
Hambalyo shacbiga reer somaliland madaxweynaha cusub komishanka.
ugu horeyn waxaa mahad leh allaha weyn ee umad islaama inaga dhigay marka xiga shacbiga sharafka badan ee reer somali land ee guusha mucjisaadka ah ka soo hooyay doorashooyinkii madaxtooyada jsland 2010 komishanka doorashooyinka qaranka oo baal dahaba ka galay taariikhda qarankani somali land marka xiga ciidamada qaranka jsland ee milatariga iyo janankooda ciidamada amaanka jamhuuriyada sland heeganka buuxa ugu jira ciidooda iyo shacabkooda ilaalinaayayna amniga guud ee qarankani.
intaa ka dib shacbi weynaha reer somali land ee carur iyo cirooleba sida xaragada ah uga soo dabaashay maraaxilkii doorashooyinka sland ee sida weyn isku xil saaray inay wanaajiyaan hab socodkii doorashada gebo gebo hambalyo iyo duco balaadhan madaxweynaha cusub ee cududa shacabka reer sland ku soo baxay mudane axmed maxed maxud siilaanyo iyo ku xigeenkiisa saylici waxaan eebe uga baryayaa inuu eebe guushaa maanta ay soomaliland ugu dabaal degayso ugu biiriyo guul taa lamida inay mudo gaaban ka soo hooyaan aqoonsigii diblamaasiyadeed ee dalkani u baahnaa allena ka yeelo xukuumadii horumarka wada tashiga kor u qaadida maqaamka dhaqan dhaqaale siyaasadeed bulsheed adeega guud ee aasaasiga ah kor u qaadaayay
jamhuriyadani somali land rajada shacabkana himiladooda oo idil xaqiijinaayay mustaqbalka dhow iyo ka fogba guulna ka soo hooynaayay cadaalada hayadaha garsoor ee qarankan lib weyna ka gaadha la dagaalanka musuq maasuqa hantida umadan xoojinta midnimada shacabka, adkaynta nabadgelyada guud daryeelka shaqaalaha dalka casriyeynta waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka sigib tirka baahiyaha reer miyiga oo ah maato iyo daryeelidooda dad iyo duunyoba iyo inuu eebe inooga yeelo xukuumadii guul weyn ka gaadha biyo laanta ku baahsan deegaamadeena oo idil kuna xasilisa biyo soo saar ku fidsan gayigeena oo idil allena u fududeeyo samaynta jidadka miyi iyo magaaloba isku soo wada xooriyoo xukuumadii qarankani ku liibaano ee guul iyo horumar taariikhi ah sees adag oo dhaxal gala u jeexda himilada shacabku hiigsanaayo ka midho dhalintiisa lagu badhaadho lagu bogsado cashar weyna u noqota tusaale culus mandaqada geeska iyo caalamkaba allahayoow inoo aqbal aamiin aamiin
suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxman suldan diiriye
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 2010-07-03