Ilka Jiir oo Badhan dadka la hadlay [Daawo Sawiro]

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Ilka Jiir oo Badhan dadka la hadlay [Daawo Sawiro]

Post by oldenglish »

Ilka Jiir oo Badhan dadka la hadlay [Daawo Sawiro]
July 5, 2010
By Axmed Muuse Dheere
Badhan:- Wasiirka arimaha gudaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac (IlkaJiir) ayaa maanta waxaa meel fagaare ah kula hadlay dadweyne aad u fara badan oo ku sugan magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag sida uu noo soo tabiyay wariyaha Idaacadda SPR Siciid Axmed Baxwal oo Halkaa kusugan.


Hadal kooban uu wasiirka dadkii isu soo baxay uu jeediyay ayaa waxaa u sheegay in ay maalmahaanba u joogeen magaalada Badhan sidii shacabkeeda loogala shaqayn lahaa arimaha nabad galyada caafimaadka waxbarshada iyo sidii maamul logu samayn lahaa gobolkaa.

Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale uu dadweynaha Magaalada Badhan uuu sheegay in isaga iyo wasiirada ka socda Puntland ay maalmahaanba wadeen kulamo ay laqaadanayeen waxgaradka gobolkaa ayna komeero kusoo mareen dhamaan magaalooyinka uu ka kooban gobolka Sanaag ee xaruntiisa ay tahay Magaalada Badhan ayna kalka hadlaynay ayuu yiri amaanka dagaanada gobolkaa uu ka kooban loo xoojin lahaa iyo waliba horumarinta gobolka.

Wasiirada iyaguna halkaa ka hadlay ayaa waxaa mid ahaa wasiiru Dowlaha aminga qaranka. Kan Madaxtooyada iyo xildhibaano oo dhamaantood u mahadceliyay shacabkii ka soo qayb galay kulankaa isu soo baxa ahaa.

Somali Public Radio(SPR)

DAAWO SAWIRADA

Image

Image

Image

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”