Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Sabtida 03/07/10
M/weynaha xilka wareejinaya oo ka hadlay mustaqbalkiisa dambe iyo Natiijada Doorashada
“Xisbiga ku guulaystay waxaan leeyahay, masuuliyadii iyaga ayey saaran tahay, waana inay…”Daahir Rayaale Kaahin
Hargeysa 03, July 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay go’aankii Komishanka ee natiijada doorashada Madaxtooyada.
Madaxweyne Rayaale oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay inuu aqbalay natiijada hordhaca ah ee Guddiga Doorashooyinku soosaaray, wuxuuna hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici), kuwaasoo u sharaxnaa xisbiga Kulmiye. “Waxaan halkan ka sheegayaa in natiijadaa Komishanku soo saaray aan ogolahay, iyadoo natiijada kama dambaysta ah ay Maxkamaddu (Sare) shaacin doonto. Waxaan hambalyo u dirayaa xisbiga guusha helay ee Axmed-Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. “Waxaan u arkaa dimoqraadiyaddii Somaliland oo hano-qaaday, markaa waxa aniga sharaf ii ah dimoqraadiyaddii uu ka tegay Madaxweynihii hore oo anigu aan hirgeliyey inay maanta marayso Madaxweyne la doortay inuu madaxweyne la doortay bedelo, waa guul Somaliland, aniga, Madaxweyne-ku-xigeenkayga iyo xukuumadaydiina sharaf u ah,” ayuu raaciyay.
Daahir Rayaale oo la waydiiyay waqtiga uu la kulmi doono Madaxweynaha la doortay, waxa uu sheegay inay si dhakhso ah u kulmi doonaan. “Waanu is arki doonaa, waanu dardaarmi doonaa, wixii talo ahna waxba kala hadhimayno iyo wixii aannu qabanay iyo halkay marayaan, si rasmi ah ayaanu ugu wareejin doonaa,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in sida sharcigu dhigayo xil-wareejintu bil gudaheed ku dhici doono, taasoo uu xusay inay yeelan doonto meeqaam sare.
Mar la waydiiyay mustaqbalka isaga iyo kuxigeenkiisa, waxa uu sheegay inuu xisbigiisu u sii halgami doono doorashooyinka dambe. “Horta dee xisbigayagii wuu jiri doonaa haddii Alle yidhaa oo doorashadu Madaxtooyada uun maaha ee Baarlaman iyo Deegaan baa la dooranayaa. Somaliland danaheeda rag ka shaqeeya ayaanu noqonaynaa mar kastaba iyo in aan waqti siiyo carruurtaydii oo aanu muddo badan kala maqnayn oo mararka qaarkood u tago, mararna halkan (Somaliland) joogo,” ayuu ku jawaabay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland.
Madaxweynaha xafiiska wareejinaya, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu dardaaran u jeediyay xisbiga doorashada ku guulaystay iyo bulshada Somaliland, mar uu arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Shacabka waxaan leeyahay, isku mid baad tihiin, doorashadii way dhammaatay, colaadi may jirin ee ciyaar saaxiibtinimo ayey ahayd, tartankii inuu saaxiibtinimadaa ku dhammaaday ha la aqbalo, wax xajiin ah oo doorashadaas ka hadhaana yaanay jirin. Xisbiga ku guulaystay waxaan leeyahay, masuuliyadii iyaga ayey saaran tahay, waana inay sameeyaan dulqaadkii UDUB wadi jirtay oo kale ayaa looga baahan yahay inay dalka ku wadaan.”
Somaliland: Doorashada Hoggaanka cusub, Doodda shacabka iyo Duruusta wakhtiyadii tegay
Hargeysa, 03 July, 2010 (Ogaal)- Somaliland kuma cusba in Doorasho la galo, lana soo doorto hoggaanka u sarreeya ee Hay’adaha kala duwan ee Qaranku ka kooban yahay. Hase ahaatee, waxa ku cusub isbedel dadku codkooda ku doorteen Madaxweyne iyo ku-xigeen, isla markaana Madaxweynaha laga guulaystay uu hanneeyo guusha laga helay. Taas oo ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen dadweynaha ku dhaqan Somaliland.
