--------------------------------------------------------------------------------

Bulsha weynta Reer Sanaag waxaan ugu bishaareyneynaa in uu bilowday Dhismihii Machadka Iqra ee magaalada Badhan, xarunta 2aad ee Gobolka Sanaag iyadoo qeyb ka mid ah Machadka Iqra dhidibada loo taagey iyadoo la qorsheynayo in qeybaha kale ee Machadka la bilaabi doono insha allah.
Badhan ayaa waxaa ka socda kacaan waxbarasho iyadoo ay ka dhisan yihiin 3 dugsi sare iyadoo ay ardey badani ka qalin jebiyaan isla markaana aan haysan goob ay kasii wataan waxbarashadii sare ee daruuriga u aheyd iney dhameystirtaan aqoontooda.

Machadka Iqra ujeedooyinkiisa.
Ujeedooyinka ugu waaweyn in Machadkani waxa weeye in mustaqbalka fog uu isu bedelo jaamacad oo leh dhamaan adeegyada jaamacadi ay bixin karto iyadoo hada loola jeedo iney si ku meel gaar ah usii noqodo Machad.
Ujeedooyinka kale ee Machadka Iqra ayaa dhowr ah iyadoo ay ugu horeyso qodobadan hoos ku qoran.
1.In Ardeyda Iskuulada ka baxa ee Sanaag ay helaan goob waxbarasho sare oo lagu baran doonoDiploma iyo Shaahado heer jaamacadeed ah.
2.In ardeyda ka qalin jebisa Iskoolada Sare ee Sanaag ay helaan goob ay ku kobciyaan waxbarashadooda Sare si guud.
3.In Ardeydu ay helaan goob ay ku bartaan waxbarashada Sare ee Farsamada Gacanta, Maareynta, Ganacsiga, Xisaabaadka, luuqadaha iyo Culuumta Islaamiga ah iyadoo aan lakala sooceyn willal iyo Gabdho oo ay goobtani u furantahey.
4.In dhalinta ama Ubadka la baro Waxbarashada Farsamada Gacanta, Culuumta Islaamiga ah, Madooyinka Maareynta, Luuqadaha Englishka iyo Carabiga, waxbarashad Caafimaadka.
5.In Laga hortago Burcadeynta Dhalinta Sanaag iyo geli taanka ay gelayaan maleeshiyaadka ha ahaadeen kuwa Qabaailka ama kuwa Diiniga ah oo beryahan guud ahaan inta Somalidu degto kusoo batey.
5) In la kobciyo fahanka Dhalinta ka qalin jebisa Iskoolada si ay kor ugu qaadaan awoodooda feker isla markaana Mustaqbalkooda toosan ka fekeraan.
6.In Ardeyda Reer Sanaag loo fududeeyo sidii ay ku baran lahaayeen wax barashada sare iyagoo isticmaalaya qaab casiriyeysan sida Computers-ka iyo Laboratory-ga ama shaybaaro casri ah.

Qeybaha Iqra Institute for higher Education
Machadka Iqra waxa uu ka kooban yahay sadex qeybood oo lagu bilaabayo isla markaana baaritaanadii la sameeyey iyo falaqeynta kadib la ogaadey iney mudan tahay in machadka lagu bilaabo Sadexdan qeybood ee hoos ku xusan.

