July 15, 2010 Maayarka Hargeysa oo ku Mashquulay Qandaraasyo uu dib ugu Hagaajinayo Madaxtooyada iyo Wadada tagta Guriga Siilaanyo
Waxa uu dhalan rogayaa Qorshihii uu Kaabadaha ku soo dhigay Madaxtooyada Qaraxyadii kadib
Hargeysa (Waaheen) Maayarka Magaaladda Caasimada ee Hargeysa Eng: Xuseen Maxamud Jiciir ayaa ku Mashquulay hagaajinta Jidka Hor mara guriga Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Siilaanyo ee gala Qasriga Madaxtooyada kaasoo burbursanaa muddo badan intii Rayaale joogayna dhawr jeer oo kab-kab lagu sameeyay hagaagi weyday
Maayarka ayaa jidkaasi mar kale kab-kab ku bilaabay imika markii Hogaamiyihii Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye oo muddo badan jidkaasi marayay isagoo burbursan uu ku guulaystay taladii Dalka, iyadoo markii hore dadku isweydiin jireen waxa ay Dawladda Hoose u hagaajin la’dahay
Hagaajinta Jidka cusub ee uu Maayarku sida dhakhsaha leh u bilaabay ayaa dad badan oo dhib badan ku qabay u arkaan kaliya in ay tahay uun in Maayarku iska dhaadhicinayo Madaxweynaha cusub ee aanay jirin Xil-gudasho masuuliyadiisa ah oo uu wax ku qabanayaa
Hagaajinta Jidkan oo ah mid muhiim ah ayaa loo aanaynayaa uun Maayarku inuu ugu talagalay oo kaliya Madaxweynaha cusubi inuu maro maalinta uu u guurayo Qasriga Madaxtooyada maadaama aanu maayarku dhismaha jidkaasi ka lahayn ku talagal raasamaal ah oo biyuhu sidii markii horeba u burburiyeen si ka duwan aan loo dhisayn
Sidoo kale waxa ay warar kale oo u dhuun daloola u jajabnaanta Maayarka ee dhinaca Siilaanyo sheegayaan in la siiyay hagaajinta iyo qalabaynta Qasriga Madaxtooyada Somaliland si uu ugu hagaajiyo Madaxweynaha cusub taasoo sida la sheegay sababtay in Maayarka iyo Guddidii Siilaanyo u magacaabay qaban qaabada xafladda xilwareejintu si fawdo ah Qasriga Madaxtooyada isugu dayaan inay ka fuliyaan hawgal ay kaabadaha dibeda yaala uga qaadaan oo ay deyrka dhexdiisa geeyaan isla markaana ay rinjiyeeyaan dhismayaasha kala duwan ee Madaxtooyada taas oo laga hor istaagay
Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng: Jiciir ayaa tan iyo intii Kulmiye ku guulaystay talada Dalka u tafaxaydan sidii uu isaga dhaadhicin lahaa Xukuumadda cusub, waxaana mudadaasi iyo intii ka horeysayba baylah balaadhani la soo gudboonaatay masuuliyadiisii shaqo ee loo doortay tusaale ahaana Xarunta Maamulka Dawladda Hoose oo noqday mid fadhiid ah, Wadooyin badan oo dadweynuhu lacag ku bixiyeen oo aan ilaa hada la dhamaystirin, wadooyinkii dhagaxa uu dhigay wakhtigii Ololaha oo aan halkii loogu tagain iyo hawsha ugu culus ee Qashinka oo subaxdii ku gaadhaha magaaladda badhtankeeda wakhti danbe
Maayarka Hargeysa oo ah xubin ka tirsan Xisbiga lagaga Guulaystay talada Dalka sababaha Guul darada Xisbigiisana loo aanaynayo fadhiidnimada Maayarada Dalka oo dhamaantood wada ah Xisbiga UDUB ayaan la garanayn isagoo Madax u ah Gole Dastuuri ah oo ku yimi Doorasho inuu ku mashquulo u adeegada Masuul Xil ka balaadhan kiisu sugayo, taasoo ay dadweynaha ama dadka Siyaasadda Falanqeeyaa aad isku weydiinayeen tan iyo intii ay maayarada Golayaasha Deegaanada Dalku la kulmeen
Sidoo kale waxa isla shalay isagoo ka hadlaya wado cusub oo la bilaabayo Jidka boqol iyo kontonka ilaa Maansoor uu baaq u diray Madaxweynaha cusub isagoo sheegay kulamadii ay wada yeesheen inay isku af-garteen inay Siilaanyo wada shaqayn fiican yeelan doonaan, waxaanu isagoo baaq u diraya xukuumadda cusub yidhi “Dawlada cusub waxaanu ka rajaynaynaa inay dawladaha Hoose lacagaha cashuuraha badan ee xukuumada dhexe kaga maqan sida aanu odayga (Madaxweynaha) ku balanay wax badan ayuu nala qaban doonaa.waxaanu u mahad celinaynaa dadweynaha iyo ganacsatada bixiyay daamurka wadadan lagu dhisayo.”
Madaxtooyada iyo Wadada tagta Guriga Siilaanyo
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxtooyada iyo Wadada tagta Guriga Siilaanyo


Barigii hore muxuu u dhisi waayey, i hope Siilaanyo fires his ass, what a clown

-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Madaxtooyada iyo Wadada tagta Guriga Siilaanyo
Madaxweynaha) ku balanay wax badan ayuu nala qaban doonaa.waxaanu u mahad celinaynaa dadweynaha iyo ganacsatada bixiyay daamurka wadadan lagu dhisayo.”




- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Madaxtooyada iyo Wadada tagta Guriga Siilaanyo
Goljano Lion wrote:![]()
Maayarka ayaa jidkaasi mar kale kab-kab ku bilaabay imika markii Hogaamiyihii Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye oo muddo badan jidkaasi marayay isagoo burbursan uu ku guulaystay taladii Dalka, iyadoo markii hore dadku isweydiin jireen waxa ay Dawladda Hoose u hagaajin la’dahay
Barigii hore muxuu u dhisi waayey, i hope Siilaanyo fires his ass, what a clown



He wants to get in Siilanyos good books dee
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 74 Replies
- 3099 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 0 Replies
- 242 Views
-
Last post by afisoone
-
- 5 Replies
- 570 Views
-
Last post by damu
-
- 1 Replies
- 628 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 3 Replies
- 605 Views
-
Last post by Caytame
-
- 3 Replies
- 875 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 564 Views
-
Last post by AsadSL