Natiijada Doorashada Madaxtooyada ee uu ku guulaystay Xisbiga KULMIYE, ayaa sababay in ilaa habeen hore dabbaal-degyo kala duwan ay isugu soo baxaan taageerayaasha Xisbigaas, isla markaana ay dareenkooda guusha ku soo bandhigaan isu-soo-baxyo.
Shacabka ku dhaqan guud ahaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland, gaar ahaan xarumaha Gobollada dalka, ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay natiijada Doorashada Madaxtooyada, Guusha Xisbiga KULMIYE iyo aqbalaadda Murashaxiinta laga guulaystay. Wargeyska Ogaal ayaa dadweynaha qaarkood wax ka waydiiyay aragtiyahooda la xidhiidha arrimahaas, isla markaana waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa
Hargeysa:
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa cabbiraado aragtiyeed oo kala duwan ka bixiyay. “Waxaan aad ugu faraxsanahay doorashada Somaliland ka dhacday, waxaanan leeyahay xisbiga Kulmiye ummadu waxay idinka sugaysa wixii aad ballan-qaadeen oo aad dhamaystirtaan hadii wixii aad balanqaadeen ay aadan fulin, waxaad maraysan halkii UDUB martay oo shacbiga ayaa isbedelka haya.” Ayaa ka mid ahaa weedho uu aragtidiisa kaga dhiibtay Natiijada Doorashada Iid Cabdi Siciid oo ka mid ah dadweynaha degan Hargeysa. “Waxaan layska indho-tiri karin Madaxweynihii hore ee Somaliland oo dalka soo gaadhsiyey meel fiican, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa xuduudihii oo uu dalka gaadhsiyay, Kulmiye-na waxaan leeyahay waxaa loo baahan yahay in aad dalka horumar gaadhsiisan oo aad dhistaan, dhalinyaradana shaqo u abuurtan.” Waa aragti kale oo uu qabo Maxamed Xasan Nageeye (Banay) oo isna ka mid ah dadweynaha degan Hargeysa.
Guud ahaan Dadweynaha Somaliland, ayaa marka laga yimaado isbedel ay rabeen, dulucda codayntoodu ahayd in ay nabadgelyo ku dhacdo, waxaanay qaarkood wali u muuqdaan in ay mar kale isbedel raadin doonaan haddii Xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay ee Somaliland wax-qabad la iman. “ Walaal aad iyo aad ayaan u faraxsanahay waayo dadka reer Somaliland waxay sugayeen doorasho xor iyo xalaal, maantan hadii aynu ku guulaysanay oo uu ku guulaystay xisbigi mucaaridku waa ilaahay mahaddii, hadii uu wixii uu bulshada u balanqaaday wax ka fulin waxaan noqonaya ka ugu horeeya ee ku mucaarid ah.” Sidaa waxa qaba Naasir Aw-Daahir Khaliif.
Burco:
Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa iyana aragtiyo isu-dhaw ka qaba Doorashada iyo hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha xilka sii bannaynaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo uu cudur-daar iyo raalligelin kaga bixiyay Warsaxaafadeed Xisbiga UDUB soo saaray ka hor natiijada oo ay ku sheegeen in lagu shubtay codadka. “Aad iyo Aad ayaan ayaan u soo dhawaynayaa Khudbadkii Madaxweyne Rayaale ku beeniyay hadalkii ay baahiyeen Xoghayaha Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Cismaan-Hindi ee ay ku sheegeen in Xisbiyada mucaaridku kaga shubteen codbixintii. Waxaanan madaxweynaha ku hambalyaynayaa maqwifka cad ee uu iska taagay arintaa ay labada masuul ku hadleen, waxaanay waji gabax ku noqon lahayd xisbigii Sideeda sanadood karaamada iyo sharafta ku maamulayay Somaliland waayo? Lama arag xukuumad iyadu wax ku shubata mooyaane xukuumad mucaarid ku eedaysa in ay kaga shubteen.” Sidaa waxa aaminsan Maxamad Cabdlaahi Nuur oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Burco ee rayi’gooda aanu wax ka waydiinay.
