Jaaliyada Sanaag iyo Haylaan ee Minneapolis oo xaflad u qabtey Idaacada Somali Public Radio.
Minneapolis, (SPR): Waxaa maanta xaflad si heersare ah loosoo agaasimey ay ka dhacdey magaalada Minneapolis, xafladan oo ahayd mid ay idaacada SPR uga xog waramaystey dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Sanaag Haylaan iyo Bari, halkaasoo ah qeybaha ugu badan oo laga dhagaysto idaacada.
Xafladan ayaa waxaa ka Hadley aqoonyahano badan iyo dhalinyaro kuwaasoo ku baruurijiyey idaacada SPR in ay ka qeyb qaadato dib u dhiska Soomaaliya. Sidoo kale waxaa halkaasi ka gabyey abwaan Mataan. Qudbadihii iyo suugaantii goobtaasi laga tiriyey iyagoo codad ah ayaan idiin soo gudbin doonaa waqti dhow. Ha maqnaanin hana moogaanin….











