Waxaa jira mashaariic badan oo wax ku ool ah,heer fiicana lagaadhsiiyey qaybtoodna laga midho dhaliyay, hase ahaatee aadnuhu isku hab wax uma arko isku qaabna wax uma wada fahmaan, mashaariicda aadka u balaadhan ee ka socda deegaanka waxaa ugu horeeya dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha nadiifta ah,oo dhamaantood bulshadu ay si fiican uga wada faa’iidaysteen. hase ahaatee waxaa laabaan mashaariic aad u waawayn oo rajo fiican laga qabo oo ay ka mid yihiin:

Maalgashiga deegaanka, habka maalgashiga deegaanka oo ah mid aad qaali u ah faa’iido badana u leh bulshada iyo deegaanka,ayaa waxaa kamid ah dhanka maalgashiga beeraha oo mandaqada Maakhir ay aad ugu haboontay,dhamaan adeegyada ay ubaaahtahay ay yihiin waa u diyaar sida Biyaha, dhulbaaxad balaadhan leh amaanka iyo jawiga deegaanka oo aad usareeya.

Dhaqashada xoolaha iyo noocyada kala duwan ee duunyada ayaa deegaanku uu aad ugu haboonyahay, diraac iyo gu’ dayr iyo jiilaal cimilada deegaanku waa ay degantahay, cudurada faafa iyo masiibooyina kama ay dhacaan, waa dhul ku haboon nolosha iyo aayaha ruuxkasta oo raba raaligelinta Eebe ee if iyo Aakhiro.waa dhuldaaqsimeed sanadka oo idil ah doog iyo cagaar ay ku doogsadaan indhaha aadnigu tusaale ahaan Buuralayda Calmadow,silsilada Golis, iyo Buurta Daalo, waa dhul dhededa aanay kala go’in diirimaadna aan laga waayin. Goorwalba iyo goobkasta.


Mashruucii Dekeda Laasqoray: Run ahaantii waa mashruuc aad u balaadhan, wakhti aad udheerna lagu guda jiray bulshada guud ahaana ay ka wada qaybqaateen,hiil iyo hoona loogu deeqay Sagrashona ka madax banaan oo nafka iyo maalkaba loo wada huray, laguna hanwaynyahay in uu si dhakhso ah u hirgalo, hadii uu hirgalo ay faa’iido badan ugasoo hoyan doonto bulshad Maakhir iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa mashruuc badhtanka lagaga jiro, iyadoo agabkii iyo qalabkii dekeda lagu hirgelin lahaa uu badankiisu diyaar yahay, qaybo agabkaasi kamid ahina yaalaan gudaha Dalka iyo debediisaba,
Hase ahaatee caqabado badan ay soo wajaheen, oo ay ugu horeeyaan caqabado kaga imanaya dhanka deriska iyo isir wadaaga, raafdilaacsigii iyo baaxadii burcad badeeda, balse wakhtigaan xaadirka ah ciladaha ugu waa wayn ay ka mid yihiin kharashkii qalabkaasi lagaga qaadi lahaa deegaamada uu ku kala teedsanyahay oo lagu gudajiro.
Iyadoo qaybo kharashkaasi ka mid ah la soo hooyey, dedaal dheerna loogu jiro in uu midho dhal noqdo mashruucani. Inagoo aan marna ka quusanayn raxmada alle, “Ninkii Samraa sedkii Hella” “Gacmo wada jir bay wax ku Gooyaan”


Mashruuca Maakhir University: oo ah mashruuc ka talinaya aayaha iyo mustaqbalka jiilasha bulshada maakhir waa mashruuc aad loogu hanwaynyahay hirgelintiisa,iyadoo la dhagax dhigay dhismihii jaamacada, balanqaadyo fiicana laga haysto ilo baddan oo ka qaybqaadanaya dhisitaanka jaamacada, iyadoo bulshada Maakhir ay aad ugu guntadeen sidii loo higelin lahaa jaamacad wax kabedesha heerka tacliinta ee deegaanka, jaamacada ayaa xidhiidh la yeelan doonta jaamacado caalami ah “international universities” oo ku kala yaala dunida dacaladeeda gaar ahaan wadamada horumaray.



Waxaan gacanta ku haya aqoonyahano iyo mutacalimiin ka fekeraya aayaha iyo mustaqbalka bulshada Maakhir iyo tan Soomaaliyeed.
Ruuxkasta oo jecel horumarka wanaaga wada jirta iyo ka talinta aayaha umada waxaa waajib ka saaran yahay in uu uga qaybqaato qaabkasta oo ku haboon sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka iyo aayaha umada loona abuuri lahaa Soomali cusub,
Dulqaadka iyo sabirku waa lagama maarmaan “Nin durbaan qaatay laaqdalbay” wax walba oo aad u kacdo waa inaadan ka quusan ilaa aad ka midho dhaliso, marka uhoraysa iska day, marka xiga is tiil mar sadexaadka waxad ku guulaysanaysaa haddafkaagii waxaad na gaadhaysaa riyadii aad lahayd. Waa erayo gundhig iyo bilow u ah horumarka?
Waxyar oo aad ku bixisaa hor Eebe aakhiro iyada ayaa miciin kuu noqonaysa, aduunkuna waa dhalanteed waxaad dhigato aakhiro ayaad leedahay, ruux umad dhan wax utarayna waxa uu ka dhiganyahay isaga oo nooleeyey, dhiiba oo faraqa furta hor alaad ka helaysaane.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”