Shacabka Somaliland ayaa u muuqdja inay ka midaysan yihiin, isla markaana fahmeen in nuxur badan aanu ku jirin in la bedelo Shakhsi, balse ay tahay in la bedelo nidaam. Waxaanay qaarkood cod dheer kaga digayaan in Dawladda cusub ee dalka loo soo dhisi doonaa ay jidkaa ku hano-qaaddo. “Marka hore anigoo soo dhawaynaya guusha uu shacabka Somaliland Madaxweynenimada ugu doortay Axmed-Siilaanyo, haddana Madaxda Xisbiga Kulmiye waa rag xilal badan soo qabtay. Balse la dooray, hases yeeshee haddii uu Axmed-Siilaanyo Rag badan ooh ore uga soo shaqeeyay Xukuumadihii hore ku soo daro dawlada cusub, waxaan aaminsanahay in Kulmiye yeelan doono dhaliilo ka badan kuwii ay hore ugu dhaliili jireen UDUB.” Suldaan Cismaan Ismaaciil oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Burco ayaa isna aragtidaas qaba.
Borama:
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Borama ee Gobolka Awdal qaarkood, ayaa iyana dhinacooda sheegay in dalka looga baahnaa isbedel, waxaanay ammaaneen habka ay Murashaxiintu u aqbaleen, isla markaana u soo dhaweeyeen natiijadii ka soo baxday Doorashada. Waxaanay in badan falanqeeyeen hadal uu Madaxweyne Rayaale raaligelin ka bixiyay oo la xidhiidha Warsaxaafadeed UDUB ka soo baxay natiijada ka hor. “Waxan u arkaa in uu Madaxweyne Rayaale uu danta Xisbigiisa ka doorbiday danta wayn ee Qaranimada dalkeena, waana mid waajib ku ah Qof kasta oo danaynaaya horumarka dalkeena iyo wanaagiisaba. Doorashada dhacdayna waxaan u arkaa mid u dhacday si caddaalad ah oo sharciga waafaqsan.” Waxa sidaa aragtidiisa ku cabbiray Ismaaciil Cabdilaahi Xuseenoo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Borama. “Waxaan aad ugu farxay sida wanaagsan ee Siyaasaddu ku dheehan tahay ee M/weyne Rayaale ka yeelay Shirkii u ekaa mala-awaalka ee labada nin ee xisbiiisa ka tirsan ku sheegeen in lagu shubtay doorashadii Somaliland ka dhacday, kuwaasoo aan aniga u aqaan Xukun Jeclayaal. Waxaana sidoo kale ku farxay sida wanaagsan ee Daahir ugu degay Kursiga, isla markaana taageeray guusha xoogan ee Kulmiye ka gaadhay doorashadii ka dhacday Somaliland, waxaana Kulmiye ka sugeynaa isbadal muuqda iyo horumar xooggan.” Sidaa waxa iyana tidhi Nimco Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Borama.
Ceerigaabo:
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in waxyaabaha ay ka filayaan Xukuumadda cusub ee la soo dhisi doonaa ay ka mid tahay dhismaha Jidadka isku xidha Gobolkaas iyo guud ahaan Dalka iyo sidoo kale bedelidda Lacagta Giimbaarta oo guud ahaan gobollada bariga dalka laga adeegsado.
Gebo-gebo:
Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan shacabka Somaliland ayaa sanadkii tegay ee 2009 la dersay rabshado, dhibaatooyin iyo qalalaase siyaasadeed oo keenay dhimasho, dhaawac iyo burburka hanti kale. kuwaas oo qaarkood aan cidiba hadal-haynin, isla markaana u muuqda inay qayb ka ahaayeen dhacdooyinka maalinlaha ah ee nolosha. Waxase wakhtigan looga baahan yahay Dawladda cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in ay la timaado hab iyo xeelado ay wax badan kaga qabanayaan baahiyaha taagan. Sidoo kale, waxyaabaha farriimaha dadweynuhu ka duulayaan ayaa ah in aan Xisbiga KULMIYE xukuumadda ka dhalan doonta aanay noqon dhaliiluhu kuwo u muuqday markii ay Xukunka dibedda ka joogeen, ee ay waxqabad la yimaadaan.
“M/weynaha cusub waxaan leeyay ku hambalyayn mayno, waayo meesha cuqubo iyo culays baa yaala’e..”
Abwaan Gaarriye
Hargeysa, 03 July, 2010 (Ogaal)- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa ka hadlay Doorashada dalka ka qabsoontay iyo natiijada ka soo baxday.
