Wasiirka Duuliista Hawada Somaliland Cali Waran Cadde Oo Sheegay In Jaamac Yaasiin Iyo Cismaan Hindi Uu Hadalkii Ka Soo Baxay U Gaar yahay
Hargeysa (Golisnews.com)-- Wasiirka duulista hawada Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa caawa fiidkii khadka telefoonka isagoo ugu waramaya shabakadda Golisnews wuxuu shaaca ka qaaday in hadalkii ka soo baxay maanta Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Agaasimaha ololaha doorashada Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) uu ahaa mid iyaga u gaar ah oo aanay cidna kala tashan isla markaana Madaxweynaha ahaana musharaxii madaxtinimada iyo ku xigeenkiisa isla markaana ahaa musharaxii ku xigeenkiisu aanay mawqifkaasi la qabin
Mudane Waran Cadde oo aanu ugu horayn weydiinay mawqifka xukuumadda ee ku aadan natiijadda doorashada iyo qoraalkii masuuliyiinta UDUB ay maanta soo saareen ee ay ugu digeen koomiishanku inaanay natiijo soo saarin wuxuu ku yidhi "anaga xukuumad ahaan hawshayadu waxay ahayd inay doorashadaasi dhacdo, waanay dhacday oo si xaq ah oo xallaal ah ayey ku dhacday, hawsha koomiishanka wakhtiga ay soo saarayaan natiijaddu waa mid iyagu xaq ay u leeyahiin oo dastuurka dalku xaq u siiyey cid ku fara gelin kartaana aanay jirin, xukuumadda mawqifkeeduna wuxuu yahay cid alla iyo cidii guushu raacdo la hambalyeeyo" ayuu yidhi Mr Waran Cadde.
Wasiirka oo aanu weydiinay bal mawqif ahaan wuxuu ka qabo hadal ka soo baxay maanta laba masuul oo xisbiga UDUB ka tirsana oo kala ahaa xoghayhii xisbigaasi Jaamac yaasiin iyo Agaasimahii Ololaha Cismaan Hindi wuxuu yidhi "sidaad aad u maqasheen ayaan u maqlay waxaan qaba hadalka ay yidhaahdeen waa mid iyaga u gaar ah, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisana gallabta iyo caawa fiidkii labadaba waanu wada joognay mana aha mid ajandaha noogu jira inaanu ka hor dhacno natiijadii iyadoo aan soo bixin, waa mid iyaga ku gaar ah oo lagala xisaabtamayo, natiijadii maba ay soo bixine sidee ayey ku ogaadeen in wax la isdaba mariyey, waa arrin iyaga u gaar ah mid ay xisbiga iyo xukuumadda afkeeda ku hadlayeena maaha" ayuu yidhi Mudane Waran cadde.
Hadalka wasiirka wuxuu ku beegmaya iyadoo maalinta sabtida ah lagu dhawaaqi doono natiijadda doorashada madaxtooydaa Somaliland
Xafiiska Wararka Golisnews
Hargeysa, Somaliland
Ina waran cade says Jugsodhacay and Hindi do not rep udub
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super

- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Ina waran cade says Jugsodhacay and Hindi do not rep udu
Ninkan siyaasadiisa si fiican u ma aqaan e laakin sidii nin LEADER ah bu u hadlay .
- HooBariiska
- SomaliNet Super

- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Ina waran cade says Jugsodhacay and Hindi do not rep udu
waran cade is rageedi, laakin last year ayuu isku yara daataySahanGalbeed wrote:Ninkan siyaasadiisa si fiican u ma aqaan e laakin sidii nin LEADER ah bu u hadlay .
saleebaan gaal ayuu yara dhirbaaxay, and he had to pay mag/compensation, dhawr halood ayaa layga qaaday
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 798 Views
-
Last post by Xildiiid
-
- 43 Replies
- 2534 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 15 Replies
- 1471 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 10 Replies
- 880 Views
-
Last post by BankiiTuuyo
-
- 1 Replies
- 448 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 14 Replies
- 1895 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 3 Replies
- 623 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 460 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 3 Replies
- 444 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 431 Views
-
Last post by Somalistan