Muj sh adan siiro gives advice to the new somaliland Leader

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Muj sh adan siiro gives advice to the new somaliland Leader

Post by Khalid Ali »

Sh. Aadan-Siiro oo talooyin u jeediyay Madaxweynaha la doortay iyo Culimada Somaliland
July 10th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Aadam-Siiro), ayaa Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumadda uu soo dhisi doonaba ugu baaqay in dalka laga hirgeliyo shareecada Islaamka oo uu sheegay in Madaxweynayaashii ka horreeyay ay ku guul-darraysteen in ay hirgeliyaan. Waxaanu u jeediyay in uu caddaaladda sugo, isla markaana uu wax ka qabto Cajalado caqiidada Islaamka faham qaldan ka bixinaya oo uu sheegay in lagu faafinayo Somaliland.

Sh. Aadan-Siiro oo ka hadlay Khudbaddii shalay ee Salaadda Jimcaha oo dulucdeedu ahaa caddaaladda iyo sida loogu baahan yahay in Dawladda uu madaxweynaha ka noqonayo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland ay u fuliso iyo aragtida Islaamka ee caddaaladda, ayaa sheegay in caddaaladda macnaheedu ay tahay in xaqa la xukumo. “Caddaaladdu waa in aad xaq xukunto, maaha in aad xukunto tiro badnaan iyo in aad xukunto awoodda. Nidaamka maanta Dunida jiraa waxa weeye, in qofka awoodda badani uu taliyo, Islaamka caddaaladdiisu waxa weeye in uu xaq ku taliyo oo uu sida uu xaqu yahay xukumo. Halkaa waxa ku baxaya in awood kasta iyo hanti kasta oo uu baadilku leeyahay la joojiyaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadam.

Sheekhu wuxuu sheegay in ay jiraan dad Cajalado ka horjeeda caaqiidada saxda ah ee Islaamka ku faafinaya Hargeysa, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Islaamka aynu ka hadlaynaa maaha kuwa Gadhka ula baxay in ay Muslimiinta laayaan oo ay dumiyaan ee ay maanta Cajaladahoodii Hargeysa yaalaan oo waliba qaar badan oo Wadaado sheegtaa oo Hargeysa jooga oo dadka Lacagta ka gurtaa ay Cajaladahaa fidinayaan. Iyadoo Live (toos ah) la baahinayo ee ay caruurta u qaybinayaan. Waliba Nin Sheekh sheeganayaa uu leeyahay waa in Hargeisa la dumiyaa, waa in Burco la dumiyaa, waa in Doorashada meelaha ugu dad badan la qarxiyaa. Waxa ka sii ayaan-darran Umadda kuwaa dhegaysanaya iyo Guryaha lagu dhegaysto oo magaalada badhtankeeda ah iyo kuwa og in magaalada waxaas lagu qaybinayo ee ag taag-taagan ee maqlaya. Laakiin, waxa ka ayaan-daran Xukuumaddii aynu runtii codka ku amba-bixinay ee ku guul-darraysatay ee wada nabad-sugidda ahayd ee ku guulaysan wayday inay wax ka qabtaan. Balse, waxyaabaha aanu ugu codaynay xukuumadda timi waxa ka mid ah oo aanu leenahay in ay ilaaliyaan amniga qawmiga ah, inay yihiin kuwaasi kuwa wax ka qaban doona Insha Allaahu tacaalaa.”

Sheekh Aadan wuxuu ku baaqay in dalka laga difaaco dadka faafinaya fikirrada ka dhanka ah fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, ee aaminsan is-qarxinta iyo falalka la nooca ah. “Waar nimankaasi dalka ha laga difaaco, Wadaaddadu ha ka difaacaan, waar kuwaa Cajaladahooda qaybinaya inaga ayaa oge, inagu aynu u taagnaano, ama Culimadu ha yidhaahdaan waxaasi waa saxe aynu talada u dhiibano. Haddii kale, wax ha laga qabto Kutubtoodii ayay Caruurtii magaalada dhexdeeda ugu qaybinayaan. Cajaladdii ay lahaayeen Hargeysa ha la qarxiyo, magaalada ayay taalaa oo ay waliba qaybinayaan. Laakiin, waxaan kaga ciil la’ahay, miyaanu u joojinaynaa kuwaas isleh markay kuwaasi awood yeeshaan ayaad Wasiir iyo xil heli doontaa.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Balse, waxaan leeyahay maalintaasi waa maalintaanu alaabtii aanu iska daynay hoosta kala soo baxayno..Waxaan in badan ugu hadlay waxa weeye, waxaan ogahay fawdadooda, dagaalka dhulka waynu garanaynaa, waynu naqaanaa dagaalka qabiilka, dagaalka Lacagta iyo dagaalka Kursiga, waxaas oo dhami waa wax Luuqaddooda la fahmayo. Laakiin, maanta maxaa Xamar ka jira, Kun baad sheegaysaaye, Malaayiin qof haddii la keeno, 16-jir ilaa 23 jir weeye waxa dagaallamayaa, kuwa iyagu caruurta diraya mooyaane, 23-jir ayaa u wayn waxa dagaallamaya, kuwa dhimanayaana waa 13 jir Janno raadinaya, Ilaahow yaanay Jannadu Sheekh Aadam naga gelin, ileen iyaba waa yaabe.”

