NSUM: Ogeysiis Ku Wajahan Umadda Somaliyeed iyo Mid u gaar ah Reer SSC\
NSUM: Ogeysiis Ku Wajahan Umadda Somaliyeed iyo Mid u gaar ah Reer SSC
Dhamaan Umadda ka Soo jeeda Gobolada SSC waxaan ku wergelineynaa in shirka ururka NSUM ee ka dhici doona wadanka Mareykanka gobolka Minnesota magaldiisa Minneapolis lagu qaban doono haddii Alla idmo meesha loo yaqaan International Institute of Minnesota. Shirkaas oo ah shir eebe idinkiis qabsoomi doona maalinta sabtida eeay tahay bishan July, 17/2010, shirkan Sabtidu wuxuu ku koobnaan doona dadka ku abtirsada gobolada SSC oo kaliya.
Goobta: International Institute of Minnesota
Waktiga: Sabti July 17, 2010
Saacadda: Bilaw 12:00 Noon dhamaad 9:00 PM
Cinwaanka: 1694 Como Avenue
St. Paul, Minnesota 55108
Phone # 651-647-0191
Maalinta Aaxdda ee ay tahay bishan July 18, 2010, galabnimadii ilaa fiidka hore ayaa waxaa jira shir kale oo loogu talagalay dadweynaha Somaliyed oo uu ururka NSUM oo ku marti gelinayo waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaliyeed ee degan gobolka Minnesota. Shirkaas oo nuxurkiisu yahay wacyigelinta dadweynaha Somaliyed ee jecel midnimada Soomaaliyeed in lagu baraarujiyo in ururka NSUM u taaganyahay midnimada Soomaaliyeed iyo ka hortagga kala goynta Somalia.
Goobta: Mogadishu Mall (Hallka Tajmahal)
Wakhtiga: Axad July 18, 2010
Saacadda: Bilaw 5:00 PM dhamaad 10:00 PM
Cinwaanka : 3015 Cedar Avenue South
Minneapolis, Minnesota 55407
Phone # 612-227-9628
Source:
http://taleex.net/2010/07/14/nsum-ogeys ... -reer-ssc/