Page 1 of 1

Djibouti opposition welcome the new president of S/land

Posted: Sun Jul 04, 2010 7:46 am
by The_Emperior5
Mucaarad ka ree jabuuti ee dhaqdhaqaaqa dib u soo nooleynta dimuqraadiga iyo horemarka(MRD afka fransiiska) oo hambalyeeyay doorashada ka dhacday JSL


waxay cashar u tahay gobalkan iyo dhamaan meela badan oo ka mida dunida

Jabuuti(Gabileynews) Aniga o ah Daahir Axmed Faarax kuna hadlaya magaceyga gaar ka ah iyo ka xusbiga MRD ee ugu da’weyn axsaabta macaaradka Jabuuti lana odhan jirey PRD ayaa u soo jeedinaya hambalyo kashka iyo laabta ka soo go’day madaxweene Axmed Maxamed Maxamuud oo ku guuleystey doorashadii madaxtooyada ee dalka Soomaali Laand ka dhacdey 26 bishii June 2010 iyo waliba xusbiga Kulmiye ee u madaxa ka yahay.

Waxa kale o aan hambalyeynayaa dhamaan shacbiga reer Soomaali Laand oo muujiyey nabad jacayl, waayeelnimo ee biseyl siyaasadeed, taas o suuragalisey doorasho nabdoon oo dimuqraadi ah.
Runtii, cashar dimuqraadi ayey reer Soomaali Laand u dhigeen mandaqada, siiba Jabuuti o u madaxweene Geele ku tumanayo dimuqraadiyada isago raba inu talada sii joogo illaa u qabri galayo.
Mar labaad hambalyo. Waxna mandaqadu ha ku qaadato dhacdadan dimuqraadi ee weyn.


Gudoomiyaha MRD,
Daahir Axmed Faarax,
Brussels