Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley oo Dhamaystirmey

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley oo Dhamaystirmey

Post by Keyse_0208 »

Gabiley (Gabiley News):- Dhakhtar guud ee caafimaadka magaalada Gabiley oo dhismihiisu socday mudo ku dhaw toban sanno ayaa dhawaan faraha laga qaaday kadib markii qaybtii sadexaad ee dhismahaasi oo bilihii ugu danbeeyay ka socotay maal galin balaadhan kusoo sameeyeen jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley.


Dhismaha cusbitaalka Gabiley oo ay dhismihiisa iska kaashadeen, dadwaynaha reer Gabiley ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, dhaqaalaha ugu badana laga soo ururiyay jaaliyadaha reer Gabiley ee ku dhaqan wadamada Europe iyo Maraynkanka ayaa maraya marxaladii ugu danbaysay isagoo u baahan nadiifin, qalabayn iyo shaqaale aqoon caafimaad leh oo ka hawl gala dhakhtarkaasi taasi oo dhamaana laga sugayo dadka reer Gabiley meel ay dunida guudkeeda ka joogaanba.


Dhaktarka Gabiley oo markii ugu horaysay ay bilaabeen urur haween ah oo reer Gabiley ah, ayaa waxaa lagu wareejiyay dayrka oo lagu dhisay iskaa wax u qabso, iyadoo markii danbana haayada Bisha Cas ee imaaraadka carabtu ugu deeqday dhakhtarkaasi lacag gaadhaysay $90,000 oo doolar iyadoo lagu dhisay qaybta hore ee xafiisyada iyo laba waadh.


Qaybaha kale ee dhakhtarka caafimaadka Gabiley ayaa waxaa gacan ka gaystay jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka Gabiley oo ay hogaaminayaan ururka horumarinta gobolka Gabiley ee GARDO, Jaaliyadaha wadamada Canada, Sweden, iyo Dalka Maraykanka oo inta badan la sheego in Dr. Siciid Muhumed Maax kaligii kasoo qayb qaatay.





Dhismaha Dhakhtarka ayaa guud ahaan ka kooban ilaa lix qaybood oo kala ah qaybta Farmasiiga iyo Shaybaadhka oo isku dhisme ah, Qaybta xafiisyada dhakhtarka oo la arko markaad albaabka ka gasho dhakhtarkaasi, Lix waadh oo kala ah waadhadhkii Bukaan jiifka, Dumarka, Caruurta, Jajabka iyo Ragga, Hoolka qaliinka oo loo dhisay si heer caalami ah, Qolka Maydka iyo waadhadh gaar ah oo loogu talo galay dadka xanuunadoodu khatarta yihiin oo u qaabaysan qolal gaar gaar ah, oo midkastaaba leeyahay suuli u gaar ah, looguna talo galay in la kireeyo marka dhakhtarka la furo.




Waxaa kale oo dhakhtarkaasi dhex yaala mishiinkii sawirka feedhaha (X-Ray) oo ay soo iibiyeen isla markaana ugu tabaruceen ururka samafalka ee GARDO dhakhtarkaasi oo muddo badan ku cadilnaa halkaasi sababo la xidhiidha dhinaca farsamada dabka oo maarayn loo waayay in la hagaajiyo iyadoo ciladaasi ay sababtay mishiinka oo ku shaqaynayay qaab casriya (digital X-ray).



Cusbitaalka Gabiley oo sida aad sawirada ka aragtaan dhismayaal badani ka dhex dhisan yihiin ayaa hadana waxaa ka dhex buuxa qashinka iyo dhirta faraha badan, taasi oo la odhan karo waxay u baahan tahay in qandaraas lagu siiyo shirkad dhisme oo kale, dhismayaashii la dhisay shan sano ama lix sanno ka horna waxay u dhaw yihiin inay dumaan, waayo haddii guriga la isticmaali waayo wuxuu u dhaw yahay inuu dumo iyadoo laga yaabo inuu sameeyo dildilaac.


Qofkasta oo reer Gabiley ah oo u damqanaya gobolkiisa iyo magaaladiisa, ay ku nool yihiin hooyadii iyo aabihii, walaalkii iyo walaashii, habaryartii iyo edadii, adeerkii iyo abtigii iyo qayb ka mid ah bulshadii reer Somaliland inuu u damqado hooyada bugta ee aan Gabiley waxba lagaga qaban karin, wiilka ama gabadha shilka baabuur gasha ee u dhimanaya dhiig baxa inta hargaysa loo sii wado, bulshadaadii waxaa looga baahan yahay ama la leeyahay quudha shilinka jeebkiina ku jira ee hadaad adigu kharash garayso aan wax la taaban karo kuu qabanayn laakiin hadaad adiga iyo inta magaalada ama wadanka aad dagan tahay wada dagan tihiin isku dartaan ay wax u qaban karto qoyska dagan wadanka ee aan awoodayn inay iska bixiyaan dhakhtarada wadanka ku yaala ee laga dhex samaystay farmasiiyada dawooyinka haayaduhu ku caawiyaan lagu iibiyo.


Qofkasata oo wax heli karaya waxaa looga baahan yahay inuu inta uu bixin karayo bixiyo, qofka aan waxba bixin karin ee laakiin Fursada, Xooga, Cilmiga iyo Wakhtiga hayana waxaa looga baahan yahay inuu xoogii kaga qayb qaato oo shilinka lasoo ururiyay lagu iibiyo qalabka dadka reer Gabiley ee gudaha daganina ninkastaa wuu hayaa wakhti uu firaaqo yahayee xoogiisa kaga qaybqaato, ka cilmiga dhakhtarnimada garanayaana dadka ku daweeyo tabaruc oo dhakhtarkii ka shaqeeyo waayo dhakhtarku wuxuu anfacayaa qofkasta oo Gabiley dhexdeeda dagan, waa wax la wada leeyahay, waajibna ku ah in qofkastaa ka qaybqaato si uu uga qaybqaataba dhamaystirkiisa iyo shaqayntiisa.


Gabiley waxaa u maqan dadkeeda, waxaa wax ka dhigi kara dadkeeda oo fahma in shayga qof leeyahay manaafacaadkiisu qofkaa uun ku kooban yahay, laakiin shayga dadka ka dhexeeya faa,idaydiisa dadkoo dhami leeyihiin islamarkaana helayaan sida ugu dhakhsaha badan, taasi oo la odhan karo waa iyadoo dadka guud la wada fahmo.
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley oo Dhamaystirmey

Post by The_Emperior5 »

great well done mashallah :clap: :sland: :up:
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley oo Dhamaystirmey

Post by ToughGong »

:up: :sland: This is what we need more of along with schools
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”