Abwaan Gaarriye oo ka hadlayay Arrimaha Doorashada, ayaa cabbiray dareenkiisa la xidhiidha habka ay Doorashadu u dhacday. “ Horta maalin aan ka farxad badanahay garan maayo, waxaan ku faraxsanahay dadka dhulkan ku nool baa waxay muujiyeen inay yihiin dad waxa ay hiigsanayaan geya. Waxay ii muujiyeen in muddadii ay soo jireen ay soo bislaadeen, haddii cidi guulaysatay dadka dhulkan ku nool baa guusha leh.” Ayuu yidhi Abwaan Gaarriye oo shalay ka hadlay Barnaamijka falanqaynta ee Idaacadda BBC-da, laanta Afka Soomaaliga, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Madaxweynaha hadda jooga ee waqtigiisu dhamaaday waxaan leeyahay, hawl badan baad soo qabatay, doorashooyin badan baad qabatay tan baa ugu dambaysay, shalay (dorraad) sidii aad u hadashayna si wanaagsan bay ahayd.”
Abwaan Gaarriye wuxuu baaq u jeediyay Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed-Siilaanyo. “Madaxweynaha la doortay ee xilka tirsanayana waxaan leeyahay ku hambalyeyn maayo, waayo waxaan kugu Hambalyeeyaa meesha ma yaalaan, cuqubaa taala, culays baa yaal, dad dhibaato badani haysataa yaala. Waan kuu ducaynayaaye illaahay ha kula bgarab qabtaan leeyahay, Somaliland-na waxay dhigtay taariikh cusub, waxay qabsadeen Soomaalida kale ayey wax u tahay.”
Gaarriye waxa kale oo uu talo u jeediyay Soomaalida kale, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Soomaalida kale waxaan leeyahay, waar hambalyeeya walaaladiin oo wax wanaagsan qabsaday, Somaliland-na waxaan leeyahay waxaad ogaataan waxa qabateen inuu yahay wax Soomaalida kale ee walaalihiina waxtaraya.”
Mar la waydiiyay Gaarriye waxyaabaha uu u aanaynayo in ay Somaliland guusha Doorashada u horseedday, ayaa wuxuu yidhi oo uu ku jawaabay, “Anigu sidaan u arko, dadka halkan joogaa SNM-bay ka soo bilaabmaan, nimankaa SNM ee dhulkan soo galay waxay soo galeen iyagoo intaas oo guddoomiye la kala wareegay, mid walba marka waqtigiisu ka dhamaado, markii 1981-kii SNM Itoobiya (joogtay), garan maayo guddoomiye maalin loogu daray. Mar kasta kii joogay haddii laga helo, ka kale ayaa la wareegayey, sidan nabadgelyada ah ee xilka loola kala wareegayaa wax hore u soo billbmay ayuu ahaa, maantana madaxweynihii xilka hayey inta xisbigii mucaaradka ahaa ka helay uu hambalyeeye. Marka aad eegto Afrikada aynu ku nool nahay xisbul-xaakimka lagama helo.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Wixii xaasid ahi wuu nagu colaadinayaa, laakiin anigu Dadka Soomaaliyeed baan leeyahay waar waa idiin dawo oo iyaga kama filayo inay nagu xaasidaan.”
Shaxda natiijada xisbi kastaa Gobolada iyo Degmooyinka codbixintii doorashada Madaxtooyada
Hargeysa 03, July 2010 (Ogaal)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa habeen hore soosaaray natiijada hordhaca ah ee doorashadii Madaxtooyada oo qabsoontay horaantii todobaadkii aynu ka soo gudubnay.
Sida ku cad natiijada Komishanku soosaaray, doorashadan waxa codadkooda ka dhiibtay ilaa shan boqol iyo konton kun oo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland.
Natiijada Komishanku soosaaray oo qaab gobollaysan iyo tirada xisbi kastaa helay u shaxaysan, waxay u dhignayd sidan;
Hawlaha ugu culus ee sugaya Madaxweynaha la doortay ee Somaliland
Barkhad Dahir
Sabtidii todobaadkii hore ee 26, June 2010, dadweynaha Somaliland waxay u dareereen codbixinta doorashada Madaxtooyada oo dhawr sannadood qabsoomideeda dib-u-dhacyo ragaadiyeen.