Qeybta Farsamada Gacanta iyo Taba barada- Vocational Skills and trainings Department
Qeybtan baahideeda waxaa la ogaadey in ardeyda deegaanka Sanaag uu baahi u qabo iyadoo ay uu Gobolku hodon ku yahay magaalooyinka aad u kobcaya oo dhismayaal xawli ahi ay ka socdaan isla markaana ay yartahay dadka aqoonta u leh farsamada Gacanta ama Vocational skills sida Dab yaqaanada[Electricians] Matoorada aqoonta,[Mechanics] Alxanka iyo najaarada oo gobolka uu aad uga saboolan yahay.
Cilmi baaristii aanu sameyney ka hor inta aan go’aankan ama qaraarkan aanan qaadan waxay noo xaqiijisey in baahida Aqoontan ay keentey in hadii loo baahdo matoor magaalo ay ku nool yihiin dad tiradoodu kor u dhaaftey 30 kun sida Dhahar in dab yaqaan looga doono Magaalad Bosaaso isla markaana ay qaadato mudo 5 casho ah in cilada la ogaado oo markaa ama Engineerkii sameeyo ama uu dib ugu noqdo Bosaaso oo baahidiisa kazoo qaato.
Taasina waxay qeexday in baahi weyni ay jirto aqoonta oo ah ama ka mid ah aas aaska horumarka bulshada.
Qeybtani waxay handasaayasha Mashruucan isku raaceen kadib dood dheer iyo falan qeyn iyadoo laga baaraan degey kharashka lagu wadayo[Runing Cost and Maintain cost] isla markaana ay noqotey in la dejiyo istaraatijiyad ku aadan taas ayna ugu horeysa in Madooyinka lagu kobo inta la awoodi karayo sida Najaarada, Alxanka, Dabka iyo Matoorada isla markaana Qeybta Enjineernimada dib loo dhigo oo marka uu Machadku Hano qaado laga baaraan dego, Hadii Allah weyni idmo.

Qeybta Computer Science-ka
Caalamka aynu hada ku nool nahey waxaa qeyb libaax ah ama door libaax ah ka cayaara aqoonta computerka oo noqdey mid looga baahan yahay inuu yaqaano qofkii doonaya inuu ku shaqeysto cilmigaan.
Sidaa awgeed Iqra Institute waxay u diyaarineysaa ardeyda wax ku baran doonta iney wax barasho ku saabsan Cilmiga Computerka hadii ay noqoto mid uu qofku ku shaqa tegi karo iyo hadey noqoto mid uu iskiis aqoon kororsi u baran doono.
Waxaa Machadka wax ka bari doono aqoon yahano ku xeel dheer waxbarasha Computerka isla markaana ka haqab tiri doona ardey kasta oo dhiganaya qeybtaan inuu ka qalin jebiyo isagoo ku kalsoon inuu suuqa shaqada tegi karo oo ku shaqeysan karo aqoontiisa.
Sida lala wada socdo Cilmiga Computer dhowr nooc ayuu u kala baxaa waxaana Iqra ay diyaarin doontaa dhamaan qeybaha cilmiga Computerka inta awoodeeda ah.

Qeybta Culuumta Islaamiga iyo Luuqadaha
Barashada Shareecada islaamka waa aflaxa jiil kasta oo soo kobcaya si ay isaga ilaashaan wax yaabaha diintooda wax u dhimaya isla markaana nusqaan ka dhigayo.
Sida la wada ogsoon yahay umad waliba waxay leedahay diin iyo hido isla markaana ay ku abtirsadaan umadkasti oo caalamkani joogto kuna faanaan barashadeeda iyo ilaalinteeda.
Diinta Suuban ee Islaamka ah nolol maalmeedka qofkasta oo muslim ah isla markaana laga rabo inuu ku baraarugsanaado hanaanka wanaagsan ee diinteena.
Qofka Muslimka ahi ee soo kobcaya markuu ogaado in diintu ay ka reebtay tasarufaadka bii’ada loogula kacayo sida dabar goynta dhirta waa uu iska ilaalilanayaa isagoo aan ka baqeyn in ciidamo ama xabsi sugayo isla markaana dareensan in ciqaabi allah ay wax walba ka weyntahey.
Baaritaanadii ay sameeyeen handasayaasha qorshahan ayaa waxaa ku cadaatey inuusan gobolku laheyn goob Shareecada Islaamka iyo axkaamteeda lagu barto iyadoo aad moodid in barashada Axkaamta Shareecada lagu koobey Masaajidada qaarkooda.