Xubin Sare Oo Ka Mida Xisbiga Kulmiye Oo Farxad Darteed

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Xubin Sare Oo Ka Mida Xisbiga Kulmiye Oo Farxad Darteed

Post by Mr_Alfaas »

(Hadhwanaagnews) Friday, July 02, 2010

Goobtu Waa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, Waa galab fiid-cawla oo cadceedu sii sagootinayso Khamiistii, Dayaxuna soo galbinayaao Jimcihii. Waa ammin loo wada dhagtaayo in saacad kagadaal lagu dhawaaqo Madaxweynaha iyo Mdaxweyne-kxigeenka ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26kii June ee Sannadkan 2010-ka.



Ballantu waxay ahayd sidii guddida Komishanku maalinimadii shalay ku dhawaaqeen in 7da Saac ee Habeenimo lagu dhawaaqo, balse dib ayey u yara dhacday oo waxay noqotay 8-dii Saac iyo Miridho. Inkastoo ku dhawaaqistii Guddoomiyaha ee lawada dhawraayey uu ka hor dhacay Xaaji Cabdikarim Xuseen (X-C/waraabe) oo isagoo ka mid ahaa dadkii kudhawaaqista ka hor madasha ka hadlay ee sheegay in Madaxweynaha hadda meesha loo fadhiyaa uu yahay Md Siilaanyo



Markii uu Xaaji C/waraabe uu shaaca ka qaaday ayaa si wayn loo sacabiyey, inkastoo dadkii hawsha waday ay ka yar jidh-diideen, hadana qaarkood ku tiraabeen “Waar Odaygu Wuu Gaboobee Makarafoonka Halaga Qabto”, hadana waxba lagama hakin, Hadalkiisiina waxa uu ku soo gabogabeeyey dardaaran Odaytinimo. Waayo horey ayaa loo yidhi “ Nin Weyni Waxuu Cunaanana Waa Jal, Wuxuu Yidhaahdaana Waa Dardaaran”.



Intaa kadib Masuuliyiin farobadan ayaa Goobtaasi ka hadlay, waxaana ugu dambayntii makarafoonka lagu wareejiyey Guddoomiyaha Guddidii Doorashada Mr Xamari, oo halkaasi daboolka kaga qaaday waxii loo wada tuuyo-fadhiyey dadkuna u wada dhagtaagayeen oo ahaa ku dhawaaqistii Natiijadii Doorashada, Ciddii ku guulaystay iyo Codadkii lakala hantiyey.



Isla markii uu guddoomiyuhu si rasmiya ugu dhawaaqay ciddii guusha madaxtooyadu ay raacday, ayaa dhammaan dadkii ku sugnaa Madashu ay isla oogsadeen Sacab, Sawaxan-faraxadeed, Ray-rayn iyo Waliba Mashraxarad aan waayadan la maqal noociida oo kale oo ay kaga dhawaajiyeen Dumarkii goobta ku sugnaa.



Waxaasoo dhan waxaa kasii darnaa Farxadda iyo Damaashaadkii ay sameeyeen Bulshadii ku sugnayd Dalka gudihiisa, oo halku-dhegyadii ay isla markiiba ku dhawaaqayeen ay ka mid ahaayeen "ALLA SIIYEE SIIGADA KA DAA", waxaana anigu shakhsiyan aan goob joog ka ahaa Dabaal-deggii ka dhacay Magaalada Hargeysa, Kaasi oo bilaabmay isla markii lagu dhawaaqay socdayna Ilaa 2-dii Habeenimo.



Dabaal-deggii xalay magaalada Hargeysa ka dhacay oo noociisa oo kale aan horey loo arag iyo jawigii madashaba ayaa waxaan filayaa inay si Mug-leh idiinka haqab-tiri doonaan Wariyeyaashayada Magaalada ku sugan iyo waliba Wariyeyaashayada ee iyaguna ku sugan Gobolada kale ee Dalka, balse anigu waxaan jeclaystay inaan soo qaato dhacdooyinkii cajiibka ahaa ee xalay magaalada ka dhacay mid ama Laba.



Aan ku horreeyo’e Saaka ayaa waxaan la kulmay mid kamida Ragga Ehludiinka ah ee aanu sxbka aadka ah nahay oo la yidha Maxamed Daa’uud Cawaale (Awliyo), markii aanu is bariidinay ayaanu markiiba isla boobnay falanqaynta jawigii xalay, kadib Awliyo waxa uu markiiba ii gudo galay isagoo aad u qoslaya, sheeko xiiso badan oo aad iisoo jiidatay.