Doorashadaas oo ay u tartameen lix murashax oo laba-laba isugu lamaan, una kala ordayay saddexda xisbi siyaasadeed ee dalka ka jira, waxa aqlabiyad ku helay xisbiga KULMIYE oo la aasaasay dabayaaqadii bishii May 2002, isla markaana ah ururkii u dambeeyay ee xilligaa lagu dhawaaqo, tan iyo muddadaasna Mucaarad adag ku ahaa Xukuumadda talada wareejinaysa iyo xisbigeeda doorashada lagaga guulaystay ee UDUB.
Xisbiga KULMIIYE oo arrimaha ugu waawayn ee lagu taageeray ay ka mid yihiin; dhaliilaha baahsan ee wax-ka-qabasho la’aantooda ay masuulka ka tahay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo rabitaanka shacabku u qabo in la helo isbedel siyaasadeed, waxa u sharaxnaa guddoomiyaha xisbiga, ahna Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaacii (Saylici).
Madaxweynaha cusub ee la doortay oo helay kala-badh codadka guud ee la dhiibtay, una dhiganta 49.59, waxa sugaya hawlo culus oo wax-ka-qabasho u baahan.
Muwaadiniinta aqlabiyada ugu codeeyay Axmed-Siilaanyo, nolol ahaan xilligan waxay ku jiraan duruufo adag, taas bedelkeedana waxay rejaynayaan inay helaan arrimo ku xidhiidhsan wax-ka-bedelka duruufahooda nololeed ee waqtigan; qaabaynta hay’addaha dawliga ah oo waxqabad la’aan iyo habacsanaan loo nisbeeyo; ilaalinta sharciga; tayaynta ilaha dhaqaalaha dalka; kor-u-qaadida kaabayaasha (infrastructures); tirtirida musuq-maasuq lagu tilmaamo mid xadhkaha goostay iyo duruufo kale oo ku taxan nolosha bulshadan danyarta u badan.
Marka dhinaca sharciga la eego, Madaxweynaha cusub waxa horyaala sidii uu u suurtogelin lahaa in qaranku xal u helo Distoorkiisa qabyada ah; madaxbanaanayn taam ah oo ay ku hawlgasho waaxda Garsoorku; dib-u-eegista qaabka ay xilligan u shaqeeyaan Maxkamaddaha kala duwan ee dalku; dhismaha guddiga Caddaalada; jiritaanka guddiyada nabadgelyada iyo nidaaminta guud ahaan hanaanka caddaaladeed ee dalka.
Waxa lagama maarmaan ah in hoggaanka cusubi qiimeeyo siday u kala muhiimsan yihiin qodobada/xeerarka sharciyan fududaynta/waaxidinta u baahan ee adeegsigoodu xilligan taagan yahay ee hawlgelintooda/ku dhaqankooda laga sugayo Xukuumadda cusub. Tusaale ahaan; waxa xal-u-helid u baahan xeerarka adeegsigooda xilli hore muranku ka dhashay ee la xidhiidha ka qaybgalka siyaasadeed iyo furashada ururada, maadaama ay muddo koobani ka hadhaw xilka goleyaasha qaarkood doorashadooda dib loo riixay, isla markaana ay soo dhawdahay doorashada golaha Wakiillada, Guurtida iyo goleyaasha degaanadana xilku ka dhamaanayo dabayaaqada sannadkan kala-badhka ah ee 2010.
La soco caddadka dambe…..
Tirada dadka Rayid ah ee ku le’day dagaalo iyo duqaymo gilgilay Muqdisho
Muqdisho 03, July 2010 (Ogaal/AFP)- Ugu yaraan 31 qof ayaa ku geeriyooday, ilaa boqol kalena way ku dhaawacmeen dagaalo culus oo labadii maalmood ee u dambeeyay ka socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaaladaas oo ay barbar socdeen duqaymo ruxay Muqdisho, waxay u dhexeeyeen ciidanka dawladda TFG oo kaashanaya kuwa nabad-ilaalinta ee AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab. “Dagaalku wuxuu ahaa kii ugu xumaa ee bilahan dambe ay ku waxyeeloobaan shacabku. Kooxdayada Caafimaadku waxaanu soo qaadnay maydadka 31 shacabk ah, iyadoo 93 kalena ku dhaawacmeen,” sidaa waxa yidhi madaxa gaadiidka gurmarka degdega ah ee Muqdisho Mr. Cali Muuse oo u waramay wakaalada wararka ee AFP. “Dadka dhintay intooda badan ku dhinteen duqaymo culus oo lagu garaacay guryahooda,” ayuu raaciyay.