Mar uu Sheekhu ka hadlayay hoggaaminta Xukuumadda cusub ee la filayo in la soo dhiso, saamaynta ay ku yeelan karaan dadka ku hareeraysan iyo Shareecada Islaamka, ayaa wuxuu yidhi, “Aniga waxay ila tahay oo kaliya, qofku caalim kasta ha noqdo, Wadaad kasta ha noqdo, aqoon kasta ha yeesho, Quraanka inta uu doono ha ka yaqaano, Bani’aadamka waxa raadeeya deegaanka, hawada qofka bani’aadamka ahi leeyahay, waxa raadeeya kolba cidda ku xeeran. Sidaa darteed, waxa weeye qofka bani’aadamka ahi hadduu xaqa waydaarto wax buu dumiyaa, taa macnaheedu waxa weeye, Ceelka biyaha badan haddaan la qaban isagu wuu is-dumiyaa oo lagama cabbo. Markaa, caddaaladdu waa sunnaha Rasuulka (CSW). Waar yaynaan Shareecadda yaynaan cuqdad ka qaadin, waar shareecada aynu u ololayno, waar shareecada ha la isku xukumo. Kuwa dadka laynayaa Shareecada ma laha, shareecadu maaha mid nin ka go’da, maaha mid Koox ka go’da, maaha shareeco in qofku Gadh la baxo oo uu Khamiis qaato. Laakiin, waa shareecad ka dhaxaysa umadda oo marka loo baahdo in gurigan la dhiso oo Wadaadku halkaa iska fadhiisanayo oo aan waxba la waydiinay oo Caalimku dhakhtarka noqonayo..Macnaheedu waa shareecadaa umadda u qaybsan, taynu ka hadlaynaa waa taa.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu baaq u jeediyay Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumadda la filayo in uu soo dhiso. “Waxa ku guulaysan waayay labadii Madaxweyne ee hore, Cabdiraxmaan Axmed Cali, Ilaahay ha u naxariistee isaga wakhtigiisii jabhad baa la ahaa oo Dagaal baa socday. Laakiin, Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo wakhti wanaagsan helay iyo Daahir Rayaale Kaahin oo isna wakhti wanaagsan helay, labadooduba waxay ku guul-darraysteen in ay shareecada fuliyaan. Madaxweynaha maanta la doortay waxaanu kula talinaynaa, shareecada fuli, maaha shareeco dunida iyo jaarka collaysanaysa, maaha shareecad dadka kala takooraysa, maaha shareeco argagax umadda Muslimiinta ah ku abuuraysa. Waa shareeco laba shay marka lays barbar-dhigo, ka ugu fudud. Shareecada aanu ku baaqaynaa waxay tahay ee aanu aaminsanahay, wadaadku in uu yahay ka ugu itaalka daran ee ugu daciifsan ee dadka ugu dambeeya oo macnaheedu tahay in dadku ay siman yihiin oo qof waliba uu halkiisa wax ku yahay.” Ayuu yidhi Sh. Aadan. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waynu ogayn xukuumaddeenii hore, Hargeysa oo lagu bakhtiyayo oo 20,000 oo Shilin ay tahay Foostada Biyaha ahi, ayaa guryaha Hargeysa qaarkood Biyihii Mooya-saxada ahi ay rasaysan yihiin, halka Xaafadaha Hargeysa qaarkood lagu bakhtiyayo biyo-la’aan.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in wakhtigii shacabka Somaliland ku sugnaa Xeryihii Qaxootiga Itoobiya talo lagu gaadhay dalka laga hirgeliyo Xeerka Ciqaabta Islaamka, balse aan laga war haynin halka uu ku dambeeyay Buuggii laga sameeyay. “3450 Buug oo Xeerkii Ciqaabta Islaamka ah ayay 83 Caalim oo min Dulcad ilaa Dhoqoshay jooga, Tuulo kasta dadkii qaxay oo aanu Nin Caalami ahi ka saxeexin Xeerkaasi ma jirin, inaga oo Hawdkii (Qaxootigii Itoobiya) jooga ayaa la soo qoray isaga oo Af-Soomaali ku qoran, waxaana la yidhi aynu qorno wax aynu isku xukuno markaynu dalkii ku noqono. Ilaa hadda waxa la garan la’yahay Xeerkii Ciqaabta Islaamka, Cabdiqaadir X. Jaamac nus uu hayo mooyaane, cid intii kale ka shaqaysay ururinteeda iyo meel ay martay toona..” ayuu yidhi, waxanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xukuumaddaa cusub kuwa ag-jooga iyo kuwa u tegayaa ha kula taliyaan shareecadda dadka u dhaxaysa ee aan ahayn ta kuwa dadka laynaya, waayo kuwaasi waa kuwa aanu dalka kala dagaallamayno. Shareeco ninka fulinaya aanu odhanayn aniga ayuu hadalkaygu hadalkii Ilaahay yahay oo aan laga hortegayn, ilaahay baynu ka magan-galnay. Bani’aadam macsuun ah oo aan Rasuulka (CSW) ahayn ma jiro, xitaa Rasuulka (CSW) intii hore ee uu waxyigu soo degayay, saxaabadu waxay ku odhan jireen, Rasuulkii Ilaahayow ma ra’yi baa, mise waa wax Ilaahay ku faray. Haddii uu yidhaahdo waa Ra’yi, waxay odhan jireen Rasuulkii Allow ka daa sidaas ayaa ka wacane. Rasuulka laftiisa ayaa la toosinayay..”

