Page 1 of 1

President Siilanyo's list of priorities

Posted: Sat Jul 10, 2010 6:51 pm
by Goljano Lion
July 10, 2010 Madaxweyne Siilaanyo oo guddida Talo bixinta Xukuumadiisa ka codsaday wax-qabadka Xukuumadiisa sida look ala horeysiinayo

Hargeysa(Waaheen)Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ku qancay talooyinka ay u soo jeediyeen Guddidii dhawaan uu magacaabay ayaa manta qoraal uu u soo diray uga mahadnaqay Talooyinka ay u soo jeediyeen waxaanu mar kale ka codsaday inay kala taliyaan sida loo kala horeysiinayo waxqabadka Xukuumada boqolka cisho ee u horeysa iyo ilaa lixda bilood isagoo u iftiimiyay inuu u baahan yahay in talo laga geysto waxyaabaha ugu muhiimsan ee wax ka qabadka u baahan

Waxaana qoraalkaas oo maant laga hor akhriyay xubnaha guddidu uu u dhignaa sedan:-



Ku: Guddoomiyaha Guddida Talo bixinta Xukuumadda cusub

Re: President Siilanyo's list of priorities

Posted: Sat Jul 10, 2010 6:53 pm
by Goljano Lion
Uj: Sida mudnaanta loo kala siinayo wax-qabadka Dawladda



Marka hore Mudanayaal iyo Marwooyinba waxaan idiinka mahad celinayaa sida aad uga soo dhalaasheen hawshii aan idiin xil-saaray.

sida aad la socotaan waxa Xukuumadda laga sugayaa wax-qabad badan sidaa darteed waxaan idiin xil saaray inaad ka soo talisaan sida wax-qabadka Xukuumadda Mudnaanta loo kala siinaayo boqolka maalmood iyo lixda bilood ee ugu horeeya haddii Alle yidhaahdo

Re: President Siilanyo's list of priorities

Posted: Sun Jul 11, 2010 10:52 am
by Khalid Ali
goljano i thought u was an ucid supporter