Duqaymaha si aan kala go’ lahayn u socday, waxay ku dhaceen degmooyinka Yaaqshiid, Shibis, Kaaraan, Cabdicasiis, Huriwaa iyo Boondheere ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. "Ugu yaraan 17 haween ah iyo cunug yar ayaa ku dhintay laba madfac oo isku mar ku dhacay dhisme ku yaala xaafada Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid, dadkaas waxay ahaayeen kuwo ka gabanayay madaafiicda lagu garaacayay Muqdisho," ayuu yidhi Mr. Cali Muuse.
Khasaaraha ugu badan ee dagaaladaasi waxay gaadheen shacabka, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee kala gaadhay dhinacyada diriraya.
Dagaalka shalay waxa uu dhacay maalin ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dirayska ciidanka xidhani tegay jiidaha hore ee dagaaladu ka socdaan, kuwaasoo u badan waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, masuuliyiinta dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ayaa mid waliba dhinaciisa guulo ka sheegtay dagaaladaas, iyadoo Afhayeen ciidanka AMISON u hadlay xaqiijiyay in mid ka mid ah taangiyada dagaalka lagaga waxyeeleeyay dagaaladaa ka socday caasimadda Soomaaliya.
Ururka Suxufiyiinta JAR oo ka hadlay doorashadii Madaxtooyada Somaliland
Hargeysa 03, July 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta magacooda loo soo gaabiyo JAR, Muha Daahir Faarax, ayaa hambalyo u dirtay xisbiyada siyaasada Somaliland ee ka qaybgalay tartankii doorashada Madaxtinimada.
Guddoomiyaha ururka JAR oo warsaxaafadeed ka soosaartay Hargeysa, waxay amaantay doorkii Saxaafadda maxaliga ah iyo ta dibaddu ka qaateen doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii todobaadkii hore dalka ka dhacday.
Waxay faahfaahin ka bixiyay xaaladaha ku yimaada iyo waxyaabaha laga dhaxlay doorashooyinka ka dhaca qaarada Afrika, waxayna sheegtay in sannadihii u dambeeyay qaaradu la jaanqaaday wadamada horumaray ee ay ka hirgashay Dimoqraadiyadu.
Muha Faarax Jire waxay shacbiga Somaliland ku amaantay sidii nabadgelyada lahayd ee ay ugu soo baxeen doorashadii Madaxtooyada, waxayna hambalyaysay xisbiyada ku tartamay doorashadaas.
Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Afrika ee JAR, waxay faahfaahin ka bixisay sababaha loo aasaasay ururkooda, waxayna sheegtay inay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen in warbaahintu door khaldan oo dhibaato keena ciyaarto.
Sidoo kale, waxay sheegtay in Somaliland ay tabasho badan ka tirsanaysay qaaradda Afrika, gaar ahaan tixgelin la’aan la xidhiidha waxa ay qabsatay. Hase yeeshee, waxay tilmaamay in Afrika looga baahan yahay inay tixgeliyaan Dimoqraadiyada iyo hanaanka ka hirgalay Somaliland, kuna qiimeeyaan duruufaha jira ee ay ka gudubtay. “Waxaan ku hanweynahay Urur ahaan (JAR) Journalist for African Renaisance, in Somaliland madaxweynaha cusub ee ku guuleystay doorashada Muj.Ahmed Siilaanyo uu kor u qaadi doono mihnada xirfadlayaasha warbaahinta, anagoo diyaar u ah isku xidhka warbaahinta Afrika, caalamka iyo kuwa Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka guddoomiyaha JAR soosaartay. Waxayna hambalyo u dirtay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland.
Jaaliyadda Somaliland ee Kenya oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub iyo Murashaxiintii kale
Nairobi, 03 July, 2010 (Ogaal)- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Shacabka Somaliland, Murashaxiintii tartamay iyo Guddida Doorashada ee dalka, waxaanay ku ammaaneen sidii ay u qabsoontay Doorashadu.
