Page 1 of 1

Sh. Shariff spears the counter attack and is winning

Posted: Fri Jul 02, 2010 10:11 am
by InaKhalif
Jimco, July 02, 2010 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka socda uu yahay mid ay isaga difaacayaan weerarro ay Xarrakatul Shabaab kusoo qaadeen goobo ay Dowalddu ku sugnayd, wuxuuna xusay in dagaalkan uusan ahayn kii ay ku baaqday Dowladdu inay qaadayso.

Afhayeenka Wasaaradda Wafaafinta Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qaylow oo saxaafadda qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in dagaalka socda uu yahay mid iyaga lagu soo qaaday iyaguna ay yihiin kuwo isdifaacaya oo keliya.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in dagaalka socda uusan ahayn mid ay dowladda Soomaaliya qaaday, balse uu yahay mid lagu soo qaaday, ayna Dowladu iska difaacayso weerarrada kaga imaanaya dhinaca Xarrakatul Shabaab" ayuu yiri C/risaaq Qaylow.

Hadalka Afhayeenka Wasaradad Wafaafinta ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku biiray hoggaaminta dagaallada ka socda Waqooyiga Muqdisho habeen hore, kuwaasoo ay isaga soo horjeedaan Dowladda oo garab ka helaysa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Ciidamada Dowladda ayaa gaaray Hotel Global oo ay awal ku sugnaayeen Ciidamada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaana dagaalka socda uu u badan yahay mid Madaafiic ah, kuwaasoo lagu gaaracay deegaannada aysan dowladdu ku sugnayn.

Dagaallada todobaadkan ku dhexmaraya Magaalada Muqdisho Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu xooganaa ee dhexmara, waxaana dadka ku dhintay ay kor u dhaafayaan 60-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 120-qof oo dhamaantood shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Image
Image
Image
Image
Image

Re: Sh. Shariff spears the counter attack and is winning

Posted: Fri Jul 02, 2010 10:16 am
by Kukri
Sheikh Sharif could do with a clown suit.

Re: Sh. Shariff spears the counter attack and is winning

Posted: Fri Jul 02, 2010 10:22 am
by Paddington Bear
Image

Who dare say that this man doesn't have the common touch? :mrgreen:
If you didn't know who he is, you wouldn't have known he's supposed to be the president of all those around him.