Awliyo waxa uu ii sheegay in xalay markii munaasibadda kudhawaaqista Natiijada Doorashadu dhammaatay ee lasoo gabogabeeyey uu u jihaystay dhankaa iyo gurigiisii oo ku yaala xaafadaha Gantaalaha oo dhaca Waqooyiga Maansoor, kadib waxoogaaya markuu hudheelkii ka socday ayaa waxuu kusoo baxay Baabuur yar oo taagan, kadib inyar markuu u jiro ayuu ninkii baabuurka watay dhaawaaqay oo uu la hadlay Awliyo, isagoo ka codsaday inuu u yimaado, wuu u tagay, waxa uu ku yidhi isagoo dhanna ka fiirinaya ninka Baabuurka wata, Adeer maxaad iga rabtay? Intii aanu jawaabta siin ayuu Awliyo gartay ninkii baabuurka watay, mise waxaabu noqday mid ka mida xubnaha sar-sare uguna cad-cad xisbiga Kulmiye, isla markii uu Awliyo gartayna waxa uu ku tuuray oo uu ku yidhi “Haa ma madaxweynihiibaa”, Inkastoo aanu madaxweynihii ahayn, hadana waxa uu ka mid yahay Ragga ugu dhadhaw Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ugu jawaabay “ Aar madaxweynana garan maayee, bal kaalay wadadii I tus waan garan waayee” Isagoo ninkaasi sii wata hadalkiisii ayaa waxa uu raaciyey “ Nin ayaan soo kaxeeyoo, kadib meeshaba waan kala garan laayahee”.



Kadib Awliyo waxa uu la raacay Baabuurkii waxyarna markuu hagayey ayaa waxay isla markiiba kusoo dhaceen wadadii gurigiisa ku dhawayd oo aan kaba dheerayn, markaasuu Awliyo yidhi “ Wataa wadadiiye sow imika garan maysid” Haa, ayuu Odaygii ku jawaabay, halkiibaanu Awliyo kaga hadhay.



Awliyo waxa uu ii sheegay in goobtii uu Odayga ka kaxeeyey, gurigiisa iyo waliba Hudheelka Maansoor aanay kala dheeraynba, oo waxaan ku qiyaasnay in Goobtii ay Odayga ku kulmeen iyo Gurigiisa (Waa Guriga Oadygee) loo kala soconayo ugu badnaan 10 Miridh oo kaliya. waxaanu intaa ii raaciyey in Odaygu uu markaasi kasoo baxay Madaashii Natiijada Doorashada lagaga dhawaaqayey oo ahayd Maansoor.



Qisadan oo si gaara aad iiga qoslisay, ayaa waxaan ka cudur daaranayaa in aan ka gaabsaday magac-dhawga Odayga oo ah Nin caana oo si fiican loo wada garanayo, hadii aad idiin dul marana lasoo shaqeeyey xilal Wasiironimana kasoo qabtay Dawladii Cigaal iyo Rayaaleba. Waxa la odhan karaa Odaygu layaab muu lahayn inuu kala garan waayo meel uu marayo, waayo Farxaddii xalay Dalka ka dhacday waa la fajacay.



Qiso kale ayaa saaka iga qoslisay, taasoo ahayd, Xalay markii gabal dhaca oo badi dadweyanah Reer Hargeysa xilligaa maqleen ay soo kaxaysteen Baabuurtoodii, iyagoo xoog u yaacaya ayey markiiba soo gaadheen Goobtii Munaasibada oo ahayd Maansor Hotel, Waxaana isla markiiba ay baabuurtii buux dhaafiyeen Hudheelka gudahiisii, dibadiisii, iyo hareerihiisii oo dhan iyo waliba Goobahii ku ag dhawaa oo dhan. Hadaba markii ay Munaasibadii dhammaatay ayaa markaliya qof waliba u jihaystay baabuurkiisii halkuu yaalay, waxaana dhacday sida la iisoo sheegay inay dadka qaar garan waayeenba meel ay dhigeen, oo ay sugayeen ilaa baabuurtii kala dhammaanaysay, waxaana ugu sii darnaa kii xalay baabuurkiisii ka quustay ee garan waayey meel alla meel uu dhigay kadibna iskaga tagay, isagoo saaka markay cad-ceedii mudh soo tidhi kusoo kallaahy ee halkii xalay uu ka la’aa ka kaxaystay. Cajiib Cajiib!!!!!!!!!!!

Ninkaasi saaka baabuurkiisii kaxaystayna waxa iiga sheekeeyey Rag goob joog u ahaa, ee saakana ogaa markuu kaxaysanayey. Markaa dadkaasi waxa la odhan karaa waxaa madax-martay Farxaddii iyo Damaashaadkii ka dhacay Magaalada oo aan la qiyaasi karayn habka iyo hanaanka qurxoon ee ay wax u dhaceen.



Waxaan dhammaanteen innoo rajaynayaa Guul. Maxaxweynaha cusubna waxaan leeyaahy Hambalyo, Ilaahay hakugu guuleeyo hawlahaa culus ee kusoo food saaray. Aaamiin Aaamiin Aaamiin.



Wabillaahi Tawfiiq



C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abuhurayra)

salaanmuctasim@hotmail.com

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa, Somaliland.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Xubin Sare Oo Ka Mida Xisbiga Kulmiye Oo Farxad Darteed

Post by Mr_Alfaas »

odaygaas farxad darti guriga u garan waayey ma Gudoomiye muuse biixi ba :lol: :lol: :lol: :lol:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Xubin Sare Oo Ka Mida Xisbiga Kulmiye Oo Farxad Darteed

Post by Dhaga Bacayl »

Malaha Muse Biixi dawlada rayaale wasiir kama noqon.

I was thinking Mohamed Hashi although I don’t think he was wasiir in Egal government. Markaa mooji...

Kolay ninkaa kala garan waayay xaafidihi sheeduhu waa soo ogalayti... :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”