Jaaliyadda oo War-Murtiyeed ka soo saaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa si gaar ah u ammaanay Murashaxiinta tartamay ee midkoodna ku guulaystay, labada kalena ay hambalyeeyeen.
Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Ogaal, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Aqoonyahannada, Culimo’ udiinka, Siyaasiyiinta iyo dhamaan shacbi weynaha Somaliland waxay muujiyeen gobonimo, hal-adayg, ilbaxnimo iyo bisayl ay u bisil yihiin nidaamka dimuqraadiyadaa wax wada qeybsiga. Waa taariikh dahabi oo aan marnaba la iloobi doonin kadib markii ay gudida doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen natiijada doorashooyinka islma markaasna ku afjareen doorashadii guul wada saamaysay dhamaan shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba
Anagoo ku hadlayna magaca jaaliyada Somaliland ee dalka Kenya iyo waliba kan safiirka Somaliland Mudane Mahamed Indhabuur, waxaan halkan hambalyo uga diraynaa Mdaxweynaha cusub ee sida dimuqraadiyada ah ay kusoo doorteen shacbiga jamhuuriyada Somaliland Mud.Ahmed Mahamed Mahamoud (Siilaanyo).
Si gaar ah waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa madaxweynaha xilka haya Mudane Daahir Riyaale kaahin oo si qurux badan oo qiimo leh u sheegay inuu aqbalayo natiijada kasoo baxda gudida doorashooyinka qaranka isla markaasna ku dhawaaqay inuu ku wareejin doono xilka murashaxa ku guuleysta doorashada. Waxaanu leenahay mudane waxaa ku xusi doonta taariikhda , waxaadna baal dahab ah ka gali doontaa bogaga taariikhda jamhuurtiyada Somaliland iyo kan aduunkaba, shacbiguna ma iloobi doonaan intii aad xilka haysay horumarkii aad gaadhsiisey gaar ahaan dimuqraadiyada aan maanta hadhsanayno ee aad noo bilowday inaan kudhaqano
Shacbiga qaaliga ah ee Somaliland lama iloobi doono doorkii weynaa ee ay ka qaateen habsami u socotkii ololihii doorashada,maalintii cod dhiibashada iyo waliba soo dhaweynta natiijada doorshada
Ugu danbayntii waxaan ilaahay uga baryaynaa in madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Ahmed Mahamed Mahamoud (Siilaanyo) u fududeeyo xilka culus ee umadu u dooratay noqdana madaxweyne u cadaalad fala dhamaan shucuubta Somaliland
War saxaafadeedkan waxaa si wada jir ah usoo saaray gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee dalka Kenya Mudane Yusuf Abdirahman Abdulahi iyo gudoomiyihii hore ee jaaliya Mudane Abdirizak Ahmed Hassan (KARAANI) iyagoo matalaya dhamaan xubnaha jaaliyada.”
Sul. Cismaan Sul/Cali Kooshin oo hambalyeeyay M/weynaha la doortay iyo M/weynaha xilka wareejinaya
Hargeysa, 03 July 2010 (Ogaal)- Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Ciise Muuse, ayaa dhambaal hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha xilka wareejinaya Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Suldaanka oo ka mid dadka qurbe-jooga ah ee Somaliland uga ololeeya dibaddaha, ayaa xalay mar uu xarunta Ogaal soo gaadhsiiyay qoraalka hambalyayntiisa, waxana uu ku bilaabay, “Aniga oo ah Suldaanka Beelaha Ciise Muuse, magacayguna yahay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan Saylici), waxaanan leeyahay, sida fiican ee ay dadku idiin doorteen ayaad wax wanaagsan ugu qaban doontaan oo aan rejaynayaa, Illaahayna xilkaas culus ha idiin fududeeyo.”
Isaga oo hadalkiisa waxa uu sidoo kale hambalyo u dirayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin. “Waxaad muujiseen masuuliyad balaadhan oo dadka iyo dalka aad ugu tudheen, markii aad sida hagar la’aanta ah u hambalyayseen cidii guulaysatay, waxanan idin leeyahay taariikhda ayaa idin qori doonta.”