Gebogebadii, Sheekhu wuxuu Shacabka ugu baaqay in lala shaqeeyo Dawladda cusub, waxaanu Xukuumadda cusub ee la soo dhisayo u jeediyay in horumar, caddaalad iyo shareecada oo dalka laga hirgeliyo la timaaddo. “Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa, Dawladdaas ha lays barbar-taago, halala shaqeeyo, dacaayadaha ha laga daayo oo fursad ha la siiyo, iyagana waxa looga fadhiyaa inay dadka u caddaalad fadhiyaan oo ay Shareecada fuliyaan, wax-qabad iyo horumar baa looga fadhiyaa. Haddii kale, kuwii hore kama wanaagsana.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Muj sh adan siiro gives advice to the new somaliland Lea

Post by Khalid Ali »

Sheekhu wuxuu sheegay in ay jiraan dad Cajalado ka horjeeda caaqiidada saxda ah ee Islaamka ku faafinaya Hargeysa, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Islaamka aynu ka hadlaynaa maaha kuwa Gadhka ula baxay in ay Muslimiinta laayaan oo ay dumiyaan ee ay maanta Cajaladahoodii Hargeysa yaalaan oo waliba qaar badan oo Wadaado sheegtaa oo Hargeysa jooga oo dadka Lacagta ka gurtaa ay Cajaladahaa fidinayaan. Iyadoo Live (toos ah) la baahinayo ee ay caruurta u qaybinayaan. Waliba Nin Sheekh sheeganayaa uu leeyahay waa in Hargeisa la dumiyaa, waa in Burco la dumiyaa, waa in Doorashada meelaha ugu dad badan la qarxiyaa. Waxa ka sii ayaan-darran Umadda kuwaa dhegaysanaya iyo Guryaha lagu dhegaysto oo magaalada badhtankeeda ah iyo kuwa og in magaalada waxaas lagu qaybinayo ee ag taag-taagan ee maqlaya. Laakiin, waxa ka ayaan-daran Xukuumaddii aynu runtii codka ku amba-bixinay ee ku guul-darraysatay ee wada nabad-sugidda ahayd ee ku guulaysan wayday inay wax ka qabtaan. Balse, waxyaabaha aanu ugu codaynay xukuumadda timi waxa ka mid ah oo aanu leenahay in ay ilaaliyaan amniga qawmiga ah, inay yihiin kuwaasi kuwa wax ka qaban doona Insha Allaahu tacaalaa.”
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Muj sh adan siiro gives advice to the new somaliland Lea

Post by Siciid85 »

I think the title sheekh is enough where do you get the Muj part from? :|
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Muj sh adan siiro gives advice to the new somaliland Lea

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:I think the title sheekh is enough where do you get the Muj part from? :|

He was an snm member
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”