Laba ka mid ah xubnihii uu Siilaanyo magacabay oo is casilay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Laba ka mid ah xubnihii uu Siilaanyo magacabay oo is casilay

Post by Bohol iyo karaman »

Laba ka mid ah xubnihii uu Siilaanyo magacaabay oo is casilay
Written by Qarannews
Jul 07, 2010 at 07:17 AM
Hargaysa,(Qarannews)- Waxa xilkii iska casilay laba kamid ah gudidii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Axmed Siilaanyo, gudigaasi oo uu u xilsaaray ama magaacbay Soo jeedinta talooyin la xidhiidha qaab dhismeedka dawladda cusub, gaar ahaan tirade wasaaradaha ay ka koobnaanayso xukuumaddu iyo hayadaha madaxa banana ee la abuurayo.

Labadan xubnood oo kala ah Baashe Maxamed Faarax iyo C/casiis Samaale ayaa ay wararku sheegayaan in ay jagadaasi isga casileen khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo gudoomiyaha xubnahaasi oo ah Muse Biixi Cabdi, kadib markii ay sheekadu isugu bixi wayday isla markaasina ay kala afkaar noqdeen, ilaa hada ma cada sababta rasmiga ah ee ay isu casileen, iyada oo sheekooyin badan la isla dhex maraayo ayaa hadana labadan xubnood waxa ay sheegeen in ay ku adkaatay sidii ay wax u soo xuli lahaayeen.

Dhanka kalena waxa jira cabashooyin dhawr ah oo ay dadweynaha Somaliland qaarkood ay ka muujieen qaabkii markii hore loo soo xulay gudigani oo ayna ka dhex muuqan gobolo iyo deegaamo dhowr ah oo ay ka midyihiin gobolka Gabiilay Saaxi iyo Oodweyne iyo degmada Ceerigaabo iyo meelo kale taasi oo ay dadka qaarkii sheegayaan in goobhaasi hadii laga soo xulan lahaa dadkooda wax garadka ah ay arimhaasi ayna hada cakirnaadeen.

Sida ay doontaba ha ahaatee ilaa hada madaxweynaha la doortay arintaasi kama uu hadal inta la ogyahay.

Dhanka kalena waxa jira loolan xoogan oo ay xubno ilaa 200 oo qof in ka badani ay mid waliba doonaayaayo in wasiir laga dhigo kuwaasi oo ay qaarkood hore u haysteen balanqaadyo, kuwaasi oo sababay in gudigani ay soo xulaan cida wasiir u qalanta iyada oo dhanka kalana dadka madaxweynaha la doortay la taliya ay cadaadis ku saareen in uu soo dhiso dawalad wasiiro yar kuwaasi oo u qalma jagooyinka loo dhiibi doonto, arimhaasi iyo balanqaadyadii hore ee uu Siilaanyo galay ayaa ah kuwo odayga joog iyo jiifba u diiday maantana waxa uu ku dhex jiraa marxalad aad u adag iyada oo ay isaga shaqsiyan ka go'antahay in uu wax qabto, hadana rag badan oo xil doon ahi hadii ay iska dhex waayaan golaha cusub waxa ay isu rogi doonaan mucaarid taasi oo aan maanta aanu u baahnayn madaxweynaha la soo doortay
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Laba ka mid ah xubnihii uu Siilaanyo magacabay oo is cas

Post by The_Emperior5 »

the samaale guy wanted to become a wasiir thats why u isku casilay waan aqaana wa deputy speaker of the parliament , laakin not every one can become wasiir even haday jiran 200 nin wasiir rabba this goverment will be small only 16 ministers will be there.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”