Suldaan Cismaan waxa uu ka hadlay waxyaabo uu sheegay inuu Somaliland u soo qabtay intuu uu qurbaha joogay ee la xidhiidhay maamuladii kala duwanaa ee soo maray Somaliland. “Waxaan ku jiray Agaasimayaashii uu Siyaad Barre shaqada uga fadhiisay u-ololaynta xorriyada Somailand. Sannadkii 1985-kiina waxa layga saaray shaqo aan ka hayay Imaaraadka, taasoo sababta ay ku timi ahayd inaan ka tirsanaa dadkii lacagta u ururin jiray Jabhada SNM. Waqtigii uu Madaxweynaha ahaa Cabadiraxamaan (Tuur), waxaan keenay laba markab oo shidaal ah, xilligii uu Madaxweynaha ahaa Ina-Cigaal waxaan keenay ninka la yidhaahdo Iqbaal, kaasoo aan ku idhi, ‘Safiirka South Africa ka dhig.’ Mudadii uu Madaxweynaha ahaa Daahir Rayaale Kaahin, waxaan keenay shirkad caalami ah oo daraasad ku samaysay xaga sibidhka.”
“Waxaan hambalyaynayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku sida wanaagsan ee ay shaqadooda u qabteen”
Addis Ababa: Safaaradda Ingiriisku maxay ka tidhi natiijada doorashadii madaxtinimo?
Addis Ababa, 03 July 2010 (Ogaal)- Safaarada Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday in natiijadii ka soo baxday doorashadii Madaxtinimo ee Somaliland ay ka tarjumaysay rabitaankii codeeyeyaasha, isla markaana ay tahay inay xisbiyadu aqbalaan natiijada kama dambaysta ah.
Safiir ku-xigeenka Safaaradda Addis Ababa u fadhida dalka Ingiriiska John Marshal oo shalay soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland soo saareen natiijada hordhaca ah. Qoraalkiisanina waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxaan ku faraxsanahay inay Komishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen natiijada hordhaca ah. Iyada oo loo danaynayo dimuquraadiyada Somaliland iyo xasiloonideeda, waxaan u soo jeedinayaa dhamaan dhinacyadu, iyaga oo fulinaya ballanqaadyadii ay siiyeen dadka reer Somaliland iyo beesha caalamka, waa inay aqbalaan natiijooyinka kama dambaysta ah marka lagu dhawaaqo.
Goob-joogayaashii caalamiga ahaa iyo kuwa maxaliga ah iyo sidoo kale Guddiga Anshaxa Doorashooyinkuba waxay si aanay ku kala baydh-baydhin u cadeeyeen in doorashadu ay ka tarjumaysay muujinta rabitaankii cod-bixiyeyaasha. Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiriisku qoraalkii uu soo saaray Salaasadii 29 June 2010-ka, waxa uu ku soo dhaweeyay doorahadii madaxweynenimo ee sida nabadgelyada ahayd u dhacday 26 June, isla markaana waxa uu ilaa xad ku amaanay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyadaba sidii fiicnayd ee ay u dhaqmeen doorashooyinkan, taasoo u dhacday si qurux badan, lagu kalsoon yahay, laguna tartamay. Waxaan aniguna sidoo kale, hambalyo u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku sida wanaagsan ee ay shaqadooda u qabteen, waxaanan qadarin u hayaa hogaaminta iyo dareenka masuuliyadeed ee ay muujiyeen saddexda Musharrax, waxaanan ku dhiirigelinayaa dhamaanba axsaabta siyaasadu inay sii wadaan ku-dhaqanka nidaamka isu-dulqaadashada iyo inay is-xakameeyaan iyada oo loo danaynayo kala-wareegis qurux badan.”
Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Sabtida 03/07/10
Moderator: Moderators
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Wararkii Wargeyska OGAAL, Cadadkii Sabtida 03/07/10
Riyaale , wallahi thanks !
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 547 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 1017 Views
-
Last post by abuu_dujaana
-
- 1 Replies
- 372 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 0 Replies
- 309 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 11 Replies
- 950 Views
-
Last post by jalaaludin5
-
- 0 Replies
- 1453 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 1 Replies
- 298 Views
-
Last post by Psykmottagningen
-
- 1 Replies
- 521 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 11 Replies
- 741 Views
-
Last post by GENERAL_SNM